(ERGO) – Saddex boqol oo qof kalluumaysato ah oo ka jilaabanayay xeebta deegaanka Gumbax ee gobolka Bari ayaa ku qalab beelay markii maraakiib ajaanib ah ay ka qaateen dabayaaqadii bishii Luulyo. Arrintan waxay shaqo la’aan dhigtay kalluumaysatada oo nolol maalmeedka u soo saaran jiray qoysaskooda danyarta ah.
Xasan Cabdiraxmaan Cumar shaqadan waxa uu ka maarayn jiray nolosha qoyskooda oo toban qof ka kooban. Wuxuu hadda ku biiray xoogsatada dhisa guryaha si uu u helo cunno ku filan. Wuxuu tilmaamay in todobaadkii uu shaqeeyo maalin ama labo. Wuxuu sheegay inuu ka helo lacag u dhaxaysa $7-$8 taas oo aan ku filnayn nolosha reerkooda.
“Waxaa igu kalifay wixii aan ku shaqaysanaayey oo kalluunka ii qabanaayay ayay walal iga qaateen. Hadda wax qalab ah oo aan dhigto oo kaluun aan ku doonto ma haysto. Xoogsataan iska ahay mar waqtigu wuu iska adkaanayaa marar baan xamaali galayaa.”
Xasan oo muddo 15 sano ah ka shaqaysanayay badda ayaa hadda iskaga baxay markii ay maraakiibtan qalab tireen. Waxa uu sheegay in uu ku waayay xilli habeen ah 20 Jilbo, Ilyar, Tafsiyad iyo Karaabta ah iyo 36 shamaaggood oo ay ku jillaabanayeen isaga iyo 4 nin oo la shaqaynaysay.
Xasan iyo saaxiibbadiisa kale ee shaqada waxa ay qalabka ku diyaariyeen galinkii hore ee habeenkaas badda si subaxdii ay ugu shaqo tagaan. Waxa uu sharraxayaa sida ay u saamaysay arrintan.
“Jariifka aad ayuu dhibaato wayn noogu hayaan. Badda wixii yaalay oo lagu shaqayn jirey waa qaateen, wax hadda lagu shaqaysto malaha. Dadku waa iska fadhiyaan gaadiid malaha, shabaago malaha , jilno malaha waxkasta aad baan ugu baahanahay. Hadda oo aan kula hadloyo badda ayay ka ifayaan qalabkii oo dhan way qaadanayaan”, Ayuu yiri Xasan.
Waxa uu intaa ku daray in maalintii waxa uu soo jillaabto ee gudaha tuulada looga iibsado uu ka heli jiray inta badan lacag dhan $5, balse ay jireen kalluun, libaax-badeed, aargoosato iyo khayraad kale oo ganacsatada geeya magaalada Boosaaso ay si todobaadle ah uga iibsan jireen. Wuxuu isbuucii heli jiray $20 ama wax ka badan, haddase taasi meesha way ka baxday tan iyo markii ay arrintaan dhacday.
Kalluumaysatada ay qalab-la’aantu ku dhacday ma aha kuwo awooda in ay qalab kale iibsadaan duruufaha dhaqaale ee ku gadaaman dartood, sida uu xusay Xasan oo aan hayn qorshe kale oo uu ku helo il-dhaqaale, maaddaama xirfadda kaliya ee uu leeyahay ay tahay sida badda looga jillaabto.
Maxamed Cawil Maxamuud oo ku nool isla deegaanka Gumbax ayaa ka mid ah kalluumeysatada ay maraakiibtu shaqo-la’aanta ku ridday. Waa aabbaha qoys 7 qof ah waxa uu sheegay in markii sii horaba uusan lahayn doon balse uu ku jillaaban jiray shamaago iyo qalabkooda uu ku iibsaday $2,000, taas oo jariifku ka gacan marsheen. Arrintaas ayaa ka niyad jamisay in uu dib u hawl billaabo.
Shabaag iyo qalab laga soo bixiyay kun iyo shan boqol saddex kun iyo shanboqol oo badda la geeyey oo habeen kugu dhaafay oo aad misna soo gaday oo aad gaysay oo kugu dhaafay oo markab iska qaatay, waad iska fariisanaysaa waadna xisaabtamaysaa. Marka sidaas owgeeda igu kaliftay inaan baddaba iska daayo.”
Qoyskiisa ayuu sheegay in markan ay ku tiirsan yihiin raashin uu daynto iyo qaar ehelkiisa ku dhaama dhanka dhaqaalaha ee deggen Gumbax ay ku caawiyaan. Lacag keyd ah oo meel u taallay ma jirin maaddaama dhaqaalaha uu ka helo jillaabashada badda aysan soo dhaafi jirin raashinka qoyska.
Maxamed dhanka kale waxa u ahaa xoolo-dhaqato oo waxa uu lahaa saddex taro oo arri ah, balse asna abaarta ku dhufatay Soomaaliya afartii xlli robaad ee ugu danbaysay ayaa ka soo reebtay 30 neef oo aan lahay cad iyo caano toona. Waxa uu rajo beel ka yahay dhamaan ilihii dhaqaale ee reerkiisa.
Maxamuud Siciid Maxamuud oo ah wakiilka wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ee deegaanka Gumbax ayaa sheegay in dadka badlayda ah ee deegaanka ay xiligaan ku jiraan xaalad bini’aadannimo oo aad u liidata.
Waxa uu sheegay in kalluumaysatada qalab-beelay iyo kuwo ay u badbaadeen ay xilligan ka wada siman yihiin shaqo-la’aanta, maaddaama ay ka cabsi qabaan dhac hor leh. Maraakiibtan ayuu sheegay in intooda badan aan la aqoon wadamada ay ka soo jeedaan walow ay jiraan tiro yar oo maamulka Puntland ay u ogolaadeen in ay xeebaha ka kalluumaystaan balse ay iskudhex luumaalaystaan. Waxa uu xusay in dadka danyartaah ay adagtahay in ay ka soo kabsadaan haddii laga qaato agab kooda.
“Dadka muruqmaalka ah way hanti yaryihiin danyar weeye. Waxaa dhacda in qofku wuxii uu markaas haystay oo qalab ahaa oo uu ku shaqaysanayey laga qaatay in aysan u suuragali karin in uu wax kale ku badasho oo uusan dhaqalaha hayn wuuna ku khasbanyahay markaas inuu banaanka fariisto, wayna dhacdaa taas oo kale .
Dhanka kale ayuu sheegay in mararka qaar dadka ay u adeegsadaan rasas caadi ah oo ay badda banaanka uga soo saaraan. Maamulkooda ayuu sheegay in aysan awood u lahayn in ay wax ka qabtaan.
Deegaanka Gumbax oo 63 km dhanka koonfur kaga beegan degmada Baargaal, waxa uu ka mid yahay deegaanda kalluumaysatada ugu badan ay kajilaabtaan gudaha maamulka Puntland, balse culayskaan ayay wajahayeen sadexdii sano ee ugu dambaysay oo sanadkan ugu daran yahay.










