Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Hiiraan: Qoysas ku soo laabtay guryahooda oo laga gubay si ay nolol cusub u billaabaan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 25, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dad ka barakacay tuulooyin hoos-taga Xarar-dheere oo hoy la’aan ay ku haysato Camaara

Guri Gubtay /Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maryan Cismaan Nuur iyo carruurteeda oo ka kooban sagaal qof waxay ka mid yihiin 200 oo qoys oo dib ugu laabtay tuulada Bukuri ee gobolka Hiiraan bishii Oktoobar ee sanadkan.

Deegaankan ayay ka barakaceen labo bil ka hor, markii kooxda Alshabaab ay gubeen gurigoodii iyo ceelbiyood ay biyaha ka helayeen.

Waxay aqal yar oo cooshad ah ka dhistay Maryan booskii uu ku yaallay hoygeedii la gubay oo ka koobnaa labo qol iyo dukaan ay ku iibinaysay raashin, dhar iyo dawada xoolaha.

Bilihii Ogosto iyo Sabteembar oo ay barakac ku joogeen Baladwayne ayay sheegtay Maryan ay la kulmeen xaalad nolol xumo iyo carruurteeda oo la qabsan waayay nolosha magaalada.

“Haddaadan lacag haysan. Magaaladii ay kugu cusub tahay. Xamaalashadeedii ay dhib ku galineyso. Ilmihii tuulada joogi jiray markii magaalo la geeyay ay xanuunsadeen. Wax qutulyoom looga dhigo la waayay. Xaaladdaas markay adkaatay meeshii aan joogi jirnana biyo laga helay waa la iska soo noqday. Ciiddaas ilmuhu ku dhasheen kuna koreen iyo biyahaas amaa la isku kaalmaystaa baa la isdhahay,” ayay tiri Maryan.

Waxay tilmaantay in ay dulsaar ku noqdeen qoys ehello ay yihiin oo ay la cunayeen raashinka ay dabka saartaan qol ka mid ah gurigoodana ay jiifan jireen.

Hayee shee, waxay go’aansatay in ay dib ugu laabto tuuladeeda Bukuri, markii ay ka war heshay in la dayactiray ceelbiyoodkii riigga ahaa sidoo kalana ciidamada dowladda ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka.

Maryan waxay isku dayaysaa in ay ka soo kabtaan qoyskeeda dhaqaale xumada ka dhalatay hantida laga gubay.

Meherad ay shaaxa ku iibiso ayay hirgalisay si ay uga hesho nolol maalmeedka carruurteeda. Waxay ku billowday kiilooyin sonkor ah oo ay soo daymatay.

“Alyoomka haddii laga helo oo cidda ay la ekaadaan alxamdulillaahi weeye. In aysan la ekaanin ayaa laga yaabaa mararka qaar. Ilmihii waa ilmo waawayn waa ilmo dhar raba maba iskeenayso. Illeen qaydkii (dharkii) u yaallay waa laga gacan madoobeeyay oo nimankaas (Alshabaab) ayaa gubid iyo qixin iskugu daray,” ayay tiri Maryan.

Maryan aqoon fiican ayay u leedahay ganacsiga oo ay ku soo jirtay muddo 15 sano ah. Waxay sheegtay in dabkii ay qabadsiiyeen Alshabaab deegaanka Bukuri ay ku waysay dukaan ganacsiga yaallay ay ku qiyaastay lacag ka badan $15,000.

Waxay rajaynaysaa in ay dib u hesho $4,000 oo dayn ay ku bixisay. Ka hor inta aan laga gubin hantida si ay ugu xoojiso meheraddeeda cusub inkastoo ay gocanayso hantida ka qasaartay. Arrintan oo ku keentay walwal joogta ah.

“Qof ladan oo iska fiican baan ahaa. Qof markii hore iyaqaannay ima aqoonsanayo, waa nolosha adag. Aad ayay noloshu u adkaatay uur baan leeyahay. Waxaan billaabay in aan isla hadlo. Xilligii aan ku dhali jiray bil baan hadda ka joogaa oo aan ku darsaday,” ayay tiri.

Qoysaska kale ee dib ugu laabtay deegaanka Bukuri waxaa ka mid ah Cismaan Axmed Hufane oo ah aabbaha 12 carruur ah.

Ninkan oo labo xaasle ah wuxuu sheegay in labadiisa qoys uu dajiyay aqal ulo iyo bacda roobka ka sameysan oo miyiga Bukuri ku yaalla, markii bishii Ogosto laga gubay hoy ay ku noolaayeen hal qoys u daganaa tuulada.

Cunno xumo iyo hoy la’aan haysa labadiisa qoys ee miyiga tuulada ku wada nool ayuu ka cabanayaa.

“Ciddii way isku qaxday. Labo qoys baan ahay. Miyigaan iskugu geeyay, halkaas bay ku rafaadsan yihiin oo ay joogaan. Reer miyiga saad ku taqaanba waxay ahaayeen dad jiqda iska jooga. Dad tuulo iyo biyo ku nool ah oo bulsho ah ayaa ciddii kale la dul dajiyay oo iska koryimid. Sidaas baan ahay,” ayuu yiri Cismaan.

Wuxuu sheegay in bishiiba mar ayuu u safro dagmada Maxaas oo tuulada Bukuri uu jirta 45 km, halkaas oo ganacstada ku leh bakhaarrada uu ka daynsado raashin ay karsadaan qoyskiisa.

Cismaan oo xoolo-dhaqde ah waxaa iskugu darsamay tan iyo billowgii sanadkan colaad barakicisay iyo abaar xoolo badan ka dishay. Waxaa u haray 24 neef oo ari ah.

“Ari badan oo 30 neef gaaraya ayaa iiga dhintay. Wixii aan socon karinna sida loo dayactiro ayaaba aqoon la’nahay. Annakii ayaaba nolosheennu halis gashay,” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in uusan haysan awood dhaqaale oo uu ku dhisto guriga laga gubay oo hal qol, muqul iyo dayd ka koobnaa.

Guddoomiyaha deegaanka Bukuri Cali Daahir Warsame ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qoysaska laga gubay guryahooda ay dib u soo laabteen intooda badan bishii Oktoobar ee sanadkan.

Intaas wuxuu ku daray in ay u badan yihiin xoolo dhaqato aan guurguurin oo gudaha iyo daafaha tuulada ku nool inkastoo labo bil ka hor ay la kulmeen barakicin.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ay lagama maarmaan u ahayd qoysaskan ku soo laabashada Bukuri halkii ay ku jiri lahaayeen xaalad barakac oo huwan cunno xumo iyo biyo la’aan.

“Baabuur kasta oo yimaada deegaanka waxaa la socda dad deegaanka ah. Meel ay dagaan markii ay waayaan geed hoostiis bay iska dagayaan, hal guri ah oo la dhisay ma jiro, laamiyeeri gubtay ayaa qofi soo qabsanaa oo iridda iskaga xiraa. Cawadii markii dabayli timaaddo wuu bidaa. Faniinkiisa dad buu dhaawac gaarsiiyay oo ilaa hadda Baladka dhaawac uga maqan oo daawayn loo qaaday,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hir-shabeelle ay ka war hayso xaaladda ay wajahayaan dadka deegaanka ee iskugu jirta hanti la’aanta sababatay in ay ku adkaato helidda nolol-maalmeedka, balse ilaa iyo hadda aysan ka helin gurmad bini’aadannimo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Qardho: Macalin naafo ah oo 18 sano ka dib xarun oo ay wax ku bartaan u helay arday naafo ah

Next Post

Puntland: Kalluumeysatada deegaanka Gumbax oo doomahooda ay ka qaateen maraakiib shisheeye

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali live news, Somalia news, Humanitarian news, Radio Ergo news

Puntland: Kalluumeysatada deegaanka Gumbax oo doomahooda ay ka qaateen maraakiib shisheeye

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo