Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Baardheere: Iskuullo quudin laga bixiyo oo carruurta danyarta iyo barakaca ah u suurageliyay inay waxbarashada aadaan

Radio Ergo by Radio Ergo
January 5, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Baardheere: Iskuullo quudin laga bixiyo oo carruurta danyarta iyo barakaca ah u suurageliyay inay waxbarashada aadaan

Nuunow oo fasalka la fadhiya labadiisa wiil/Cumar Caydaruus/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan sideed kun oo carruur ah kana soo-jeeda qoysaskii ugu danbeeyay ee abaarta ku soo xoolo waayay ayaa waxbarasho bilaash iyo quudin labo waqti ka helaya sagaal iskuul oo ku kala yaalla,degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Carruurta waxbarashada helay waxaa ka mid ah labo wiil oo uu dhalay Nuunow Liibaan Xasan oo da’adoodu kala tahay kow iyo toban iyo saddex iyo toban jir, waxay dhigtaan fasalka koowaad ee iskuul hoose oo ku yaalla xerada Warsan ee magaalada Baardheere.

Quraac,qado iyo waxbarasho bilaash ah ayay ka helaan iskuulka, maadaama ay ka soo jeedo qoys sabool ah oo abaarta ka soo dishay 100 neef oo ari ah oo ay dhaqan jireen. Nuunow oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay carruurtiisa markii ugu horeysay u helay waxbarasho bilaash ah.

“wax barashada bilaashka ee aan helnay si fiican ayaan u arkaa alxamdulilaah. Ilmihii marki aan keenaynay waxay ahaayeen ilmo ummi ah,hadana maanta waxay bilaabeen inay wax akhriyaan oo ay qoraan. Wax bau fahmeen alxamdulilaah. Maya meel iskuul lagu dhigto maanan joogin oo baadiye ayaan ku jirnay. Hadda inta ayay ku bilaabeen inta aan halkan soo degnay, hadana intii ay halkan ku bilaabeen maanta wax way akhriyaan wayna qoraan.”

Mashruucan oo lagu caawinayo qoysaska barakaca ah iyo kuwa deegaanka ee saboolka ah, ayaa waxaa iska kaashanaya wasaaradda waxabarashada Jubaland iyo hay’dda HIRDA.

Nuunow oo ah aabaha qoys ka kooban sideed qof waxa uu abaarta kaga soo cararay tuulada Durbaan oo 70 km u jirta Baardheere.

Waxa uu sheegay in ay jiraan waalidiinta qaar ay carruurtooda iskuulka u geeyeen si ay quudin ugu helaan, balse isaga taas mid ka duwan ayuu qabaa,waxa uu sheegay in dhowr bilood oo ay carruurtiisa waxbarashada ugu jiraan hadda farta Soomaaliga akhris iyo qoraalba yaqaanaan waxa uuna ku rajo wayn yahay in afar carruur kale ooo guriga u jooga uuu iskuulka gaynayo marka ay da’ada waxbarashada gaaraan.

“maya raashin meesha laga helo meel ayuu ku egyahay. Waxaan rabnaa inaan waxbarashada ka faa’ideysanno si bari carruurteena meel kasto oo ay tagaan wax ugu helaan oo wax ugu fahmi karaan ee raashin kali uma tagin. Afarta kale wali ma gaarin haday gaaraanna inaan geeyo ayaan rabaa.”

Mashruucan oo socon doono muddo labo sano ah, waxaa markii hore qurshuhu ahaa in waxbarasho ku helaan 6,507 in kastoo hadda ay tirada ardayda ka faa’ideysaneyso ka badan tahay tii loo qorsheeyay.

Waxaa kamid ah dadka loogu faa’ideynayo kuwo dhaqaale la’aan waxbarasho kaga haray. Falxado Cabdulaahi Nuur oo hadda saddex carruur ah iskuulka ugu jiraan ayaa sanadkii hore awoodi waysay inay sii bixiso lacag shan iyo toban doollar taas oo marki danbe ku qasabtay inay guriga ku celiso.

“iskuulkii ay ii dhigan jireen qaar beesaan u helay qaarna lacagaan u waayay.hada lkn wax lacag ah la ima waydiiyo,iskuulka way ii dhigtaan kuwa ilmahayga dhaleen iyo kuwaan dhalay”.

Falxado ayaa sidoo kale sheegtay in hadda ku faraxsan tahay waxbarashada bilaashka ee ay ku haystaan carruurteeda xeryaha barakaca.

“waxbarashada hada ay socoto oo beesada keen lagu dhahayn bisha markay dhamaato sedeed doollar ama toban doollar lagu dhahayn ayaa hada aad iyo aad nasiino ugu qabnaa.cuntadana waxaa waayo naftigeeda adooo gurigaada adoo joogo maalin waad heli maalina waad wayni taas allah ayaa balan qaaday. Kaliya waxbarashadan aad ugu baahnayn helnay.”.

Qoyska Falxado oo ku nool xerada Iftin ee degmada Baardheere bishii December 2021 ayuu abaar ugu soo barakacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay. Nolosha qoyskeeda ayay hadda ka soo saartaa shaqo dhar dhaqaal ah oo ay ka soo qabato xaafadaha magaalada, maadaama ay haysato todobo carruur oo agoon ah.

Mashruucan oo ay ka faa’ideysanayaan in ka badan tiradii markii hore loo asteeyay ayaa ku eg bisha Maarso ee sanadka 2023.

Maxamed Xuseen madaxa waxbarashada ururka maxaliga Himilo Relief Development Association (HIRDA) oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in howshan ay ku dhalatay markii ay qiimayn ay sameeyeen ku ogaadeen waxbarsho la’aan ay wajahayeen kumanaan carruur ah kuwaas oo aanu qoysaskoodu awoodin inay ka bixiyaan dhaqaalaha waxbarasha lagu bixiyo. Sidoo kale waxa uu sheegay inay carruurta siiyaan raashin quraac iyo qado iskugu jiro.

“sidaad la socoto wadanka abaarro badan ayaa ka dhacay baahiyaa iska jirto. Mashruucaan markii aan bilaabaynay ayaan fiir-fiirinay dadkii aan dhaxmarnay waxaan soo ogaanay waxyaabaha ka reebay in cunugu iskuul aado oo waxbarashada aado inay tahay baahi hayso qoyskii cunuga ka dhashay oo aan helayn inuu cunugii caloosha u buuxiyo ama cunto siiyo si uu waxbarashadii ugu so fududaato sidaa darteed barnaamijkan waxaan qayb oga dhignay in cunuga mise ardayda loogu kariyo cunto iskuulka loogu kariyo labo waqti subixii hore inta aysan fasalka galin in mashaari loo kariyo oo ay cabaan lix saac inta aysan xaafada aadin in loo kariyo qado ka kooban bariis iyo dikir, mise galay iyo dikir ka kooban”.

Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkan ay hadda waxbarsho bilaash ku siiyaan ku dhawaad 8,000 arday halka qorshuhu markii hore ahaa 6,507 carruur.

“kuma salayno inta caruur ah oo nagala rabo oo barnaamijka naga rabo maku salayno.waxaan ku salaynaa baahida jirto oo qoyskaa uu qabo waxbarashada ku salaynaa.qoysbaa waxaa ka imaanayso sideed caruur ah lagama reebaayo haday gaareen heerka waxbarashada,cunugana gaaro oo maskaxdiisana qaban karto in wax loo dhigo waan kusoo darnaa mashruuca mana fiirino in waqti inta naloogu talagalay oo mashruuca ugu galalay in aan intii isku xadidno oo intaa bes ah qabano. Lkn waxaan fiirinaa baahidaba haday jirto mise ardayda u baahan yahay dhinaca la siiyo inaan mashruuca kuso darno”.

Previous Post

Fayo-dhowr xumada xeryaha oo badisay tirada dadka uu daacuunku soo ridanayo

Next Post

Boosaaso: Kalluumeysato qalab la’aan ay hayso oo ka cabanaya qasaare soo gaara kalluunka ay badda kala soo baxaan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Boosaaso: Kalluumeysato qalab la’aan ay hayso oo ka cabanaya qasaare soo gaara kalluunka ay badda kala soo baxaan

Boosaaso: Kalluumeysato qalab la’aan ay hayso oo ka cabanaya qasaare soo gaara kalluunka ay badda kala soo baxaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo