Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qardho: Macalin naafo ah oo 18 sano ka dib xarun oo ay wax ku bartaan u helay arday naafo ah

Radio Ergo by Radio Ergo
November 24, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Qardho: Macalin naafo ah oo 18 sano ka dib xarun oo ay wax ku bartaan u helay arday naafo ah

Cabdi Cali oo la wareegaya furaha iskuulka loo dhisay ardayda/ Maxamuud Nadiif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) -Xarunta cusub ee dugsigan oo ka kooban shan qol, saddex musqul iyo dayd waxaa wax ku barta 180 arday oo 60 ka mid ah ay ku biireen labadii bil ee la soo dhaafay. Iskuulkan oo ku yaalla duleedka Qardho wuxuu gaar u yahay dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Hay’adda Unicef oo dhistay ayaa ku wareejisay 20 bishii Ogosto ee sanadkan Cabdi Cali Aadan oo muddo 18 sano ku howl lanaa waxbaridda iyo u qareemidda dadka naafada ah.

Ninkan iyo saddex macalin oo kale ayaa duruusta ugu dhigi jiray ardayda naafada ah guryo kiro ah oo dhowr jeer looga saaray dhaqaale la’aan.

Cali oo lugta midig naafo ka ah ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 2004 ay ka aflaxeen in ka badan 600 oo arday iskuulkan oo lagu magacaabo Gahayr isla markaana ah hoose iyo dhexe.

Wuxuu ku faraxsan yahay in dadaalkii uu ku bixiyay sidii ay u heli lahaayeen dadka naafada ah iskuul ay leeyihiin uu miro dhalay.

“Waxay heleen space. Waxay heleen Bas gaynaya subaxdii oo duhurkii ka soo qaadaya. Mooraalkooda aad buu u dhismay. Iskuulkan mid iskuul u eg weeye. Taayadii hore iskuul ma ahayn mid waxay ahayd ah yaynaan siidayn ardaydaas baahiyaha gaarka ah qaba. Ardaydu meel magaalada gudaheeda ah oo ciriiri ah oo aan amni ahayn bay degganaayeen,” ayuu yiri.

Wuxuu ku billaabay iskuulkan 15 oo arday oo naafo ah, kuwaas oo ay casharrada uu ku siin jiray xarun ay la hayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Horraantii sanadkii 2011 ayay ka saartay Puntland si maamulku uu ugu shaqeeyo.

Waxay u wareegeen guryo kiro ah oo saddex ka mid ah dhaqaale xumo looga saaray. Cali wuxuu sheegay in sanadkii 2016 ay dageen guri labo qol ka kooban oo uu ku kireeyay $250.

Wuxuu xusay in uu ahaa mid cariiri ah oo ardayda aysan waqti badan u heli jirin wax barashada. Waxay ku doorteen qiimihiisa oo jabnaa marka loo eego guryaha kale.

Lacagta kirada guriga waxaa ka taageerayay xubno ka mid ah qurbo joog ku nool qaaradda Yurub oo uu u bandhigay Cabdi caqabadda ka hortaagan naafada in ay waxbartaan.

Ku dhawaad 20 sano ayuu si bilaash ah wax ku barayay dadka naafada ah. Wuxuu sharraxayaa sida ay ugu dhalatay fekraddan.

“Anigoo magaalada Qardho jooga oo ganacsade ah ayaa waxaan arkay dad qaba baahiya gaar ah oo iska wareegaya meelahaas oo aan iskuul haysan oo baqaya oo iskuullada kale aan tagi karin dabadeedna waxaan furay iskuulkaas. 2004 baan furay. Aniga fekerkaas baa igu dhaliyay. Markan arkay dadka aan waxbarashada haysan, markii danbe 2017 waxaan ku darnay iskuulka dhagoollayaasha. Markii hore maanan hayn iyaguna aad iyo aad bay uga faa’iideyseen haddana meel fiican bay marayaan ilaa toddobaad,” ayuu yiri.

Dugsigan ayaa ka mid noqday 2017 iskuullada u diiwaan gashan wasaaradda waxbarashada Puntland waxaana tan iyo xilligaas ardayda dhigata ay ka qayb galayeen imtixaannaadka shaxaadiga ah.

Sanadkii hore 15 arday oo ka socday iskuulkan ayaa ka qayb galay. Waxaa ka mid ahaa Ayuub salaad Yuusuf oo fasalka afaraad u soo gubay sanadkan.

Dadaalkiisa waxbarasho caqabad kuma noqon duruufihii ku xeernaa gurigii hore ee isaga iyo ardayda kale ay wax ku baran jireen. Ayuub oo 18 jir ah wuxuu naafo ka yahay gacan iyo lug.

Wuxuu ii sheegay in uu ku dareemayo iskuulkiisa cusub degganaansho waxbarasho iyo mid deegaan, maaddaama laga dhisay meel ka baxsan magaalada Qardho.

Wuxuu xusay in labadii sano ee u danbeeyay uu wax ku baran jiray fasal cariiri ahaa sidoo kalana dhinaca ku hayay suuq saxmaddiisu ay badnayd.

“Caqabadahaan kala kulmi jiray waxay ahaayeen wuxuu ku xumaa hal suuli buu lahaa halkaas suulina saxankiisu taag ma ahayn oo kuma fariisan karin. Laakiin haddeer waxaa naloo dhisay iskuul fiican oo waasac ah oo suuliyaal leh oo musqulo taag ah leh oo biro la cuskanyo leh oo kaalay iska arag ah,” ayuu yiri.

Wiilkan iyo ardayda la midka ah waxay casharrada qaataan subax iyo galab halka markii hore afar saac oo ka mid ah galinka hore ee maalintii ay wax baran jireen.

Sidoo kale iskuulka waxaa lagu kordhiyay maadooyinka Ingriiska, sayniska iyo cilmiga bulshada. Saddex macalin oo dhigga ayaa ka shaqo billaabay bishii Sabteembar.

Mushaharka macalimiinta iskuulkan oo ka kooban toddobo qof waxaa bixinaysa wasaaradda waxbarashada Puntland.

Waxaa jira Bas macalimiinta iyo ardayda guryahooda geeya oo iskuulka uu ugu deeqay nin qurbo joog ah.

Ayuub wuxuu fursad wanaagsan u arkaa gaarigaan oo daboollay baahi wayn oo uu u qabay, maaddama ay ku adkayd in markasta uu u lugeeyo isagoo biro ku boodaya.

“Marar baan Bajaajta waayi jirnay. Waan lugayn jiray. Laakiin hadda way ka fiican tahay. Haddeer gaarigeenna baa noo yimaada. Wuxuu naga qaadaa xaafadda. Wuxuu nageeyaa iskuulka. Iskuulka buu naga soo qaadaa wuxuu nakeenaa xaafadda,” ayuu yiri.

Ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ee dhigta iskuulkan 45 ka mid ah ayaa haween ah. Waxay leeyihiin fasal u gaar ah oo ay wax ku bartaan labada galin ee maalintii.

Hibo Maxamed Axmed oo lugta bidix ay go’antahay waxay ku jirtaa fasalka saddexaad ee dugsiga hoose. Labo sano ka hor ayay iskuulkan ku biirtay, markii waalidkeeda ay ku dhiiri galiyeen in ay ka faa’iideysato waxbarashada bilaashka ah ee dugsigan.

Gabadhan oo 14 jir ah ayaa lugta bidix ka naafowday iyadoo labo jir ah, markii nabar ka soo baxay uu sababay in laga jaro.

Waxay sheegtay in iskuulka cusub uu fursad u siiyay helidda duruus ku cusub.

“Iskuulkii hore waxaan ka baran jiray Soomaali iyo Xisaab. Laakiin kan maadooyin badan aan wax ka fahmay baan ka bartaa. Farqiga u dhaxeeya waxaa weeye arday badan baa wax isla fahmaysaan baa jira oo wax isla qoranaysaan qofkii qof wax ka fahmi waaya kan kalaa u sheegaya oo caawinaaya, fasalkeennii hore arday yar baa dhigan jirtay,” ayay tiri.

Hibo waxay sheegtay in ay jeclaan lahayd dugsi sare in lagu daro iskuulkooda, taasi oo ka caawin karta in wax barashada ay ka gaarto heer fiican.

Maamulka iskuulkan oo kaashanaya wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa qorshaynaya saddex sano ka dib in iskuulkan uu helo dugsi sare.

Cabdi Cali Aadan oo ah aasaasaha iyo maamullaha iskuulkan ayaa Raadiywo Ergo u sheegay in sidoo kale ay diyaariyeen barnaamij ay quudin ugu sameynayaan carruurta naafada ah ee ay waxbaraan, kaas oo billaaban doona horraanta sanadka soo socda.

Previous Post

Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda

Next Post

Hiiraan: Qoysas ku soo laabtay guryahooda oo laga gubay si ay nolol cusub u billaabaan

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dad ka barakacay tuulooyin hoos-taga Xarar-dheere oo hoy la’aan ay ku haysato Camaara

Hiiraan: Qoysas ku soo laabtay guryahooda oo laga gubay si ay nolol cusub u billaabaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo