Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda

Radio Ergo by Radio Ergo
November 23, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda

Beeraleeyda Yoontooy ayaa dib u abuurtay beerahooda saddex sano kaddib/Axmad Toronto/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Siddeetan iyo afar qoys oo beeralay ah oo beerahooda aan beerin mudo saddex sano ayaa bilaabay in beeraha ay dib u tabcaan ka dib markii lagu caawiyey agab ku shaqeeya tamarta cadceeda oo biyaha uga keena webiga Jubba.

Maadeey Abuukar Maxamed oo ka mid ah beeralayada Yoontooy oo Kismaayo ka xigta dhinaca waqooyiga 25km ayaa dib u abuuray beertiisa oo ah hal Hectare. Dalaagii ugu horreeyey wuxuu beertiisa saaray kowdii bishii September ee 2022-ka.

Beerta Maadeey oo ahayd beeraha ku baxa biyaha roobka oo kaliya kana durugsan jiinka webiga ayaa biyaha waxaa u keena kanaal toddobo boqol oo mitir ah oo laga soo jeexay webiga Jubba. Lixdan xabo oo ah solarka ku shaqeeya tamarta cadceeda iyo hal daynabo oo ku dhex jirta webiga ayaa kanaalka biyaha ku shubo.

“Beerta inta hadda taagan tahay waa todobaatan cisho. Dalaaga ku abuurana waa galay iyo yaanyo iyo digir. Waan ku diirsannay Alxamdulilaah, dhulkii waan ku abuuranay. Kannaalka qabyuu ahaa, qabyadii annagaa dhamaystiranay. Meello dil dillaacsan iyo waxyaabo sidaas ah ayaa ku jiray waan dhamaystirannay. Waan abuurannay Alxamudulilah galaydii in ay bislaato ayey taagan tahay,magartay,” ayuu yiri.

Qoysaska ka faa’iidaysanaya agabkaan waa dad dan yar ah oo aan awoodin dhaqaale ay ku soo iibsadaan matoorada webiga biyaha looga soo jiido. Waxay horay ugu tiirsanaayeen beerahooda oo ugu bixi jiray biyaha roobka, balse ay waayeen sanadihii dambe abaarta awgeed.

Maadeey oo ah aabbaha 12 carruur ah wuxuu noloshooda ka maareeyn jiray dhaqaale iyo raashin u ka helo beer nin deegaanka ah u leeyahay oo u ka shaqeeyo.

Beerta oo ay ninka shuraako ku yihiin wax soo saarkeeda ayuu sheegay in sadex markii loo qaybiyo wax soo saarkeeda hal meel isaga loo xisaabiyo xoogiisa. Wixii dhaqaale iyo raashin ah ee uu sii qatayna laga jaro marka suuqa lagu soo iibiyo dalaagga beeraha.

“Beer dad oo matoor saaran ayaan u shaqa tagaa. Basasha, ansalaatada, barbarooniga, yaanyada ayaan tabcaa. Biilka reerka waxaa bixinaya ninka beerta iska leh oo isaga ayaa raashinkii reerka u soo adeega,” ayuu yiri.

Maadey oo shaqadan ka shaqaynayey laba sano iyo bar ayaa sheegay in dantu ay bidday inuu beer u qof kale leeyahay ka shaqeeyo, markii uu awoodi waayey in beertiisa u iibsado matoor biyaha uga soo jiido webiga. Wuxuu intaa ku daray in hadda u ku faraxsan yahay in uu mar kale u dib u beerto beertiisa.

Toban ka mid ah carruurta Maadey oo afar ay gabdho yihiin ayaa waxay dhigtaan iskuulka hoose ee dhexe ee deegaanka Yoontooy oo lacag la’aan ah.

Sahra Maxamuud Cali Bilaal oo leh beer labo hektar ah ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ay u suura gashay inay beertooda dib u beertaan. Haweeneydan waxay biyaha ay beerteeda ku waraabsato ka heshaa solarkan ku shaqeeya cadceeda. Beerteeda ayay tilmaantay inay ku abuuratay dalagyo kala duwan, kuwaasi oo ay dhowaan filayso in ay u soo go’aan.

“Geed qaadka iyo abuurka beerta waxaa iga gashay $200. Lacagtaa aniga ayaa u soo shaqaystay. Nin ay beertiisa matoor u saaran tahay ayaan u soo falay, sidaa ayaan ku soo iibsaday abuurka. Waxaa beerta igu abuuran quudaar iyo galleey,” ayay tiri.

Haweeneydan oo ah hoyada lix carruur ah ayaa sheegtay in iyada iyo ninkeedaba ay beerta ka wada shaqeeyaan. Nolosha qoyskeeda ayay xustay in hadda ay ku tiirsan tahay dayn ay ka soo qaataan dukaamada deriskooda ah, taasi oo ay rajeynayso inay bixiso marka ay u soo go’aan dalaagga u beeran.

“Beer baan iska fashaa. Ilmahana meel ayay i saaran yihiin oo aan wax ka soo qaata. Ninka isagana nin wax haysta ma ahan oo beerta ayuu isaguna ila falayaa,oo macnaha yaanyadii  iyo qudaartii iyo wixii ayuu ila qabanayaa,” ayay tiri.

Ilmaha Sahra dhamaantood waxaa ay dhigtaan iskuulka Yoontooy oo bilaash ah. Dugsiga quraanka oo saddex ka mida ah ay dhigtaan ayay sheegtay in bishii ay ka bixiso lacag dhan $5.

Wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland oo kaashanaysa hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa hirgalisay mashruucan oo mid tijaabo ah.

Cabdi Xirsi Gurraase oo wasaaradda beeraha u qaabilsanaa fulinta mashruucaan ayaa sheegay in beeraleyda ay ku xusheen saddex shuruud. Wuxuu xusay in midda ugu horreyso ahayd in qofka u beer leyahay, taasi oo uusan awoodin waraabinteeda. Waxay sidoo kale dadka ku xusheen in beerta ay qoys ballaaran ay ku tiirsanyihiin, sidoo kale na u dhowdahay kanaalka. Solarka laga faa’iidaysanaayo tamartiisa ayaa shaqeeya siddeed saacadood maalin walba, iyadoo 100 hektar oo dhul beereed ah ay biyo ka helaan.

Cabdi ayaa xusay in ujeedka ay mashruucaan ka leeyihiin ay tahay in beeraleeyda danta yar ee aan awoodin matoor ay ka faa’ideystaan. Mashruuca ayuu sheegay inay soo billaabeen bishii lixaad ee sanadkan ayna filayaan inay ballaariyaan mustaqbalka, maaddaama ay hadda ahayd un tijaabo ay wasaaradda aaminsan tahay inay ku guuleysatay.

 

Previous Post

Gaalkacyo: Qoysas ka barakacay guryahooda markii ay daaadad ku soo rugmadeen

Next Post

Qardho: Macalin naafo ah oo 18 sano ka dib xarun oo ay wax ku bartaan u helay arday naafo ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qardho: Macalin naafo ah oo 18 sano ka dib xarun oo ay wax ku bartaan u helay arday naafo ah

Qardho: Macalin naafo ah oo 18 sano ka dib xarun oo ay wax ku bartaan u helay arday naafo ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo