(ERGO) – Isniino Saleemaan Dagaale oo ah hoyada siddeed carruur ah waxay ku faraxsan tahay inay si bilaash ah ku heshay guri u gaar ah. Haweeneydan oo ku noolayd kaamka Buulo Jawaan ee xaafadda Hormar ee magaalada Gaalkacayo ayaa lagu wareejiyay guri ka kooban hal qol, suuli iyo solar ay ku wadaagaan saddex qoys. Guriga ayaa looga dhisay dhul ku yaala duleedka magaalada.
Kaamka ayay sheegtay inay ka deganayd buush yar oo aan ka celin karin dhibicda roobka, kaasi oo bishii laga qaadi jiray $10. Bisha ay waydo lacagta ayay sheegtay in loogu koodin jiray in laga xiranaayo guriga.
“Roob markii uu so da’o guri aan galo buu Alle isiiyey. Waxaan ahay qof dagaan ah hadda, irsaaqda Ilaahay ayaa haayo, laakiin hadda dhibkii guri la’aanta waan ka raystay. Markii hore roob markuu da’o buushka waa igu qooyaayay oo habeenkii dhan biyo unbaa ka dhuri jiray, carruurtii iga rafaadi jireen. Manta guri ayaan leeyahay oo waan ka baxay dhibkaas,” ayay tiri.
Haweenaydaan ayaa sheegtay in guriga lagu wareejiyay oo ka sameeysan bulugeeti u ku filan yahay qoyskeeda, inkastoo ay jeclaan lahayd in loo kordhiyo. Waxay xustay in dhowr jeer laga barakiciyay kaam ay daganayd, markii dadkii lahaa dhulka ay ku heleen beec fiican. Waxay tilmaantay in lix bilood ka hor markii ugu dambeysay laga raray xeradii ay deganayd.
Isniino iyo qoyskeeda ayaa ka mid ah boqol qoys oo laga soo xulay lix kaam oo ku yaala magaalada, kuwaa oo dib u dejin loogu sameeyay duleedka magaalada Galkacyo. Waxaa qoys walbo oo ka mid ah lagu wareejiyay, dhul 15 m oo murabac ah, kaasi oo looga dhisay qol iyo suuligiisa.
Waxay sheegtay in marka laga tago dhismaha loo shubay biyo xareed ah. Waxaa sidoo kale qoys walbo ka mid ah qoysaska la siiyay saddex busto, labo sansayeeri iyo maacuun ay wax ku karsadaan.
Isniino ayaa sheegtay inay ka shaqeeyso nadaafadda guryaha, halka labo wiil oo ka mid ah carruurteeda ay ka shaqeeyaan dhismaha guryaha. Waxay xustay in maalinkii ay isku darkooda helaan $10, taasi oo ay ku maareeyso nolosha qoyska.
“Labo wiil oo dhismaha ka shaqeeyaa ayaa biilka reerka iga caawiya. Magaaladii busaarad ayay noqotay oo shaqadii dhismaha maba la helo hadda. Aniga ayaa xaaqin qaata, cawada haddii aan $2 soo helo dabka ayaan ku shidannaa, haddii aan soo waayana waan iska seexannaa,” ayay tiri.
Isniino waxay siddeed sano ka hor ka soo barakacday magaalada Qallafe ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, markii ay abaar ka laysay 180 neef oo ari ah iyo 20 neef oo lo’ ah.
Xabiibo Jeylaani Maxamed oo ah hoyada 10 carruur ah waxay degganayd kaam Hiiraan oo ku yaala duuleedka magaalada Galkacyo. Waxay xustay in lix bilood ka hor loo sheegay inay ka mid tahay dadka guryaha loo dhisay.
Haweenaydan oo 2015-kii abaar uga soo barakacday Buulo Mareer ayaa xustay in nolosheeda ay isbeddel ka dareemeyso tan iyo intii ay gurigan heshay. Waxay tilmaantay inay ka raysatay $10 oo kiro ahaan looga qaadi jiray, markii ay daganayd kaamka.
“Waxaan maalmaha qaar aadi jiray dhar dhaqow. Waxaa la i dhihi jiray, gurigaan haddii aad maanta kirada dhiibi weysid waa lagaa xiranaa. Mararka qaar labo bilood ayaa igu gaari jirtay, markaa ayaa la iga xiran jiray,” ayay tiri.
Qoyska Xabiibo ayaa ku tiirsan lacag ay ka hesho shaqo nadaafad ah. Waxay duurka geysaa uusta xoolaha la qallay, taasi oo ay maalinkii ka hesho $2. Seygeeda ayay sheegtay inuu labada killi ka xanuun san yahay oo u sariir ku aruursaday. Waxay tilmaantay inaysan u awoodin lacag ay isbitaal ku geeyso.
Xabiibo ayaa sheegtay in lagu leeyahay lacag dayn ah oo ay qoyska ugu soo qaaday raashiin.
Barnaamijkan dib u dejinta ah waxaa iska kaashaday dowladda Galmudug iyo hay’adda UNHCR. Ujeedada laga leyahay ayaa ah in dadkan la deegaameeyo oo ay ka baxaan nolosha barakaca iyo hoy la’aanta.
Agaasimaha arrimaha bulshada ee degmada Gaalkacyo Daahir Maxamuud Cilmi ayaa sheegay in barnaamijkan u ku yimid xog uruurin ay dowladda hoose ka sameeysay dadka ka soo barakacy collaadda iyo abaarta. Xogta ayuu sheegay inay la wadaageen hay’addaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada.
Hay’adda UNHCR ayuu sheegay inay dhistay guryaha. Dhulka lagu dhisay waxaa bixisay dowladda hoose ee magaalada Galkacyo.
Daahir ayaa sheegay in dadka ay guryaha ku wareejiyeen ay ku soo xusheen inay ahaayeen dad dan yar ah oo aan kirada iska bixin karin. Wuxuu xusay in soo xulidooda ay iska kaashadeen dowladda hoose iyo hay’adda.
“Dadkan waxaa lagu xushay xaaladdooda nololayd, dadkii ugu mudnaa ugu na liitay ayaa helay guryahan. Ma ahayn wax qof jeclaysi aan ku keennay. Shirar badan ayaa laga yeeshay oo xulis badan ayaa lagu sameeyey,” ayuu yiri.
Wuxuu xusay in hadda ay wadaan qodista ceel biyood ay ka cabbaan dadka guryaha lagu wareejiyay. Wasaaradda waxbarashada iyo midda caafimaadka ayuu sheegay inay u ballan qaadeen in meesha oo xooga magaalada ka yar durugsan ay ka sameyn doonaan xaruun waxbarsho iyo mid caafimaad.










