(ERGO) – Ku dhowaad labo boqol oo carruur ah oo ku nool labo deegaan oo hoostaga degmada Buulo-burde oo ka faa’ideysanaya waxbarasho bilaash ah, markii goob ay wax ku bartaan laga hirgaliyay deegaanadooda.
Boqol iyo siddeedtan arday oo ka soo jeeda qoysas danyar ah oo ku nool degmada Buulo-burde ayaa ka faa’ideysanaya waxbarasho bilaash ah. Koox dhallinyaro ah oo ka soo jeeda degmada ayaa labo iskuul ka hirgaliyay deegaanada Qandoole iyo Idileey oo aan horay u lahayn xaruun waxbarasho. Iskuuladan waxaa la furay labadii November ee sanadkii tagay.
Cabdixakiin Cabdi Qeelooy, wuxuu ka mid yahay walidiinta ay carruurtooda ka fa’ideysanayaan waxbarashada bilaashka ah. Afar carruur ah oo ay labo gabdho yihiin ayaa u dhigta fasalka kowaad ee dugsiga hoose ee Qandoole.
Deegaanka Qandoole oo iskuulkan laga hergaliyey ayaa Buulo-burde u jirto 22 km. Ninkan waxay carruurtiisa waxbarashada billaabeen 10-kii November ee sanadkii tagay. Waxay ka mid yihiin 90 arday oo dhigata iskuulka Qandoole.
Cabdixakiin ayaa xusay in walwal badan ay ku haysay waxbarasho la’aanta caraurtiisa. Wuxuu tilmaamay inuu ku fikiray inuu u diro degmada Buulo-burde ama Xamar, si ay waxbarasho u helaan. Balse, wuxuu awoodi wayay qarashkoodi.
“Afar carruur ah ayaa dugsiga i dhagto. Aniga oo meel aan aadiyo la’ ayaa dhallinyaradan Alle nala kulansiiyey. Buugagtii, sabuuradihii iyo qalimaantii iyaga ayaa inoo keenay. Hadda bishii saddexaad ayaan galeeyna,” ayuu yiri.
Cabdixakiin waxay carruurtiisa quraanka dhameeyeen muddo laga joogo labo sano. Wuxuu intaa ku dadaalayay, sidii ay ku heli lahayeen waxbarasho maadi ah, taasi oo aan u suura gelin ilaa ay dhallinyaradan ka hirgaliyeen deegaankiisa goob waxbarasho.
Ninkan ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in carruurtiisa ay hadda wax qori karaan, sidoo kale na aqrin karaan. Wuxuu sheegay in carruurtiisa ay ku adkayd wax aqriska inta aysan billaabin iskuulka.
“Cunugga manta magaciisa ayuu qoraa oo cashiro caadi ah ayuu soo qaadanaa. Xisaabta ku dhufashada iyo u qeybiska ayuu yaqanaa. Ilmaha wax badan ayaa iska beddelay. Aad ayaan ugu faa’idnay xaruunta waxbarashada runtii,” ayuu yiri.
Cabdixakiin oo ah aabaha 12 carruur ah, wuxuu nolosha qoyskiisa ku maareeyaa beer afar hektar ah oo u ku leeyahay deegaanka Qandooleey, taasi oo ay ugu beeran tahay khudaarta cagaaran.
Asad Xasan Maxamed oo ah beeralay ku nool deegaanka Idileey ayaa sidoo kale ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda heleen waxbarashada bilaashka ah. Wuxuu sheegay, in iskuulka ay u dhigtan shan carruur ah. Muddo saddex bilood ah ayuu xusay in carruurtiisa ay ku jiraan waxbarashada maadiga. Ardayda ka faa’ideysanayaa iskuulkan oo ah 85 carruur ah ayaa lagu baraa geed hoostiisa oo lagu xiray sabuurad.
“Iskuulka waa shaqeeya, lakiin waa geed hoostiisa, guri lama haayo. Macallimiinta caruurteena halkasi ayay waxbarashada ku siiyaan,” ayuu yiri.
Asad oo ah aabbaha 16 carruur ah ayaa sheegay in saddex kale oo ka tirsan carruurtiisa u qorsheynayo inuu waxbarashada ku daro. Wuxuu xusay in iskuulkan ka hor ay carruurta deegaanka waxbarasho u raadsan jireen degmada Buulo-burde oo 20 km u jirta. Shantiisa carruur ayuu sheegay in hadda ay u dhigtan fasalka kowaad ee dugsiga hoose.
“Carruurteeyda dad iska reer baadiyo ayaan iska nahay, beeraha iyo xoolaha ayaan u diri jirnay. Waxaasna wax canuga wax u galaya ma ahan. Annagan Meesha joogno ayaa baadiyo iyo waxbarasho la’aanta aad u aragnay, marka waxaan ku talagalnay inaan jahliga annaga aan ku jirno carruurteena ka saarno,” ayuu yiri.
Aamiin Shiikh Cabdicasiis Cali oo hormuud u ah dhallinyaradan ayaa sheegay in markii ay arkeen waxbarashada la’aanta ka jirta deegaanka ay ku dhiiradeen inay wax ka qabtaan. Labada iskuul ay ka hirgaliyeen labada deegaan ayuu sheegay in mid ka mid ah ay carruurta wax ku baraan meel barxad ah oo u ugu deeqay qof ka mid ah dadka deegaanka.
“Ilaa iyo shan dhallinyaro ah oo reer Buulo-burde ah ayaan ahayn, waxaan is tusnay deegaannada Buulo-burde ku hareereysan oo dhan aynan iskuulo laheeyn, wax wax ka barto laheeyn. Dhalinyaradii deegaanka ka soo jeeday ay muqaadaraad baranayso, sidaas darteed waxaan isku raacnay qof walba wixii uu deegaankiisa u qaban karo in uu qabto,” ayuu yiri.
Aamiin ayaa sheegay in inta ay iskuuladan ka furin deegaanadan ay sameeyeen cilmi baaris lagu ogaanayey heerka waxbarasho dadka iyo baahida halka ay gaarsiisan tahay.
Hal qof oo magaciisa qori karo ayuu sheegay in ay ka waayeen dadkii ay ku wareeysteen Cilmi barista oo iskugu jiro dhalinyaro iyo waalidiin, kuwaas oo gaarayey 30 qof. Arrintan ayuu sheegay inay keentay, in si degdeg ah ay iskuul uga hirgaliyaan labada deegaan, si loo badbaadiyo mustaqbalka carruurta halkaa ku nool.
“Waxaan ku sameeynay qaaran aan annaga iska aruurinnay, $10- $30, qof walba wixii u awoodo in lagu qoro. Macallimiintana mushaar badan kuma shaqeeyaan, wixii soo haro jeesto iyo sabuurado ayaan ku bixinnaa. Marka rag tashaday wax walba waa sameeyn karaan. Bil walbane mushahaarka macallimiinta annaga ayaa bixinno,” ayuu yiri.
Shan macallin oo labada iskuul dhigto ayuu tilmaamay inay bishii siiyaan $70 mdikiiba. Macallimiinta ayaa galinkii hore ee maalinkii wax bara ardayda dhigata iskuulka hoose ee Qandooleey, halka galabkii ay wax soo baraan iskuulka deegaanka Idileey oo aan ka fogeeyn.
Maamulka degmada Buulo-burde iyo wasaarada waxbarashada Hirshabeelle ayuu sheegay in howshan markii ay billaabeeyn ay lasoo xariireeyn. Kulan ay la qaateeyn masuuliyiintii ayuu sheegay in balan qaad ay ka heleen.
Wuxuu intaas ku daray in sababta iskuuladan bilaashka loo dhigay ay tahay inay ka faa’ideystaan dadka ku nool deegaanadan oo ay u badanyihiin danyar aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta waxbarashada.










