(ERGO) – Ku dhowaad afartan haween ah oo ka soo jeeda qoysaska barakaca ah ee ku nool magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa ku guuleystay maaraynta qoysaskooda. Waxa u suurtagelisay shaqo dallaalnimo ah oo ay ka qabtaan suuqa xoolaha ee degmada.
Haweenkan ayaa culeys ku qabay cunno u helista carruurtooda markii uu ka joogsaday gargaar raashin ah oo ay ka heli jireen hay’adaha samafalka, kaas oo u hakaday saameynta ka dhalatay cudurka Karoona.
Sahro Faarax Guuleed oo ka mid ah haweenkan waxay lacagta ay ka hesho saylada xoolaha ku bixisaa cunnada iyo baahiyaha kale ee qoyskeeda.
Haweeneydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in awood u yeelatay intii ay shaqeynaysay inay iskuulka ka bixiso afar caruurteeda ah.
“Waxbarashada carruurteyda waan ku maareystaa. Wax ayay ii bartaan. Labo waxay ii dhigtaan dugsi sare. Waxaa la iga qaataa $17. Meeshaan sidoo kale gabar ayaa ka dhigato. Waxaa la iga qaataa $17. Tu (mid) yar waxaa la iga qaataa $5. Intaas suuqa ayaa ka maareystaa. Wax kale oo xoolo oo aan leeyahay ma lahan.”
Sahro oo 58 sano jir ah waxay kala dallaashaa ariga ganacsiga ee laga keeno baadiyaha Gedo. Waxa sheegtay in quraac iyo casho xiriir ah ay helaan qoyskeeda tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Oktoobar 2020 markaas oo ay billowday shaqadan.
“Wax aan caruurteeda ka maarayn karo bes, dhaqaale kale awal maanan wadan. Micnaha maaraynta ilmaha lee iga soo galo. Yoomkii kolba si boqol kun oo shillin Soomaali afar doollar, shan doollar hadba sidii maalinkaas wax u helno waxaan ugu helaa labo waqti.”
Sahro oo ah hooyada siddeed carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay ku qasbanaatay in carruurteeda ay nolol-maalmeedkooda u raadiso maadaama seygeeda oo waayeel ah uusan shaqeyn karin.
Waxay xustay in maalinkii ay hesho lacag u dhaxeysa 108,000 ilaa 135,000 oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $4 – $5. Waa isha kaliya ee waqtigan qoyskeedu hada haysto.
Ku biirista Sahro ee suuqa xoolaha waxay ka dhaxleen in ay ka baxaan hoy xumo ku haysatay xerada Wadajir. Bishi Agoosto ee sanadkan ayay dhul nus boos oo ay ka dhistay qol iyo barsad baraako ah.
“Booska deegaan ahaantiisa lacag ayuu igu soo galay, lacagtana waa mid aan suuqan ka aruursaday. Ayuuto wax la yiraahdo oo labaatan kun aad ku ridayso haddii kale sodon kun aad ku aruursaneyso. Maanta hadaan wayno aan berri haddaan helno ka dabareyno. Ayuutadii markii ay isoo go’day meel ayaan dhigtay. Boos yar ayaan ku gatay, guri ayaan ka dhistay, ilmaheyga ayaaba ii seexdo.”
Qoyska Sahro ayaa sanadkii 2019 ka soo barakacay deegaanka Funijo oo 18 km u jira magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo markii ay ka dhinteen lixdan neef ari ah oo ay dhaqan jireen.
Haweenkan barakaca ah ee ku biiray shaqada dallaalka ayaa qoysaskoodu waxay horay ugu tiirsanaayeen ku tiirsanaa gargaarka hay’adaha World Vision iyo Trócaire oo joogsaday sanadkii 2020.
Shaqada dallaalista xoolaha ee ay haweenkan ay qabtaan waa mid aysan dumarku ku badnayn. Waxay ku qasabtay inay magaalada ka waayeen shaqooyin ay qabtaan.
Faadumo Gaarane oo culeys weyn ku qabtay helidda nolol-maalmeedka ayaa ka mid ah haweenka barakaca ah ee ku biiray shaqadan. Waxay tilmaamtay in maalinkii kala dallaasho shan ilaa toban
neef oo ari ah. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in neefki ku leedahay 10,000 ilaa 20,000 shilin Soomaali. Waxay ka warramaysaa sida ay shaqada u qabato.
“Micnaha qof kale ayaa ariga i waydiinaayo neefkan meeqo qiimihii ugu dambeeyay neefka qof waan u jeedinayaa qof waxaan lee yahay neefka intaas ayuu marayaa hadduu diido, haddana waan wareejinayaa, haddana waxaan leeyahay neefka intaas ayuu marayaa. Intaas ka dib ayaa marka uu oggolaado ayaan neefka u gadayaa. Neefka marka aan aniga gado lacagtiisa isaga ayaa iska leh, labaatan kun ayaan ku leeyahay markaas oo dallaal ah.”
Faadumo oo haysato sagaal carruur ah ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay bishii Feberaayo ee sanadkan oo ay seyladda timid ay qoyskeeda labo waqti maalinkii dabka shitaan. Markii markii hore ayay xustay inay ku noolaayeen daymo ay ka qaataan magaalada.
“Nolosheyda maasha Allaah, hadda meel uma fariisto carruurteyda oo waan la xarbinayaa naftooda. Hadady maalinti toban doollar i soo gasho cashadooda iyo quraacdooda waa dhag.”
Seyga Faadumo oo beeraley ah, qaab xoog-tacab ku beddelasho ah ayuu uga shaqeysta degmada Buurdhuubo. Wuxuu labadii sano ee u dambeysay ku khasaaray basal uu saartay beer uu lahaa nin ay shuraako ahaayeen markii ay isku biirsadeen cayayaanno ka dilay basasha iyo webiga jubba oo biyo laga waayay.
Faadumo ayaa sheegtay in howshan ay iska joojin doonto marka uu aabaha qoyska ka xal u helo maareynta qoyska, maaddaama hadda reerka ay iyada hayso.
Xasan Cabdi oo ah madaxa iskaashatada dallaaliinta suuqa xoolaha ee magaalada Luuq oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay suuqa ku soo badanayeen haweenkan oo isugu jiro dallaaliin iyo gaadley. wuxuu intaas raaciyay in haweenkan yihiin kuwo suuqa ka muuqda marka ragga loo eego.
“Markii ay saameeysay daruufti oo danti ku qasabtay inay noqdaan gaadleey iyo dulaaliin oo suuqa ay soo galaan. Annagiina waan saacidaynay oo gacan baan siinay. Markii ay suuqa imaadeen si fiican baan ula shaqeynay.”
Marka laga yimaado haweenka dallaaliinta ee ay saameeynta abaarta ku qasabtay ku biirista suuqa xoolaha lagu iibiyo si caruurtooda ugu helaan raashin ku filan waxaa jira haween kale oo seylada luuq shaqeysta gaadleynimo, taas oo ah neefka iibsadaan kadibna ay dib u iibiyaan iyaga oo faa’iido aan badneen ka helaya.











