Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Macallimiinta wax ka dhiga iskuullada Muqdisho oo ka cabanaya mushahar yari iyo maciishadda oo ku sii qaaliyoobaysa

Radio Ergo by Radio Ergo
November 29, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Macallimiinta wax ka dhiga iskuullada Muqdisho oo ka cabanaya mushahar yari iyo maciishadda oo ku sii qaaliyoobaysa

Guddoomiyaha ururka Macallimiinta Soomaaliya oo ku sugan xafiiskiisa magaalada Muqdisho/Rijaal Cabdi/Ergo

1
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Axmed Cabdullaahi Maxamuud oo ah aabbaha afar carruur ah wuxuu hadda macallin ka yahay iskuul si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Wuxuu macallinnimada wadaa toddobbo sano. Wuxuu sheegay in shaqadan oo mushahaarkeeda kooban yahay aysan kaafin karin nolosha qoyskiisa.

Macallinkan oo isbuucii shan maalin shaqeeya ayaa wuxuu bishii mushahaar ahaan u qaata lacag dhan $120. Wuxuu deggan yahay guri ay kiradiisa tahay lixdan doollar bishii. Wuxuu sheegay inta soo hartay inay u goyso cunto ay qoyska karsadaan hal waqti maalinkii.

Wuxuu xusay in mushahaarkiisa uusan waxbo iska beddelin toddobada sano ee uu macalinka yahay, inkastoo ay maciishada sii qaaliyoowaysay. Welwelka ugu badan ayuu tilmaamay in uu ka haysto maareyn la’aanta qoyskiisa iyo in uusan awoodin haddii carruuta mid ka mid ah uu ka xanuunsado lacag uu ku geeyo isbitaal.

“Sida aad ogsoon tahay macalimiinta Soomaaliyeed waa ay ka duwan yihiin macalimiinta kale ee dunida ardeyda waxbara. Macallimiinta Soomaaliyeed duruufo kala duwan ayaa heysta. Mushaarkooda waa u iska yar yahay oo kuma filna noloshooda iyo mida qoyskooda. Aniga markii aan iska warramo, mararka qaar waxaa dhacda in aan iska bixin waayo kirada guriga iyo biilka carruurta, markaasi oo kale waxaa qasab noqonaysa inaad isku furdaamiso ama aad hesho deyn oo aad dad ka raadsato,” ayuu yiri.

Iskuullada ugu badan ee ku yaalla Soomaaliya ayaa ah kuwo si gaar ah loo leeyahay oo ardeyda ay ku dhigtaan bishii lacag u dhaxeysa $10 ilaa $15. Waxaa ku yar iskuullada ay dowladda gacanta ku hayso ee ay bixiso lacagta macallimiinta, inkastoo ay iyaga naftooda mararka qaar macallimiinta dhiga mushahaarka la kala soo daaho ama ay waayaan. Sababta ugu weyn ee loo kordhin waayay lacagta macalimiinta dhigta iskuullada ayuu ku sheegay Axmed in dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha waxbarashada gacanta ku haaya aysan jaangoyn mushaarka ay ku shaqeeyaan macallimiinta Soomaaliyeed.

Axmed waxaa uu shaqeeyaa maalinkii subaxdii halka saac oo subaxnimo ilaa galabtii laga gaarayo shanta galabnimo, waxaa uu dhiggaa ilaa 8 fasal oo kala duwan. Sidoo kale habeenkii ayuu sheegay si uu maareeyo nolosha qoyskiisa in uu galo waxa loo yaqaano waxbarashada guriga ama home teaching oo uu ka helo lacag gaaraysa soddan doollar oo uu ku dabaro dugsi qur’aan ay u dhigtaan labo carruur ah.

Macallinkaan ayaa tilmaamay in haddii uu heli lahaa shaqo kale u isaga tagi lahaa shaqada macallinimada ee uu hadda ku jiro, maadaama ay ku adag tahay nolosha.

“Dhibaato badan ayaa na heysata haddii aan nahay macallimiinta Soomaaliyeed ee kunool gobolka Banaadir. Waxaa ugu mushaar hooseeya macalimiinta dhigta maadooyinka Juquraafiga, taariikhda, carabiga iyo tarabiyada. Qof walba oo lacag hela wuxuu furanaya machad, mushaar fiicanna ma bixiyaan, taasina waxay dhibaato ku noqonaysaa macalimiinta,” ayuu yiri.

Qaar ka mid ah macalimiinta dhigta iskuullada gobolka Banaadir ayaa ku qasbanaaday in ay ka guuraan xaafaddaha qaarkood ee Muqdisho, islamarkaana ay degaan meelaha qiimaha kirada guryaha uu hooseeyo, kuwaa oo aad uga fog halka ay ka dhigaan iskuullada, sidoo kale na aan laga heli karin gawaarida dad weynaha ay raacaan ee qiimaha jaban.

Maxamed Xasan Cabdulle waa macalin dhigga dugsi hoose, dhexe oo ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Shan sano ayuu barayaa maaddooyinka Carabiga iyo Tarabiyada.

Wuxuu bishii mushahaar ahaan u qaataa $100 oo uu ku maareeya nolosha qoyskiisa oo ka kooban afar qof. Wuxuu tilmaamay in mushaarkiisa muddo dhowr sano ah uu iska ahaa intaasi xilli qiimaha maciishada ay sii qaali noqonaysay.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in macallimiinta la mid ah ee dhiga maddooyinkaasi ay ku jiraan nolol liidata. Maamulka iskuulka ayuu sheegay inuu san ogolayn in lacagta ay u kordhiyaan, iyagana aysan aqoon xirfad kale oo ay ku shaqeystaan.

Wuxuu xusay in xilliyadii raashinka uu raqiiska ahaa ay ku filneyd lacagta ay qaataan balse, hadda aysan waxba u gooyn.

“Mararka qaarkood waxaa dhaceeysa markii uu raashinka qaali noqdo inay iskeeni weyso oo korontada, biyaha iyo wixii la cuni lahaa ay gaari weyso. Xaaladda aad ayay u adag tahay. Ilmo ayaan leeyahay, maamulka iskuulka lacagta ma kordhinayaan, dowladda dhankeeda wax tabarucaad ah oo aan ka haysanno ma jiraan,” ayuu yiri.

Hay’adaha waxbarashada qaabilsan iyo ururada u dooda xuquuqda macallimiinta ayuu xusay inay dhowr jeer u dacwoodeen, balse aan waxbo loo qaban.

Maxamed ayaa tilmaamay in macallimiinta qaar oo u isaga ka mid yahay ay ku qasbanadeen inay u guuraan duuleedka magaalada.

“Mushaar yari aniga duruufaha iyo caqabadaha ay igu hayso waxaa ka mid ah, maaddaama guryaha magaalada ay qaali noqdeen inaan magaalada ka baxay oo aan banaankeeda degay. Labo saac ka badan ayay igu qaadataa inaan iskuulka soo gaaro,” ayuu yiri.

Ururka macallimiinta qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay la socdaan dhibaatooyinka haysta. Waxay sheegeen in dowladda dhexe iyo hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada ay dhowr jeer kala hadleen arrinta, balse aysan weli xal helin.

Guddoomiyaha ururka macallimiinta Soomaaliyeed Cabdinaasir Salaad Maxamed ayaa sheegay in macallimiinta Soomaaliya ka howlgalla lagu qiyaaso 30 kun oo macalin, islamarkaana aysan helin dhaqaalle ku filan nolosha qoysaskooda.

“Macalimiinta waxay shaqeeyaan sacado badan, lacagta ay qaataanna waa mid aan badnayn. Shaqada kama haystaan wax dhamaanad qaad ah oo macallinkii xanuunsadaa mise ay wax ku dhacaan mid kale ayaa lagu beddelaa. Cidna isuma xilqaamayso daryeelka iyo xitaa in laga warqabo,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa xusay in daraasad ay saameeyeen ay ku ogaadeen in macallimiin badan oo tayo lahaa ay ka baxeen shaqada macallinimada. Macallimiintan ayaa ku biiray shaqooyiin kale markii uu isbeddel ku imaan waayay mushaarkooda muddo ku dhow 20 sano.

Previous Post

Puntland: Kalluumeysatada deegaanka Gumbax oo doomahooda ay ka qaateen maraakiib shisheeye

Next Post

Haween dallaal ka ah suuqa xoolaha Luuq oo ku filanaaday nolosha iyo waxbarashada carruurtooda

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Haween dallaal ka ah suuqa xoolaha Luuq oo ku filanaaday nolosha iyo waxbarashada carruurtooda

Haween dallaal ka ah suuqa xoolaha Luuq oo ku filanaaday nolosha iyo waxbarashada carruurtooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo