Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bakool: Qoysas ku go’doonsan deegaanno hoostaga degmada Xudur oo helaya gargaar raashin ah

Radio Ergo by Radio Ergo
January 13, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, R

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shariifo (oo aan ahayn magaceeda saxda ah), waxay tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii 2022 raashin ka soo qaadanaysaa bakhaar ku yaalla magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Haweeneydan oo ah hooyada afar carruur agoon ah waxay ka mid tahay 6,820 qoys oo ku nool 26 tuulo oo hoos yimaada degmada Xudur, kuwaas oo gargaar raashin ah ka helay hay’adda MARDO. Qoysaskan oo ku nool tuulooyin ay go’odaamiyeen Al-shabaab ayay lacag $90 ah bishii ugu soo dhacdo kaarar loo qeybiyay. Lacagta ayay bakhaarro uga soo beddeshaan raashiin.

Shariifo ayaa xustay in raashinka ay si qarsoodi ah ku keensato xaafaddeeda oo ku taalla deegaanka Abag-beeday oo 8 km u jira degmada Xudur. Waxay tilmaantay in ilaa afar jeer ay bakhaarka ku laabato, iyadoo marba raashiinka qeyb dhabarka ku soo qaadata. Raashiinkan gargaarka ah ayay tilmaamtay inuu wax weyn ka beddelay nolosha qoyskeeda oo ay ku adkayd helidda cunno ay karsadan hal waqti maalinkii.

Maalmaha qaar ayay xustay in qoyskeeda u qadi jiray. Inkastoo ay ku faraxsan tahay raashinka ay heshay, haddana waxay codsatay in lacag loogu beddelo, si ay waxyaabaha kale ee u qoyskeeda u baahan yahay ay ugu iibsato.

“Saddex haaf oo sokor, bur iyo bariis ah ayaan soo qaadannaa. Mararka qaar waad soo baxaysaa, goobaha wey kala fog yihiin oo qofkii lugeynaya labo sacadood ilaa seddax saacadood ayay ku qaadanaysaa. Raashinka dhabarka ayaan ku soo qaadannaa, ani waliba si dhuumaaleysi ah ayaan ku soo qaataa. Haddii $90, sidooda naloo siin lahaa caruurta ayaaba iskuulka uga bixin lahaa, qalinka ugu gadi lahaa dharka ugu iibin lahaa oo daawadaa ku iibsan lahayn. Lacagta ayaa noo fiican,” ayay tiri.

Shariifo waxay nolosha qoyskeeda ku maareeyn jirtay raashinkan gargaarka ah ka hor, shaqo ay la qaban jirtay haweenka sida dhuumaaleeysiga ah badeecada ku soo geliya magaalada, kuwaasi oo ay meel dhexe uga hortagi jirtay. Shaqadan ayay ka heli jirtay 10 ilaa iyo 20 kun oo Shillin Soomaali ah ($1-$2).

“Dad ayaa tuulooyinka kale kala yimaada raashinka, dharka, qudaarta. Qudaarta ayaa roon, waxaan dhahaa keen aan ku soo iibiyee. Faa’idada ayaan ka qaataa inta kale na qofkii aan u iibinaayey ayaan siinaa, hadaan 10 shilin oo Soomaali ah ka helo, habeenkii galaaskoo masagga ah ayaan ugu iibiyaa carruurta oo dabka u saaraa, sidaas ayaa lagu noolaa,” ayay tiri.

Beer labo hektar ah oo ay ku leedahay deegaanka ayay xustay in afar sano aysan waxbo ku beerin, maaddaama ay saameeysay abaarta. Dayrtii la soo dhaafey oo deegaankeeda ka da’ay ayay ku abuuratay masaggo, waxayna rajaneysaa inay u soo go’do bishan.

Saciida (ma aha magaceeda saxda ah), oo ku nool deegaanka Garasweyne oo 45 km u jira degmada Xudur, waxay sidoo kale ka mid tahay qoysaska helay raashinkan gargaarka ah. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in raashinka ay ka soo qaadato bakhaar deegaankeeda u jira 20 km.

Haweeneydan oo ah hoyada siddeed carruur ah ayaa xustay in nolosheeda u wax badan ka beddelay raashinkan ay qaadato. Waxay tilmaantay in hadda u qoyskeeda maalinkii dabka shito saddexda waqti halka marka hore ay labadii maalinba, mar ay heli jirtay cunto ay carruurta u kariso.

“Aad iyo aad ayaa dhib u qabnay, adigoo xoolahana wax kuu goyn karin caruurtaadana baahan yihiin, wax aad ka sameyn kartana lahayn, nolosha waa ay iska adkayd. Maalin aan wax la cuneeynin xitaa waan soo aragnay. Ilaah ayaa mahad leh hadda, bariis, baasto saliida ayaa ku agtaala, haddii ay kaa dhamatana bisha kale ayaaba sugaysaa,” ayay tiri.

Qoyska Saciido oo aabbahooda ah qof da’, sidoo kale na ay xubnaha xanuunayaan, ayaan haysan cid u shaqeeysa. Waxay gargaarkan ka hor ku tirsanaayeen 23 neef oo lo’ ah iyo 10 neef oo ari ah oo ay deegaanka ku dhaqanayeen. Labaatan neef oo lo’ ah ayay sheegtay inay iibiyeen si nolosha qoyska ay u maareeyso.

“Waxaa lagu noolaa neef lo’ ah ama ari ah oo suuqa la geeyo. Beer waa ay abaarsatay mooyee, beer fiicana ayaan lahayn. Afar sano wax kuma bixin,” ayay tiri.

Shan ka mid ah carruurteeda ayay xustay inay u dhigtaan iskuul iyo dugsi Quraan. Waxay tilmaantay in mid walbo ka mid ah ay bishii ka bixiso 300 oo shillin Soomaali ah ($10). Lacagtan marka ay waydo waxay iibisaa neef ka mid ah xoolaha, si ay carruurteeda waxbarasha uga joogsan.

Isu-duwaha mashaariicda ee hay’adda MARDO ee degmada Xudur Maxamed Aadan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska ay ku xulanayeen xaaladdooda nololeed. Wuxuu xusay in qoysaska ay xusheen ay yihiin kuwa abaarta ku waayay beerihii iyo xoolihii ay ku tiirsanayeen, sidoo kale na aan helin wax gargaar ah.

Wuxuu tilmaamay in ujeedka ay ka leeyihiin deeqdan raashinka ah ay tahay in la yareeyo tirada dadka ka soo barakacayo deegaanadood ee magaalooyinka soo galaaya.

Maxamed ayaa sheegay in hay’adda WFP ay ka caawinayso gargaarka ay u fidinayaan qoysaskan. Wuxuu xusay in qoys walbo ay siiyeen kaar ay ugu soo dhacayso $90 oo ay raashin uga soo adeegan karaan bakhaarro loogu tala galay. Isu-duwaha ayaa sheegay in barnaamijkan oo loogu gargaaraayo dadka ku nool meelaha aan la gaari karin ee ay abaartu saameeysay, u socon doono ilaa bisha Maayo ee sanadkan.

Previous Post

Hiiraan: Carruur ka soo jeeda qoysas danyar ah oo deegaannadooda ku helaya waxbarasho bilaash ah

Next Post

Muqdisho: Qoysas laga barakiciyay xero ku taalla Dayniile oo carruurtooda u la’ hoy iyo cunno hal waqti ah.

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas laga barakiciyay xero ku taalla Dayniile oo carruurtooda u la’ hoy iyo cunno hal waqti ah.

Muqdisho: Qoysas laga barakiciyay xero ku taalla Dayniile oo carruurtooda u la’ hoy iyo cunno hal waqti ah.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo