(ERGO) – Shariifo (oo aan ahayn magaceeda saxda ah), waxay tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii 2022 raashin ka soo qaadanaysaa bakhaar ku yaalla magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Haweeneydan oo ah hooyada afar carruur agoon ah waxay ka mid tahay 6,820 qoys oo ku nool 26 tuulo oo hoos yimaada degmada Xudur, kuwaas oo gargaar raashin ah ka helay hay’adda MARDO. Qoysaskan oo ku nool tuulooyin ay go’odaamiyeen Al-shabaab ayay lacag $90 ah bishii ugu soo dhacdo kaarar loo qeybiyay. Lacagta ayay bakhaarro uga soo beddeshaan raashiin.
Shariifo ayaa xustay in raashinka ay si qarsoodi ah ku keensato xaafaddeeda oo ku taalla deegaanka Abag-beeday oo 8 km u jira degmada Xudur. Waxay tilmaantay in ilaa afar jeer ay bakhaarka ku laabato, iyadoo marba raashiinka qeyb dhabarka ku soo qaadata. Raashiinkan gargaarka ah ayay tilmaamtay inuu wax weyn ka beddelay nolosha qoyskeeda oo ay ku adkayd helidda cunno ay karsadan hal waqti maalinkii.
Maalmaha qaar ayay xustay in qoyskeeda u qadi jiray. Inkastoo ay ku faraxsan tahay raashinka ay heshay, haddana waxay codsatay in lacag loogu beddelo, si ay waxyaabaha kale ee u qoyskeeda u baahan yahay ay ugu iibsato.
“Saddex haaf oo sokor, bur iyo bariis ah ayaan soo qaadannaa. Mararka qaar waad soo baxaysaa, goobaha wey kala fog yihiin oo qofkii lugeynaya labo sacadood ilaa seddax saacadood ayay ku qaadanaysaa. Raashinka dhabarka ayaan ku soo qaadannaa, ani waliba si dhuumaaleysi ah ayaan ku soo qaataa. Haddii $90, sidooda naloo siin lahaa caruurta ayaaba iskuulka uga bixin lahaa, qalinka ugu gadi lahaa dharka ugu iibin lahaa oo daawadaa ku iibsan lahayn. Lacagta ayaa noo fiican,” ayay tiri.
Shariifo waxay nolosha qoyskeeda ku maareeyn jirtay raashinkan gargaarka ah ka hor, shaqo ay la qaban jirtay haweenka sida dhuumaaleeysiga ah badeecada ku soo geliya magaalada, kuwaasi oo ay meel dhexe uga hortagi jirtay. Shaqadan ayay ka heli jirtay 10 ilaa iyo 20 kun oo Shillin Soomaali ah ($1-$2).
“Dad ayaa tuulooyinka kale kala yimaada raashinka, dharka, qudaarta. Qudaarta ayaa roon, waxaan dhahaa keen aan ku soo iibiyee. Faa’idada ayaan ka qaataa inta kale na qofkii aan u iibinaayey ayaan siinaa, hadaan 10 shilin oo Soomaali ah ka helo, habeenkii galaaskoo masagga ah ayaan ugu iibiyaa carruurta oo dabka u saaraa, sidaas ayaa lagu noolaa,” ayay tiri.
Beer labo hektar ah oo ay ku leedahay deegaanka ayay xustay in afar sano aysan waxbo ku beerin, maaddaama ay saameeysay abaarta. Dayrtii la soo dhaafey oo deegaankeeda ka da’ay ayay ku abuuratay masaggo, waxayna rajaneysaa inay u soo go’do bishan.
Saciida (ma aha magaceeda saxda ah), oo ku nool deegaanka Garasweyne oo 45 km u jira degmada Xudur, waxay sidoo kale ka mid tahay qoysaska helay raashinkan gargaarka ah. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in raashinka ay ka soo qaadato bakhaar deegaankeeda u jira 20 km.
Haweeneydan oo ah hoyada siddeed carruur ah ayaa xustay in nolosheeda u wax badan ka beddelay raashinkan ay qaadato. Waxay tilmaantay in hadda u qoyskeeda maalinkii dabka shito saddexda waqti halka marka hore ay labadii maalinba, mar ay heli jirtay cunto ay carruurta u kariso.
“Aad iyo aad ayaa dhib u qabnay, adigoo xoolahana wax kuu goyn karin caruurtaadana baahan yihiin, wax aad ka sameyn kartana lahayn, nolosha waa ay iska adkayd. Maalin aan wax la cuneeynin xitaa waan soo aragnay. Ilaah ayaa mahad leh hadda, bariis, baasto saliida ayaa ku agtaala, haddii ay kaa dhamatana bisha kale ayaaba sugaysaa,” ayay tiri.
Qoyska Saciido oo aabbahooda ah qof da’, sidoo kale na ay xubnaha xanuunayaan, ayaan haysan cid u shaqeeysa. Waxay gargaarkan ka hor ku tirsanaayeen 23 neef oo lo’ ah iyo 10 neef oo ari ah oo ay deegaanka ku dhaqanayeen. Labaatan neef oo lo’ ah ayay sheegtay inay iibiyeen si nolosha qoyska ay u maareeyso.
“Waxaa lagu noolaa neef lo’ ah ama ari ah oo suuqa la geeyo. Beer waa ay abaarsatay mooyee, beer fiicana ayaan lahayn. Afar sano wax kuma bixin,” ayay tiri.
Shan ka mid ah carruurteeda ayay xustay inay u dhigtaan iskuul iyo dugsi Quraan. Waxay tilmaantay in mid walbo ka mid ah ay bishii ka bixiso 300 oo shillin Soomaali ah ($10). Lacagtan marka ay waydo waxay iibisaa neef ka mid ah xoolaha, si ay carruurteeda waxbarasha uga joogsan.
Isu-duwaha mashaariicda ee hay’adda MARDO ee degmada Xudur Maxamed Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska ay ku xulanayeen xaaladdooda nololeed. Wuxuu xusay in qoysaska ay xusheen ay yihiin kuwa abaarta ku waayay beerihii iyo xoolihii ay ku tiirsanayeen, sidoo kale na aan helin wax gargaar ah.
Wuxuu tilmaamay in ujeedka ay ka leeyihiin deeqdan raashinka ah ay tahay in la yareeyo tirada dadka ka soo barakacayo deegaanadood ee magaalooyinka soo galaaya.
Maxamed ayaa sheegay in hay’adda WFP ay ka caawinayso gargaarka ay u fidinayaan qoysaskan. Wuxuu xusay in qoys walbo ay siiyeen kaar ay ugu soo dhacayso $90 oo ay raashin uga soo adeegan karaan bakhaarro loogu tala galay. Isu-duwaha ayaa sheegay in barnaamijkan oo loogu gargaaraayo dadka ku nool meelaha aan la gaari karin ee ay abaartu saameeysay, u socon doono ilaa bisha Maayo ee sanadkan.










