Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Xarun laga furay Hargeysa oo u suuragelisay haweenka shaqeeya ama waxbarta inay carruurta gaystaan

Radio Ergo by Radio Ergo
December 2, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xarun laga furay Hargeysa oo u suuragelisay haweenka shaqeeya ama waxbarta inay carruurta gaystaan

Children at Zaira daycare centre in Hargeisa/Naimo Said/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo gabdhood ayaa magaalada Hargeysa ka hirgeliyay bishii Abriil ee sanadkaan xarun loogu talagalay in lagu hayo carruurta yar yar inta ay hooyooyinkood ku maqan yihiin waxbarashada iyo shaqooyinka.

Saynab Ciise iyo Sahra Cabdullaahi oo ah aasaaseyaasha xarunta Zair ee xanaaneynta carruurta ayaa sheegay in ay ugu talagaleen carruurta ku jira xilliga heynta, sidoo kalena aan gaarin da’da iskuullada.

Saynab ayaa sheegtay in ay hirgeliyeen goobtaan markii ay arkeen dhibaatooyinka haysta waaliddiinta Soomaaliyeed oo qaarkood iskaga haray inay naftooda horumiyaan ama shaqeystaan.

Waxay tilmaamtay in ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo heli lahaa macalimiin khibrad fiican u leh waxbaridda iyo korinta carruurta, si aysan welwel u dareemin waalidiinta inta ay maqan yihiin.

“Sababta aan u furay goobtaan waa in aan arkay haweenka markay guursadeen ka haray waxbarashada iyo shaqada. waxaan arkay gabdho inta ay ka maqan yihiin cadruurtooda la sii dilo ama la gubo. Aad baan uga calool xumaadey. Taas ayaa igu sababtay in aan markii aan waxbarashada dhammeeyay aniga iyo saxiibaddey aan isku darsano wixii aan dhaqaale haysannay oo aan ku furnay goobtaan ilmaha lagu haynayo.’’

Waxa ay xustay caqabadaha haysta in ay ka mid yihiin waaliddiinta qaar oo aan weali ku baraarugsaneyn shaqada ay hayaan. 28 Carruura ayay qabteen muddo shan bil ah oo ay furan yihiin. waxay sheegtay in waalidiinta ay aad ugu faraxsan yihiin daryeelka ay helayaan carruurtooda.

Farxiyo Xasan Ibraahim ah oo ah hooyada afar carruur ah ayaa sheegtay in ay dib ugu laabatay waxbarashadeedii bishii May ee sanadkan, markii ay carruurta geysay xarunta.

Haweeynadan ayaa tilmaamtay in jaamacadda ay kaga hartay semistarka saddexaad bishii Juun ee sanadkii 2019 markii ay Hargeysa ka weysay xarun loogu hayo carruurta.

Farxiyo ayaa xustay in carruurta iyo iyada ay hadda heleen fursado ay si wadajir ah wax ugu baran karaan, isla markaana markii ay ka timaaddo jaamacadda ay horay uga soo qaado xannaanada.

“Markii hore welwel badan ayaa iga heyn jiray in aan ka tago ilmo afar sano ka yar. Laakiin hadda waxaan awoodaa in aan waxbarashadeydii sii wato. In aan shaqeysto. Waxaa aan helaya meel aan geysto ilmahayga oo ammaan ah. inta ay ka maqanahay awal culeys badan ayaan dareemi jiray.”

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in sidoo kale haween badan oo carruur haysta oo iyada la mid ah ay heleen fursad ay wax ku bartaan ama ay ku sii wataan ganacsiyadooda markii ay heleen goob looga heyn karo carruurta.

Xarunta Zaira ee xannaaneynta carruurta waxaa shaqo abuur ka helay lix qof oo haween ah, kuwaas oo markii hore aan heyn wax shaqo ah. Haweeynkaan ayaa isugu jira bareyaal ah iyo qaar madaddaaliya carruurta.

Caruurta dhigata xaruntan ayaa bishii waxaa laga qaadaa lacag u dhexeysa toddobaantan doollar ilaa kontan doollar oo loogu talagalay waxbarashada iyo qadadooda.

Sacdiyo Maxamed oo ka mid ah bareyaasha xaruntaan ayaa sheegtay in toddobaadkii ay shaqeyso lix maalin, isla markaana carruurta xarunta la keeno ay siiyaan casharo iyo madadaallo aysan waalidkood ku tabeyn inta ay ka maqan yihiin.

Waxa ay xustay in ay weligeed jecleyd waxbaridda carruurta yar yar, islamarkaana shaqadaa ay tahay mid ay u heyso firfircooni. Waxay heshaa mushaar ay ku maareyso nolosha qoyskeeda.

“Waan la ciyaarnaa subaxdii markaan imaanno. Farxad ayaan ka helnaa markii aan la joogno markii ay sii tagayaana waan sii macsaameynaa. Runtii carruurtan waxay noqdeen qeybo ka mid ah nolosheenna. waxaan aad ugu farxaa markii aan arko carruurtii aan halkaan ku tababarnay iyo tacabkii iyo mirihii aan galinnay oo ka soo baxay.”

Tirada carruurta ku jirta xaruntaan ayaa dadoodu waxay u dhexeysaa afar bil ilaa lix sano. Madaddaalada ka sokow waxaa lagu baraa maadooyinka aasaasiga ah ee iskuullada iyo dugsiyada Qu’aanka lagu qaato.

Waalidiinta ugu badan ee xannaanada geystay carruurta ayaa dadka ka soo laabtay qurbaha ee shaqooyinka ka haya Somaliland.

Faadumo Maxamed Xasan oo kasoo laabatay dibadda waxay ganacsi ku leedahay magaalada Hargeysa. Waxay sheegtay in ganacsigeeda uu qarka u saarnaa in uu xirmo, sababo la xariira carruurta oo ay guriga uga tagi jirtay.

Waxay sheegtay tan iyo markii xaruntan ay geystay saddex carruur ah oo ay dhashay uu ganacsigeeda wanaagsan ku socdo.

Waxa ay xustay inay jiraan adeegyo ka dhimman xarunta. Waxaa ka mid ah inaysan laheyn gaadiid soo qaada carruurta oo guriga keenaa, loona baahan yahay in lagu soo kordhiyo.

“Wadankan waan jeclaaday. Waan u soo guuray. Waayo wax walba oo aan Yurub ka heli jiray hada dalkayga ayaan ka helaya. Awal ilmaha waa laga welweli jirey. Tacab baa geli jiray. Maskax ahaan ayuu u dhismayaa, wax walba oo uu ku ciyaari karo ayaa la siinayaa oo uu ka helayaa meeshan.’’

Previous Post

Gaalkacayo: Boqol qoys oo barakac ku ahaa magaalada oo lagu wareejiyay guryo bilaash ah oo ay mulkiyaddeeda leyihiin

Next Post

Mudug: Haween carruurtooda magaalooyinka gobolka u geynaya inay u helaan cid cunno u siisa

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas laga barakciyay xero ay dagganaayeen oo cunno-xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Mudug: Haween carruurtooda magaalooyinka gobolka u geynaya inay u helaan cid cunno u siisa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo