Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cadaado: qoysas hoy la’aan ahaa oo lagu wareejiyay guryo ay isla degaan

Radio Ergo by Radio Ergo
January 10, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Cadaado: qoysas hoy la’aan ahaa oo lagu wareejiyay guryo ay isla degaan

Nadiifo Maxamed oo ka mid ah dadka hoyga helay/Cismaan Maddaale/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex boqol iyo konton qoys oo ka mid ah barakac ku sugan xerada Caymis ee duleedka Cadaado ayaa lagu wareejiyay 100 guri oo ka sameysan alwaax, baco iyo maryo. Waxaa u weheliyay maacuunta wax lagu karsado, bustayaal iyo soolarro yar-yar.

Maamulka degmada oo shaashanaya hay’adda Mercy corps ayaa u dhisay 5-10kii bishii Diseember ee sanadkii tagay. Waxaa halkii guriba la wada dajiyay 3-4 qoys iyada oo lagu soo xulayay sida dadku ay u kala liitaan.

Nadiifo Maxamed Xuseen oo ah 48 jir naafo ka ah lugta midig iyo qoyskeeda oo ka kooban toban qof waxay ku faraxsan yihiin inay ka mid yihiin qoysaska nasiibka u yeeshay helidda gabbaad ay ka galaan cadceeda iyo dabaysha.

“Afar qoys ayaan ka koobannahay gurigaas oo aan albaabka xiranaan isku cariirsannaa hadda waan roonahay. Farqiga u dhaxeeyaa waxa uu yahay, awal buush ayaan joognay qoryo iyo calallo ayaan isku xirxirnay, arigu badarka naga cuno, dabaysha aan naga celayn, qoraxda aan naga celayn, dayac kaliya ah, tuugo aan halis u nahay, ayaan carruurta meeshaas ku hayn jiray. Hadda guri ayaa noloo dhisay albaab ayaan xiranay xaaaddeenu shaxshax (si fiican) ayay ku sugantahay”.

Qoyska Nadiifo ayaa 10 Sabteember ee 2022 ka soo barakacay deegaanka Cadakibir oo 65 km Cadaado dhanka bari kaga beega, halkaas oo ay ku dhaqan jireen 130 neef oo ari ah.

Waxa ay tilmaantay in boqol iyo toban neef oo uga badbaaday xabadihii dagaalka ee u dhaxeeyay ciidamada dawladda iyo Shabaab uu saygeeda hadda ku hayo deegaanka Dhagax-dheer oo Cadakibir u jira 25 km. Malahan neef mac iib-gala oo waxaa seegay roobkii dayrta oo gobolka ku yaraa.

Waxay sheegtay in weli ay jiraan culaysyo ka haysta dhanka cunnada, biyaha iyo musqulaha ah. Waxa ay hadda wax la cunaan qoysaska ay isku guriga deggan yihiin. 24kii saacba halmar ayay dabka u shidaa carruurta oo kan ugu yar labo jir yahay.

“Markii hore deegaan aan naqaan ayaan joognay oo aan wax ka dayman jirnay oo dad aan naqaan ayan la joognay, markaan ka soo barakacnay nloshu cariiri ayay nagu noqotay dadka ma naqaan, meel aaan wax ka soo dayanno ma naaan,

carradaan ka shaqaysan jirnay oo aan wax ka dayman jirnay waan ka nimid, nolosha xaggeeda cariiri ayaan ka dareemaynaa”.

 

Nadiifo ayaa tilmaamtay in caqabad kasta oo ka haysata dhanka nolosha ay iyada iyo carruurteeda uga mihiimsan tahay in meel ammaan ay deggan yihiin oo wax cabsi ah aysan qabin.

Qoysaska deggan xerada oo ah 726 qoys ayaa marka laga soo tago qoysaska helay hoyga waxaa jira kuwo wali bannaan-yaal ah oo aan haysan meel ay gabbaadsadaan. Deeqo Daahir Cismaan oo ah hooyada siddeed carruur ah oo isugu jira agoon iyo kuwo aan lagu daryeelin, waxay ka mid tahay 376 qoys oo ay guryuhu gaariwaayeen.

Waxay hadda deggantahay buush yar oo ay u dhiseen dad ay qaraabo yihiin, oo aan ka celin karin dabaysha habeenkii iyo cadceeda maalinka. Waxa ay habeen kasta ka walwashaa tuugo ay sheegtay in ay xerada u soo dhacaan oo iyada iyo dadka la midka ah ay dibad-yaal u yihiin.

“Dadkaas markaan arko inigu waan Calool-xumoodaa meeshaas baylahda ah oo aan joogo habeenkiina aana hoyanayn oo tuugu uu soo taagan yahay cabsi aad u wayn ayaa jirta. Habeenki oo dhan waan soo jeednaa waan iswardiyeeyaa, waxaan isdhahaa goormaa tuug kaa qaadan doonaa, sidee wax noqon doonaan, habeenkaas oo dhan waa soo jeedaa. Waagu markuu baryaan dadka la midnahay habeenkiina dadkaas guryaha xirtay waan ka duwanahay dadka u eg ayaan iska dhignaa mana nihin, waan ka duwanahay, meeshaas waan ku dilanahay”.

Qoyska Deeqo oo ka soo barakacay deegaanka Maarsamagge oo 120km Cadaado u jira wuxuu xaaladdan barakaca ka hor ahaa beeralay ku tiirsan dalagyada u soo baxa oo ay ku jireen galley, masaggo iyo Qare. Waxa ay sheegtay in gaari ay carruurta ku soo qaadatay uu wali ku lleeyahay $150, taas oo aysan hayn qorshe ay ku guddo.

Dhar-dhaqid ay magaalada u aaddo ayay xusta in ay u aragtay inay biilka reer ka soo heli karto markii ay xeradan timid shantii Sebteember 2022, balse waxay isku keeni waysay haynta carrurta iyo in ay shaqo tagto.

“Carruurtu wax ima bartaan Qur’aan ima dhigtaan, iskuul iima dhigtaan waana tabar darro awgeed, ciyaalada markii iskuulka laga soo daayo iyo dugsiyada anna aan waxarasho u waayay waan wareeraa. Haddaan waxbarasho u helo waan gayn lahaa midna kama reebeen”.

Gudoomiyaha xerada Xasan Ciise Afrax oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay inay suuragal tahay inuu mashruucan oo kale uu dib u billowdo mustaqbalka. balse uu garowsan yahay in baahida dadka barakacay aysan ku ekeyn helidda guryo loo dhiso. waxa uu sharraxay qorshaha uga degsan dadka aan doorkaan ka faa’iidaysan.

“Nadaamka annaga noga deggan ka maamul ahaan waxa uu yahay ma dhici doonto qof hadda la siiya in wax dnbe loogu daro illaa qof kale uu ka qadsan yahay, in loo fiiriyo mrkasta mudnaanta kowaad yaaleh. Haddana haddii wax kale yimaadaan waxaa la leeyahay mudnaanta koobaad yaaleh. Dadka qadsan ayagaa mudnaanta koobaad leh ayagaa la soo kala fiirindoonaa haddana”.

Dhanka kale waxa uu ka dayro ka muujiyay dhanka helida cuntada ee dadka xerada ku jira. Waxa uu sheegay in dadka qaar ay macluul qarka u saaran yihiin sida uu sharraxayo.

“Dadkaan xaaladdoodu haddii sidaan ay ku sii jirto waxaa lagayaabaa waxyaabo badan in ay ku yimaadaan oo ay ka mid tahay, ilmaha yaryar oo dhafoqa darro noqda oo isbitaalada buuxiya dadka waawayn oo baahi wax la soo gadan waaya marka xaalado badan oo bini’aadanimadaku saabsan ayaa dhici kara, oo nafaqo darro u horayso oo cudurro u horeeyan. Marka dhib badan ayaa imaan kara laakiin dhibka Allaah ha naga hayo. Dadka muxsiniinta ah iyo deeq bixiyaashana waxaan leenahay dadka ha u gargaaraan”.

Qoysaskan waxay deggan yihiin dhul ay leeyahiin dad shacab ah, balse maamulku ay ka codsadeen in ay dejiyaan dadka. Waxa ay sheegeen in ay ka wanaacsan yihiin in ay dadkii lahaa dalbadaan in ay ugu guuraan.

Previous Post

Muqdisho: Dad barakac iyo danyar isugu jira oo shaqo abuur noloshooda wax ka beddelay ka helay warshad biraha sameysa

Next Post

Baardheere: Nolosha oo ku adag qoysaska ay ka soo jeedaan haweenka khudaarta iibiya

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Baardheere: Nolosha oo ku adag qoysaska ay ka soo jeedaan haweenka khudaarta iibiya

Baardheere: Nolosha oo ku adag qoysaska ay ka soo jeedaan haweenka khudaarta iibiya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo