(ERGO) – Towfiiq Cali Cartan oo ah aabbaha qoys shan qof ka kooban wuxuu ka mid yahay 260 kalluumeysto ah oo ka jillaabta xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kuwaas oo si joogta ah uu qasaare u soo gaaro kalluunka ay soo dabtaan.
Waxay wajahayaan qaboojiye la’aan saameyn ku yeelatay shaqadooda jillaabashada. Xaaladdan ayay ku jireen intooda badan tan iyo billowgii sanadkan 2022.
Towfiiq wuxuu badda la galaa Doon ay ku wehliyaan afar qof oo ay shirko ku yihiin kalluumeysiga.
Muddo toddobaad ah oo ay ku maqnaadaan badda waxay kala soo baxaan 200 kiilo oo kalluun ah. Malaygan ayaa kala bar xeebta ku qurma iyadoo aan laga iibsan.
Wuxuu ii sheegay in siddeed bil ka hor uu ku xisaabtami jiray toddobaadkii $60 ilaa $70. Hadda se uu si dhibbadan ku helo lacag u dhaxeysa $10 ilaa $20 oo faa’iido ah.
Kaluunka ay soo jillaabtaan kala bar waxaa ka iibsada shirkad kalluumeysi oo gabdho ay leeyihiin.
“Waxaan sameynaa kalluunku qiimo uusan joogin ama uusan noogu fadhin baan siinnaa, Waxay dantu nagu qasbaysaa intii aan kalluunka qubi lahayn in aan gabdhaha u wareejinno oo qiimo aan munaasab ahayn aan siinno, dhibka ugu wayn ee nahaysta waxaa weeye kalluunka haddii aan badda ka soo saarno qaboojiye uma haysanno. Waxay noqoneysaa in aan qarash dib u galno oo aan isbixin wayno,” ayuu yiri Fowfiiq.
Qiimaha shidaalka ay u isticmaalaan Doonta oo kordhay sanadkan waxay ku noqotay towfiiq iyo kalluumeysta la mid ka ah culays kale oo dhaqaale. 80 liitar ee shidaalka ah oo ay Doonta ku shubaan halkii safar waxaa uga baxda $120.
Wuxuu xusay in ay noqotay mid adag isbixinta dhaqaalaha soo gala iyo midka ka baxa, taasi oo sababtay in ay yareeyaan shaqadooda jillaabashada. Waxay ku soo koobeen bishii labo mar halka markii hore afar jeer ay gali jireen badda.
Qaboojiye la’aanta iyo kalluunka tirada badan ee xeebta la iskugu keeno ayuu sheegay Towfiiq in ay sabab u tahay qiimo xumada ku dhacday wax-soo-saarkooda.
Wuxuu ka walaacsan yahay in xilliyada qaar shaqada jillaabashada ay ka niyad jabiyaan dadka kalluunka ka iibsada oo qasaare u horseeda.
“Mar mar bay dhuuntaanba kalluunkii oo xeebta iska yaal. Waxay kulleeyihiin ma qaadan karno. Maxaa dhacay? Meel aan ku gurno ma haysanno. Ma fahantay?,” ayuu yiri Fowfiiq.
Caruurtiisa ayuu sheegay in dhaqaale yarida ka dhalatay xaaladdan ay u horseedday cunno xumo. Saddex waqti oo ay dabka shidan jireen labo ka mid ah ayaa meesha ka baxay.
Wuxuu xusay in kiilooyin raashin uu ka daynto bakhaarro ku yaalla magaalada Boosaaso.
Afar caruurtiisa ah oo labo ay gabdho yihiin ayuu sheegay in bishii labaad ay dayn ku dhiganayaan waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe ee Xaaji Mire oo ku yaalla magaalada Boosaaso.
Maamulka iskuulkaas ayuu ku qanciyay in uu bixin doono marka uu helo qarashka waxbarasho ee carruurta oo bishii ah $80.
Towfiiq oo toddobo sano ahaa kalluumeysto ah hal mar oo ka mid ah ayuu iibsaday qaboojiye ka cilladoobay sanadkii hore, kaas oo uu isticmaalayay muddo saddex sano ah.
Wuxuu rajeynayaa in laga taageero agabkan si uu uga soo kabto dhaqaale darrida haysa.
“Talaagadda qaboojiyaha haddii aan haysan lahayn kalluunkaas magaalada inta uu ka joogo baan siisan lahayn ama Garoowe iyo Gaalkacyo meelahaas baan u sii dhiiban lahayn. Marka kalluunka waxaa fiican in meel kaydiye ah lagu guro. Dhibaatada ugu horreysa oo ugu badan waxaa weeye kalluunka meel la geeyo ayaa la la’yahay, Barbara calaa kiilo $1.5 buu ka joogaa. Halkanna $0.8 baa la siiyaa,” ayuu yiri Fowfiiq.
Guddi iskaashato oo ay leeyihiin kalluumeysatada Boosaaso ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xoogsatada ka shaqeeya Doomaha ay yihiin dadka ugu nugul ee wajahaya dhaqaale yarida ka dhalatay qaboojiye la’aan, kuwaas oo mushaharka ay ku shaqeeyaan uu ku xiran yahay sida loo iibsado kalluunka ay badda ka soo saaraan.
Cali Warsame Maxamed oo ah aabbaha saddex carruur ah wuxuu tan iyo 2009 ka shaqaynayaa Doon kalluumeysi oo dad ganacsato ah ay leeyihiin.
Wuxuu sheegay in lixdii bil ee la soo dhaafay aysan helin min $40 oo toddobaad walba ay ku xisaabtami jireen isaga iyo saddex kalluumeysto ah oo Doonta kala shaqeeya.
Intaas wuxuu ku daray in lacagtan ay heli lahaayeen haddii kalluunku u gadmi lahaa, taasi oo ah heshiiska shaqo ee ay kula jiraan ganacsatada.
Kalluunka ay la soo baxaan ayay u geeyaan mar mar kalluumeysato ajnabi ah oo u qaboojiya si uusan uga qasaarin.
“Mar mar inta aad kalluun la soo baxdo cid kaa gadaneysa aysan jirin baa jirta. Meeshii qaboojiyaal leh baa la aadnaa oo lagu qaban karo. Doonyaha Yaman ka yimaada baan u gaynaa marka aan meel aan ku qaboojinno wayno. Doonyahaas baa naga qabta?,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in 100 kiilo ee kalluun ah oo ay u kaydiyaan in ay ka qaadaan $50, taasi oo ah qarash kale.
Bishiiba mar ayay badda kala soo baxaan ku dhawaad 200 kiilo oo kalluun ah. Faa,iidada laga helo ayuu xusay in uu aad u yar yahay. Shaqaalaha ayuu xusay in qofkiiba uu ku soo aaddo $30 bishii.
Cali waxay dantu ku qasabtay in qoyskiisa uu u dayntu cunto labo waqti dabka saartaan iyo dharka ay xirtaan.
“Daymaha aan shirkadaha ka qaadano marka aan wax helno baa nalaga jaraa. Marka kale hadde waxay leeyihiin lacagteenna nasii adigoon waxba hayn,” ayuu yiri.
Dadka aan haysan qalabka lagu kaydiyo kalluunka ayaa iskugu jira kuwa muddo dheer ku jiray xirfadda jillaabashada oo dhaqaale xumo darteed qaboojiyaal iibsan waayay iyo qaar dib ka noqday kalluumeysto, markii ay abaarta ku xoolo beeleen sida uu sheegay guddi iskaashato oo ay leeyihiin kalluumeystada Boosaaso.
Mustafe Abshir Maxamed oo guddoomiye u ah ayaa sheegay in xilliga lagu jiro oo ah bad furan kalluumeysatadu ay helaan kalluun badan, balse ka faa’iideysigiisa uu seegay dadka aan haysan qaboojiyaha.
Wuxuu xusay in wasaaradda kalluumeysiga Puntland ay la wadaageen bartamihii sanadkan caqabadda haysta dadka badda ka jillaabtay inkastoo aysan jawaab ka helin.
“Ninkii badda aada oo kalluun badan soo qabsada oo is yiraahda maanta dayntii iska bixi oo laga iibsan waayo waa caqabadda koobaad oo aan ka qaylinno oo xagga dowladda aan ugu qaylinno oo ah caqabadaha nahaysta, kalluunka haddii la soo qabto ma ooli karayo waa in la qaataa oo dadku iibsadaan oo sii qashaan ama qaboojilaal sii gashadaan,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in ballaarinta lagu sameeyay dekadda Boosaaso ay saameyn ku yeelatay kalluumeystada oo laga raray bishii Nofeembar goob muhiim u ahayd isla markaasna ay dhigan jireen qalab sida doomaha iyo shabaaggaha.