Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Haween carruurtooda magaalooyinka gobolka u geynaya inay u helaan cid cunno u siisa

Radio Ergo by Radio Ergo
December 5, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(Ergo) – Qoyska Waris Xaashi oo ka kooban 14 qof wuxuu wajahayaa hubanti la’aan cunno oo ka dhalatay cudur leh calaamadaha Sambabka oo saameeyay wax-soo-saarka xoolihii ay ku tiirsanaayeen.

Haweenaydan oo ku nooleyd deegaanka Sabocad waxay arrintani ku qasabtay in lix ka mid ah carruurteeda ay 15 Oktoobar dulsaar ahaan ugu geyso ayaydood oo ku nool magaalada Budbud ee gobolka Mudug si ay cunno u helaan.

“Cunno yaridu waxay ka bilaabatay raashin la’aan, lacag la’aan, caano dduunyana ma haysano, caano boorana waxaan ku gadanno waan waynay. Raashinku aa naga go’anyahay. Wax lacag ah oo aan ku gadano ma haysanno. Arigii waa naga jiraday. Wax la gato ma leh. Waxaan iskaga nool nahay xaal mastuur oo dadka reer Budbud ayaa koobooyin nagu sadaqaysta.”

Tan iyo bishii Sabteembar ee sanadkan oo uu cudurku ka jiray deegaanka oo 25 km u jira magaalada ay hadda barakaca ku yihiin.

Nolosha qoyskan ayaa horay ugu tiirsanayd saddex tiro oo ah ari ah. Tiro ka mid ah ayaa ku baxday cudur deegaanka ka jira halka inta u soo hartay aysan weli ka soo kaban xannuunkii safmarka ugu dhacay.

Qoyskan oo horay maalintii saddex waqti dabkooda u shidan jiray waxay hadda tabartoodu ku soo ururtay shaah iyo hal xilli oo casho ah. Saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa lagu yeeshay dayn gaaraysa $800.

Waris waxay sheegtay inaysan qoys ahaan maanta laheyn awood ay isaga bixiyaan lacagtaas oo ay ilmaha raashin ugu qaaday. Waxay intaas ku dartay in dukaamadii ay daynta ka heli jirtay ay ku wargeliyeen inaysan mid kale siin karin.

“Daynta waxaa la iigu yeeshay raashin, carruur iga jiratay daawadood iyo caano booro. Dayntii waa la ii diiday. Waxaa la iyiri kii hore haddaa qabtid mid kale lagu siin maayo. Dadka casabada inaan baryo waxaa igu jirrabay in dayntii la ii diiday,” ayay tiri.

Saameynta nololeed ee ay dareemayaan qoysas ku nool deegaanada ku hareeraysan Budbud waxay gaartay inuu hoos u dhaco difaaca carrurta ka shan sano jirka. Waris waxay u walwalsan tahay saygeeda iyo lix kale oo carruurteeda ah oo weli ku sugan miyigii ay ka carartay.

Magaalada ay u soo nolol doonteen kama jiraan fursado shaqo, maadaama ay tahay tuulo yar. Waxay awoodi la’dahay inay iskuul geyso carruurteeda. Waxaa lagu leeyahay $90 oo kiro ah.

Boqollaal qoys oo kale ayaa ku dhib qaba helidda cunno ku filan. Waxaa ka mid ah qoyska Raage Saciid Xasan oo ka kooban 14 qof. Aabbahan ayay dantu bidday inuu toddobo ka mid ah carruurtiisa ula cararo cid ay qaraabo yihiin oo deggan magaalada Budbud 15 Sabteembar.  Wuxuu xusay inay ilmihiisu wax cunaan habeenkii oo keliya.

Ninkan oo lahaa shan tiro oo ari ah ayaa tilmaamay inay rajadoodii dhimatay markii xoolihii uga soo doogay abaarta ay bilaabeen inay u le’daan cudur ku cusub deegaanka. Uma sahlanaya inuu ubadkiisa siiyo cunno ku filan. Waxaa maanta xoolo uga jooga keliya 60 neef oo ari ah.

“Xoolaha markii uu roobku qabtay xoolahii waa jiradeen. Xoolahii markii la’is lahaa waa xoogaysanayaan ayaa waxaa la arkay neef walba oo gargariiraya, dibirayaa. Markii 10 neef aad ku aragtid 2 ka badbaadaysa 8 kale waa baqtinaysaa,” ayuu yiri.

Qoyska Raage oo ay noloshoodu taagneyd xoolihii ay dhaqan jireen ayaa la daalaa dhacaya cunno yari baahsan. Waxaa leeyahay dayn gaaraysa $4,000 oo ay cunno iyo biyo gateen tan iyo xagaagii hore. Wuxuu xusay inaysan ilmahiisu magaalada ku haysan hoy ku filan iyo waxbarasho.

“Hoy aan dhisanay lama arko. Dad qaraabo ah oo ma taqaanno. Wax adigu sidii jiingadihii ah oo jaqafyo ah baan iskaga hoyanaa. Waa wax aan ku meel gaarayno. Wax hadda annaga wax noo qabanaya ma aha,” ayuu yiri.

Raage ayaa rajo xumo ka muujiyay nolosha. Wuxuu intaas raaciyay inay u baaahan yihiin kaalmo bini aadanimo oo dag dag ah. Waxuu ku baaqay in daawada xoolaha iyo dhaqaatiir lala soo gaaro si ay u badbaadsadaan xoolaha.

Saameynta ka dhalatay cudurka aan weli la hubin noociisa ayaa gaartay guryo badan. Geeddi Xasan Diiriye oo reerkiisu ka kooban yahay saddex qof ayaa sheegay in tan iyo bishii sagaalaad ee sanadkan ay wajahayeen duruufo nololeed.

“Annagu waxba ma haysanno. Xoolo dhaqataa ahayn, baadiyaan joognay. xoolahaas baa iskaga dhaqnayn abaartii iyo cudurkii baa isku helay. Magaalada ku soo biirnay, annagoo aan waxba wadan. Waxaan ku jirnaaa guri kiro ah, raashina masago iyo sareen waxaan ahayn la cuno kama aragno,” ayuu yiri.

Qoyskan oo hore u lahaa afar tiro oo ah ah ayaan hadda laheyn il dhaqaale, arigii waxaa uga jooga 3 neef oo ay magaalada la soo galeen. Waxay noloshoodu ku tiirsan tahay $70 oo uu bishii Geeddi ka helo shaqada dejinta gawaarida xamuulka ah. Waxay dheriga dabka saartaan hal waqti.

Wuxuu sheegay in lagu leeyahay lacag dayn ah oo gaaraysa $1,700. Wuxuu la nool yahay welwelka ka haysta maareynta nolosha reerkiisa iyo bixinta daynta.

“Hoygu waxaa weeye hoy kiro ah waab iyo guri baa markii hore dagay dad qaraabo ah markii hore waxay yiraahdeen iska sii dag maalmo kabacdina waxay yiraahdeen kiro iska baxiya. Kirada waxay yiraahdeen waab iyo guri bay ahaayeen $50 iska baxiya. Tabartiisa maana lahayn. Waxaan fadhiyaa waab yar oo buush ah. Waxaa la igu leeyahay 2 bilood,” ayuu yiri Geeddi.

Dadka ku nool miyiga fog ee bariga gobolka Mudug ayaa la dhibtoonaya saameyn nololeed oo ka soo gaartay abaar dabo dheeraatay iyo cudurka xoolaha ka soo ridanaya.

Previous Post

Xarun laga furay Hargeysa oo u suuragelisay haweenka shaqeeya ama waxbarta inay carruurta gaystaan

Next Post

Jowhar: Dadka dhismaha ka shaqeeyo oo shaqo la’aan soo food saartey, markii magaalada laga joojiyay dhagaxyadii la keeni jiray

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Jowhar: Dadka dhismaha ka shaqeeyo oo shaqo la’aan soo food saartey, markii magaalada laga joojiyay dhagaxyadii la keeni jiray

Jowhar: Dadka dhismaha ka shaqeeyo oo shaqo la’aan soo food saartey, markii magaalada laga joojiyay dhagaxyadii la keeni jiray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo