(Ergo) – Ku dhawaad soddon qof ayaa fursad shaqo abuur ah ka helay warshad biraha samaysa oo Muqdisho laga furay bishii 10aad ee sanadkii 2022. Shaqaalaha ayaa qabta shaqooyin kala duwan sida dhalaalinta, soo aruurinta iyo suuq geynta biraha.
Yuusuf Cali Jaamac oo ka mid ah dadka biraha soo aruuriyaa ayaa sheegay in shaqadan oo uu wado saddex bilood ay u sahashay inuu helo biil ku filan oo uu ku maareeyo nolol maalmeedka qoyskiisa oo danyar barakac ah.
Ninkan oo ah aabbe haysta siddeed caruur ah ayaa sheegay in fursadda biro aruurinta ay wax ku soo kordhisay hab-nololeedka qoyskiisa oo markii hore la daala dhacayay sidii ay ku heli lahaayeen cunno hal waqti ah.
Biraha iyo oolyada wuxuu ka soo aruuriyaa goobaha gawaarida lagu sameeyo sida garaashyada. Marka uu geeyo Shirkadda halka tan oo u dhiganta (1000 kg) waxa laga siiyaa $150 oo uu suura gelisay inay ilmihiisu helaan daryeel.
Muruq-maalkan wuxuu tilmaamay inuu isbeddel weyn u dhaxeeyo noloshii uu ku sugnaa iyo tan hadda. Wuxuu xusay in qoyskiisa ay haystaan cunno isku dheellitiran iyo hoy awood u leh inay inuu ka celiyo qabowga iyo kuleylka.
“Farqi weyn ayaa u dhaxeeya mar aad gacmaha is dul saaratay iyo mar aad dhaqdhaqaaq leedahay oo aad wax la imaanayso oo aad xooggaaga wax ku raadsan karto. Nolol iyo nolol la’aan ayay kala tahay. Hadda labo waqti wax waan cunnaa Alxamdullillaahi. Markii hore waxaan ahaa qof meesha timid ku cusub oo aan waxba kala ogeyn oo dhibaato haysato. Hadda ilaahay meel aan risaaqadeena ka raadsano ayuu na siiyay,”ayuu yiri.
Yuusuf iyo kooxda la shaqaysa oo ka kooban saddex qof soo aruurinta biraha duugga ah iyo oolyada waxay ku qaadataa maalmo badan. Wuxuu sheegay inay dhibaato kala kulmaan dadka iska leh garaashyada oo soo qaadashada biraha u diida. Toddobaadkii hal mar ayay geeyaan shirkada biraha ee Muqdisho oo ka iibsata.
Degmooyinka Hodan, Dayniile iyo Howlwadaag ayaa ugu badan meelaha ay biraha kasoo aruuriyaan halkaasi oo sababta uu ku doortay uu ku sheegay inay ku yaallaan garaashyo waa weyn.
Ninkan ayaa xusay in shaqadan ka hor uu ahaa gaari gacanle u kala adeegga dukaamada iyo guryaha wax soo dalbada. Wuxuu tilmaamay inay aheyd shaqo ay adkayd inuu ka soo saarto nolol maalmeedkiisa. Maalmaha wuu waayo, wuxuu ku tiirsanaa raashinka ay karsadaan qoysaska deriska la ah.
Yuusuf waxa uu Raadiyow Ergo u sharraxay inta ay ku qaadato soo aruurinta biraha iyo sida uu kaydiyo ka hor inta uusan u suuq geyn shirkadda.
“Wallaahi dhowr maalmood ayay nagu qaadataa soo aruurinta biraha, hal maalin ma qaadanayso iyo saacaddaha waxa ay u baahan tahay dhowr maalmood, waad soo aruurinee xaafadda geenee hadda waad soo aruurinaysaa xaafadda geenaysaa sida ayaa wax lagu soo aruuriyaa. Markaasi ka dib baabuur ayaan soo qaadannaa ama Mootada saddex lugaaleyda ah siddaasi ayaan kusoo gaarnaa Shirkadda, marka hore Xaafadda ayaan ku aruurinaa aniga iyo qof oo saaxiibadeyda ah,” ayuu yiri.
Qoyska Yuusuf ayaa ka soo barakacay February 2022 magaalada Shalanbood ee gobolka Shabeellaha Hoose markii ay abaarta la tacban waayeen beer hal hektar ah oo ay ku lahaayeen halkaas. Waxaa uga bixi jiray beerta noocyada kala duwan oo qudaar ah sida kabsar caleenta, liinta iyo qaraha.
Yuusuf iyo qoyskiisa tan iyo bishii March 2022 waxay hadda barakac ku yihiin xerada Alnaciim ee degmada Dayniile. Hadda waxaa hoy u ah guri buul ah kaasoo ay u saarnan yihiin bacaha roobka oo uu ka iibsaday lacagta biro aruurinta ka soo gasha.
Dadka shaqada ka helay warshadda biraha ee Muqdisho waxaa ka mid ah xoogsato horay dalka dibadiisa uga shaqayn jiray dhalaalinta birta balse markii dalalkii ay ku noolaayeen laga soo tarxiilay muddo shaqo la’aan ku ahaa Muqdisho.
Axmed Maxamed Yuusuf wuxuu hadda Shirkadda Muqdisho ka shaqaynaya afar bilood. Ninkan ayaa shaqo la’aan ahaa saddex sano markii laga soo tarxiilay dalka Sacuudiga oo uu uga shaqeyn jiray xirfadda birta.
Axmed wuxuu si joogto ah uga shaqeeyaa dhalaalinta birta iyo goynteeda. Wuxu qaata maalinkii $15 taasoo oo uu ku maareeyo nolol maalmeedka qoyskiisa.
Ninkan oo ah aabbe haysta toddobo carruur ah ayaa ku faraxsan inuu dalka ka helay shirkad fursad u siisay inuu ku shaqaysto aqoontiisii birta tan iyo markii lagu soo celiyay waddanka 2018.
Ka hor shaqadan sida uu sheegay Axmed waxaa caawin jiray dad ay ehel yihiin maadaama uu shaqo la’aan ahaa balse shaqadan cusub ayaa u suura galisay inuu isku filnaado. Wuxuu sheegay inuu awood u yeeshan inuu iskuul geeyo bishii November 2022 afar ka mid ah carruurtiisa kuwaas oo markii hore dibadda ka joogay tacliintan sababo la xariira awood la’aan dhaqaale.
“Noloshadeyda wax badan ayaan iska bedalay markii aan shaqadaan bilaabay, markii hore shaqo la’aan ayaan ahaa, haddana shaqo ayaan haystaa, waa mahad ilaahay waana ku faraxsanahay. Shaqadan waxaan ka faa’iiday in ay noloshadeyda badashay oo aan gaaray isku filnaansho, fursad ayaan helay indhaha hadda waa ii furmeyn oo wax badan ayaan sii kororsaday in kale oo dheeri ah waan sii baran doonnaa,” ayuu yiri.
Qaar ka mid ah dhallinyarada xoogsatada ah ee horay u bartay farsamada gacanta gaar ahaan biraha balse waayay meel ay uga shaqaystaan ayaa ka mid ah dadka ka faa’iidaysanaya fursadda shaqo abuur ee shirkadda biraha ee Muqdisho.
Cabdalla Xuseen oo 26 sano jir ah islamarkaana ah aabbe haysta laba carruur ah. Wuxuu ka mid ah dadka shaqo abuurkan nasiib u yeeshay. Wuxuu qaabilsan yahay jarida biraha ay warshaddu soo saarto iyo kuwa dad kale ay soo aruuriyaan.
Ninkan oo bartay xirfadda gacanta ayaa shaqo la’aan ahaa laba sano markii uu garaash uu ka howlgalayay lacagtii uu ka qaadanayay ay ku filnaan weyday biilka qoyskiisa.
Hadda wuxuu ku qanacsan in bishii 26 maalmood oo ka mid ah uu ka shaqeeyo warshadda, islamarkaana uu si maalinle ah u qaato lacag dhan $ 15.
Wuxuu xusay inuu qorsheynayay inuu iibsado beer waalidkiisa ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan Awdhiigle si uu ugu tahriibo balse wuxuu sheegay inay shaqadan rajo cusub ku beertay isla markaana ay bedeshay go’aankiisii.
“Shaqadan waxaa igu soo xariiyay wiil aan garaash ka wada shaqeyn jiray, walaahi shaqadan noloshadeyda wax badan ayay ka badashay, awal waxaan aheyn dhallinyaro caadi oo garaashyada magaalada ka shaqeyn jiray haddana waxaa nahay dad shirkad u shaqeeya. Shaqadda aan hadda hayo dhaqaale badan ayay leedahay. Sidoo kalena farsamooyin badan ayaan ka faa’iidnay,”ayuu yiri
Maamulka Warshadda Biraha ee Muqdisho ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay sii kordhiyaan shaqaalaha muruq-maalka ah ee hadda ka howlgalla warshadda, islamarkaana sanadkan 2023 ay gaarsiinayaan ilaa 60 qof oo heli doona mushaar bille ah.
Maamulaha Warshadda Ibraahim Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in shaqaalaha ay ku soo xuleen xirfadooda iyo baahida shaqo ee ay qabeen. Marka laga tago dadka toos uga shaqeeya wuxuu sheegay inay jiraan dadka nolol maalmeedka si dadban uga hela shirkadda oo aan aheyn shaqaale rasmi ah.
Waxaa ka mid ah dadkaas shaqsiyaad u keena oolyada gawaarida laga beddelo oo uu tilmaamay inay u isticmaalaan samaynta biraha.
Ibraahim ayaa sheegay in birta ay soo saaraan shaqaalaha Soomaalida ah oo kaashanaya xirfadlayaal ajnabi hadda si weyn looga isticmaalo Muqdisho. Wuxuu sharraxaad kooban naga siiyay hab ay u dhacdo farsamaynta birta ay sanceeyaan iyo noocyadeeda.
“Birta waxaa laga sameynayaa markii la kululeeyo oo biyo laga dhigo,waxaa laga sameeyaa biraha guryaha lagu dhiso, waxaan soo saarnaa lambarada wali ay isticmaalaan Soomaalida ilaa 8, 12, 16 oo ah cabbirka ugu badan ee Soomaalida ay isticmaalaan,” ayuu yiri
Hawlaha shaqo ee birta ayaa ah kuwo adag balse xoogsatada waxay u huraan muruqooda iyo waqtigooda si ay uga helaan dhaqaale ka caawiya ugu yaraan inaysan gaajo ku seexan carruurtooda iyo intooda nugul sida waayeelada.










