Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Jowhar: Dadka dhismaha ka shaqeeyo oo shaqo la’aan soo food saartey, markii magaalada laga joojiyay dhagaxyadii la keeni jiray

Radio Ergo by Radio Ergo
December 6, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Dadka dhismaha ka shaqeeyo oo shaqo la’aan soo food saartey, markii magaalada laga joojiyay dhagaxyadii la keeni jiray

Cabdifitaax Maxamed Xuseen oo ah aabbaha 10 carruur ah waxaa ku adag helista rashiin ay qoyskiisa hal waqti karsadaan/Maxamad Ibrahim/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdifitaax Maxamed Xuseen oo ah fundi dhisa guryaha dhagaxa ah wuxuu shaqo la’aan yahay muddo labo bil ah. Noloshiisa iyo tan qoyskiisa ayuu sheegay inay saameeyn ku yeelatay shaqo la’aantaan oo ka dhalatay dhagaxyadii guryaha lagu dhisayay oo magaalada Jowhar laga joojiyay keenistooda.

Dhagaxyada guryaha lagu dhiso ayaa magaalada looga keeni jiray deegaanno u jira 50 km, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab. Dadkii dhagaxyada keeni jiray ayay u diideen inay magaalada Jowhar dhagax u qaadaan.

Cabdifataax oo shaqo la’aanta la soo kowsaday horraantii bishii Oktoobar ee sanadkan ayaa sheegay in qoyskiisa oo 12 qof ka kooban ay hadda ku tiirsan yihiin caawinaad ay ka helaan ehaladiisa oo deggan Xamar. Qoyskiisa ayuu sheegay in hadda ay noloshooda ku soo uruurtay raashiin ay karsadaan hal waqti.

“Nolosheena waa iska galab galab, wax aan cunno marna waa iska helnaa marna waa weynaa. Asxaabteyda iyo ehelkayga ayaan wacdaa, si aan qoyskeyga wax ugu helo. Shaqdiina waa il naga maqan oo aan towsannahay,” ayuu yiri.

Ninkan ayaa xusay in markii u shaqeyn jiray u maalinkii heli jiray 260 kun oo shillin Soomaali ah ($9). Lacagtan ayuu tilmaamay inuu ku maareeyn jiray biilka qoyskiisa iyo waxbarashada labo ka mid ah carruurtiisa. Bishii ayuu sheegay inuu ka bixin jiray $10. Labo kale oo u dhigata dugsi hoose ayuu xusay inay lacag la’aan wax ku bartaan.

Labadii bilood ee la soo dhaafey ma uusan bixin lacagta waxbarashada carruurtiisa. Maamulaha iskuulka ayuu sheegay inuu u dan sheegtay, kana codsaday in lacagta lagu yeesho, maaddaama ay hadda dhib ku tahay helista rashiinkooda.

Cabdifataax ayaa xusay in curaddiisa ay ka qallin jabisay jaamacadda Banaadir sanadkii 2021-kii. Wuxuu xusay inay soo baratay kalkaalisanimo, balse aysan weli shaqo helin. Lacagta waxbarashadeeda ayuu sheegay inuu ka bixin jiray shaqadiisa dhismaha.

Wuxuu tilmaamay in guriga u deggan yahay oo ka kooban saddex qol u ku iibsaday lacag u ka aruursaday shaqadii dhismaha, wagii u shaqeeynayay. Biyaha iyo korontada guriga oo bishii laga qaado $30 ayuu sheegay inuu hadda ka bixiyo ina adeerkii oo ku nool dalka Sacuudiga.

Wuxuu xusay inuu ku fikiray inuu furto mehrad yar oo u ku iibiyo bagaashka si u nolol maalmeedka qoyskiisa uga soo saarto, balse u wayay dhaqaalihii u ku billaabi lahaa.

“Rajadeyda ugu weyn waa inaan suuqa galo oo ganacsi kale billaabo. Haddii ay iriddaan soo xerantay waa inaan irid kale sameeysto xitaa haddii ay tahay inaan moos iyo cambo wareejiyo, si aan nolosha carruurta aan u maareeyo,” ayuu yiri.

Cabdiqaadir Ciise Aweys oo ah aabbaha labo carruur ah wuxuu sidoo kale ka mid yahay dadka ay shaqo la’aanta soo food saartey. Wuxuu ka shaqeeyn jiray qasidda shamiintada, marka guryaha la dhisaayo. Wuxuu maalinkii joornaati ahaan u qaadan jiray 130 kun oo shillin Soomaali ah ($4.5). Lacagtan ayuu sheegay in qoyskiisa ay u gooyn jirtay rashiin ay labo waqti maalinkii karsadaan.

Tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkan oo ay soo food saartey shaqo la’aan ayuu sheegay inay nolosha ku adkaatey. Qoyskiisa ayuu xusay inay maalinkii ay hadda dabka shitaan hal waqti. Wuxuu tilmaamay in lacagta ay halka waqti ku karsadaan u ka helo dad ehelkiisa ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Cabdiqaadir ayaa sheegay in markii u shaqada haystay u subixii hore ku kallahi jiray, kana soo laaban jiray galabkii. Maareeynta nolosha qoyskiisa ayuu xusay inuu ku filnaa, balse ay hadda nafta ku kalliftay inuu dad caawinaad weydisto.

“Aad ayay noo saameeysay dhagax la’aanta ka jirta magaalada. Shaqadaanaga dhagaxaas ayay ku xirnayd, hadda uma jeedno. Gobolka cariiri ayuu ku jiraa oo wixii lagu shaqeynayey malaha. Gaadiidkii dhagaxa keenayay hadda wax socda ma leh, anagana sidaas ayaan shaqo la’aan ku nahay,” ayuu yiri.

Cabdiqaadir wuxuu hadda dulsaar ku yahay qoyskiisa oo deggan magaalada Jowhar, maaddaama u awoodi wayay bixinta kirada guri labo qol ka kooban oo u ku degganaa bishii $40.

Maxamed Cumar Maxamed oo ah wiil dhallinyaro ah oo la nool hoyadiisa oo wayeel ah ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ay shaqo la’aanta soo foodsaartey. Wiilkan ayaa ka xamaalan jiray goobaha ay dhismaha ka socdaan, isagoo fundiyaasha ka caawin jiray u dhiibista dhagaxa iyo shamiintada.

Lacagta u ka soo helo shaqada ayuu xusay inuu ku caawin jiray hoyadiis oo aan shaqeeyn karin, sidoo kale aan haysan cid u shaqeeysa. Wuxuu sheegay in labadii isbuuc ee la soo dhaafey uusan wax shaqo ah qaban oo ay noloshooda sii adkaneeyso.  Waa kan isagoo ka waramaya saameeynta ay shaqo la’aanta ku yeelatay.

“Shaqo la’aanta saameyn ayay igu yeelatay, shaqada dhagaxa mooyee shaqo kale ma aqaano. Sida aay rajadeeyda tahay waxaan rabaa inaan iska galo geerish, si aan uga helo wax yar oo aan nolosheeyda ku dabbaro. Shaqada dhagaxa awalba waxay ahayd mid maalinna la helo, maalinna la waayo. Hadda waa ay wada istaagtay,” ayuu yiri.

 

Previous Post

Mudug: Haween carruurtooda magaalooyinka gobolka u geynaya inay u helaan cid cunno u siisa

Next Post

Muqdisho: Qoyas barakac ah oo lacag bille loo siiyo uga faa’iidaysanaya inay ku gataan cunno iyo dawo

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoyas barakac ah oo lacag bille loo siiyo uga faa’iidaysanaya inay ku gataan cunno iyo dawo

Muqdisho: Qoyas barakac ah oo lacag bille loo siiyo uga faa’iidaysanaya inay ku gataan cunno iyo dawo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo