(ERGO) – In ka badan boqol iyo kontan haween ah oo khudaar ku iibiyo magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayay soo food-saartay suuq xumo ka dhalatay beeraleyda deegaanka oo sare u qaadeen qiimaha khudaarta.
Haween badan ayaa dhaqaalaha ay ka helaan khudaar waxa ay ku filanaan waysay nolosha qoysaskooda iyo waxbarashada carruurtooda.
Caasho Cabdi Cali oo haysato siddeed carruur ah, waxay kamid tahay ganacsatada arrintan saameysay. Saddex carruurteeda ayaa ka haray waxbarashada iskuulka hoose markii ay awoodi waysay bixinta lacagta bishii laga rabay.
Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in carruurta ay guriga joogaaan tan iyo bishii Agoosto oo laga soo ceyriyay iskuulka.
“Awal markii hore dhaqaalaha i soo gali jiray macalinkana bilihiisa joogto ayuu u qaadan jiray bishiisa. Hadda waxaa igu sababay in bil iyo labo iyo saddex bilood dayn la igu yeesho. Macalinka xitaa biil iyo aduun ayaa ku socda iyo biyo sidaa awogeed ayaa ilmaha la igu soo cayriyay maalmahan iskuul maba aadaan. Cunugiiba 7 dollar ayuu ku dhigtaa todobadii dollar-na ma awoodo oo maba isoo gasho.”
Caasho waxay miis yar oo ay ku haysato suuqa khudaarta ee degmada Baardheere ku iibisaa yaanyo, basal, barandho iyo khudaarta cagaaran kuwaas oo ay si jumlo ah uga soo qaadato beeraha.
Waxay sheegtay in jirgaanka yaanyada beeraha kaga soo iibsan jirtay 70,000 shilin hadda uu marayo 140,000 oo shilin Soomaali ($1.6-$5.2). Si lamid ah yaanyada waxaa labo jibaarmay khudaarta cagaaran taas oo beeraleydu sabab ugu dhigeen qiimaha shidaalka oo sare u kacay.
Haweenkan khudaarta ku tiirsan oo ka soo jeedo qoysaska saboolka, tan iyo bishii Juun ee sanadkan oo ay haystaan culeyskan waxay wajahayaan ciriiri ka haysto dhanka cuntada sida ay Caasho u sheegtay Raadiyow Ergo.
“Markii hore saddex waqti ayaan wax karsan jirnay, hadase hal waqti quraac maba karsanno wixii habeenka baryo ayaa loo reebaa quraacda, duhurkii ayaa wax loo kariyaa. Suuq xumada wax badan ayaa laga dareemay. Ilmaha dugsiga oo kale sida Cida Nafteeda ilmaha dhar ayay u baahan yihiin wax kasta ayaa loo baahan yahay. Wixii qarashaadka suuqa aan iska bixinaynin oo qiimaha qarax yahay oo wax aan keeno wax lagu helayn.”
Caasho oo da’deedu tahay 38 jir, waxay ay suuqa maalinkii ka heli jirtay 15 doollar, halka ay hadda $1.5 oo faa’ido ah ka hesho. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in lagu leeyahay deynta ay ku bixisay biilka qoyska iyo lacag loogu yeeshay beerta ay khudaarta ka soo qaadato. Waxay hadda la walaacsan tahay sida ay ku bixin doonto lacagtaas haddii uu xaalku sidan sii ahaado.
“Lacag waa la igu leeyahay miiska qudaarta. Haddaanbo dayn soo qaadanin si wax lagu socod siiyo maba lahan in wax loo soo qaado hadan lasii bixiyo in cidina lagu maamulo sidaas ayaa kaliftay lacag la’aanta waayo. Shanta milyan miiska iyo cida iyo ilmaha dugsigooda iskuulkooda dhan siday bil-bil ku dar isku baaq u noqonaysay buug ayaa la ii buuxiyaa.”
Dhanka kale qiimaha shidaalka oo labo laabmay ayaa uga sii daray xaaladda beeraley Baardheere. Fuustada shidaalka ayaa gaartay lacag u dhaxeyso 250-300 doollar halka markii hore ay ahayd $130. Beeraleyda deegaanka ayaa qiimaha khudaarta sare u qaaday sabab la xiriirta kor u kaca qiimaha shidaalka.
Muxiyadiin Shariif Mayow oo beer labo hektar ku leh magaalada Baardheere ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in beeraleyda dhankoodu uu haysto culeyska ay qabaan ganacsatada khudaarta, maaddaama shidaalka oo sanadkii ugu dambeeyay sare u kacayay uu hoos u dhigay wax-soo-saarkoodi. Muxiyadiin oo ah 48 jir haysta labo iyo toban carruur ah wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in lagu yeeshay dayn gaareysa 23,000,000 shilin Soomaali ($852). Lacagtan ayuu ku qaatay shidaal, abuur iyo nafaqada uu beerta galiyay.
“Dhibaatada waxaa keentay shidaalka inaan kor u qaadno. 20 litter markii hore 400 ayaan ku qaadan jirnay hadase 640 ayaan ku qaadannaa. Sidaas ayaana kor ugu qaadnay qiimaha khuduurta kabsarta iyo wixii lamid ah. Seddexda waqti waxaan siin jirnay 100 hadda laakiin Hooyadii cida iyadaa Magaalada ku jirto oo xamaalanaysa ee aniga waxba uma haayo. Beerihii ayaa naga hor imaaday qaaliga dartiis basasha baqaarada is kaga buuxdaa, yanyadii sidaas oo kale, basashii way bolashay. Khudaartii markii hore raqiiska ahayd inta markaan keeno waxbaan ka heli jirnay, hadda wixii hadii ay qaaliyoobeen shidaalki qaali noqday dayntii iyo khudaarta isma bixinayso. Daynbaa la igu leeyahay baqaarkii ayaan dayn laga leeyahay shidaalkii baa dayn lagaga leeyahay, suuqa dhaxdiisa dukaanka dayn lagaaga leeyahay
intaas ayaa keenayso dhibaatadaas.” Qoyska Muxiyadiin ayaa ah mid nolol ahaan ku tiirsan tacbashada beerta inkastoo walaaca uu hadda qabo ay tahay mid meesha ka saari karto wax beerista, maaddaama ay ku sii socoto lacagaha daynta ee uu beerta ku maalgaliyo.
Haweenka danyarta ah ee khudaarta ku iibiyo magaalada Baardheere waxaa ka mid ah 45 haween oo barakac ku ah magaalada. Si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda ayay suuqa ugu soo biireen. Waxay sheegeen in qiimo kororka ku yimid khudaarta ay saameyn ku yeelatay nolosha qoysaskooda.
Raxmo Maxamed Cabdulahi oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in suuq xumada ku dhacday ay taabatay waxbarashada carruurteeda si la mid ah haweenka kale.
“Waxaa igu jiro dugsi labo iskuul iyo dugsi waan isku awoodi waayay dugsi bes ah ayay iigu jiraan oo ay ii baranayaan. Iskuul awooda ayaa ii gaari waysay, hadda qof aan xamaal kale ka sugayno malahan inaga ayaan xamaalanayno.”
Raxmo oo 34 jir ah, waxay basal, barandho, basbaas, basal, iyo khudaarta cagaaran ku iibisaa suuqa khudaarta ee magaalada Baardheere waxay sheegtay in marki uu soo food-saartay dhaqaalo xumaha suuqa ku haysato uu isbeddel ku yimid wax karsashada reerkeeda.
Celcelis ahaan maalinkii waxaa suuqa ka soo gali jiray 100,000 ilaa 50,000 shilin Soomaali ($3.7-$1.9), halka hadda ay maalintii hesho 20,000 shilin($0.7).
Muddo ku dhow saddex bil ayay sheegtay in aysan wax faa’ido ka helin suuqa oo lafaha keliya uu yahay dhaqaalaha ka soo gala. Waxa ay ku nooshahay dayn iyo lacag uu ninkeeda kaga soo shaqeeyo beer qaab xoog-maal ah.
“Sagaal cunug ayaa cidda ii joogta sagaalkaba anigga ayay i fadhiyaan aabahood uma fadhiyaan waan isla korinaynaa waan isla xamaalaynaa, aabahoodna waa beeralay wax uu haayo malahan qoraal ma jiro oo anaga ku nool nahay. Xoogeyna ayaan ku nool nahay kun iyo kow wax ayaan cunaynaa, suuqa biilkeena kama helaynno aabahana wuu qaraabaa aniga waan so qaraaba ka dibna waan isku darsanaynaa laakiin biil aan keenaayo malahan.”
Raxmo ayaa sheegtay in lagu yeeshay saddex milyan oo dayn ah oo ay qoyskeeda ku maareysay noloshooda, inta ay ku jirtay xaaladan adag ee ay suuqa kala kulantay.
Qoyskeeda ayaa sanadkii 2020 ka soo barakacay miyiga deegaanka Ufuroow ee gobolka Baay markii ay abaar ka dishay tiro ari ah oo ay dhaqan jireen. Waxay noloshoodu ahayd mid ku tiirsaneed miiska ay khudaarta ku iibiso, kaas oo markii uu suuqa u fiicnaa ay ka bixin jirtay waxbarashada carruurta iyo nolosha qoyska.
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay dadkeedu u badan yihiin beeraley ku tiirsan biyaha wabiga Jubba ayaa si guud looga dareemay qiimo kororka khudaarta, taas oo saameynta ugu badan ku reebtay dadka ka ganacsada.










