Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gaalkacyo: Qoysas ka barakacay guryahooda markii ay daaadad ku soo rugmadeen

Radio Ergo by Radio Ergo
November 22, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Gaalkacyo: Qoysas ka barakacay guryahooda markii ay daaadad ku soo rugmadeen

Biyaha daadka oo fadhiya guryaha dhexdooda/Mahad Abshir/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhowaad labo boqol oo qoys oo degganaa xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ayaay hoy xumo haysaa markii ay daadad ka dhashay roobka deyrta ay galeen guryahooda.

Cawo Maxamuud Cabdi qoyskeeda oo toban qof ka kooban yahay waxay tan iyo 25 Oktoobar dulsaar ku yahiin qoys ay qaraabo yihiin oo deggan xaafadda Horumar oo ku taalla meel taag ah.

Waxay sheegtay in ay ka barakaceen gurigoodii oo saddex qol ah iyo agabkii yaalay markii biyaha daadku ay buuxiyeen.

“Qolalka, daydka, suuligii meelkasta xitaa goglihii, dharkii carruurta, waxaan raashin haysannay kulli waa naga qoyeen. Roobabkii hore xitaa guryaha biyuhu waa noo soo geli jireen laakiin waan iska guri jirnay. Kan sanadkaan da’ay daydka iyo qolalkiiba meel cag la dhigo malahan. Wax aan haysanno malahan. Sanduuqi dharka carruurta iigu jiray daad ayaa qaaday. Sonkortii, burkii waa naga qoyeen.”

Cawo ayaa xustay in intaysan barakacin ay suuqa ku wareejin jirtay sambuus ay maalintii ka heli jiray $4-5. Waxay ku dabbari jirtay nolosha qoyska xilliyada aabbaha reerka oo dhismaha guryaha ka shaqeeya uu baaga-muudeeyo iyo agabka waxbarashada saddex carruurtooda ah.

Waxay sheegtay in hadda ay guri jog noqotay oo waxaa waqtigeeda oo dhan ka qaatay ilaalinta carruurteeda oo ay uga cabsi qabto inay kaga ambadaan xaafadda aysan aqoon ee la keenay.

“Hadda maadaama reer dulsaar lagu yahay waxaa dantu qasabtay in aan ilmahii hayo, dadka ka ilaaliyo oo odayga kalya noo dhaqaaqo. Maalinta uu soo helo iyo maalinta uu soo waayaba isagu wuxuu noo keeno ayaan dhariga ku shubannaa.”

Qoyska Cawo ayaa markia uu saygeedu shaqo waayo waxa ay wax la cunaan qoyska ay dulsaarka ku yihiin oo ah haweeney iyo sagaal carruur ah oo ay dhashay oo deggan hal qol oo jiingad ka sameysan.

Waxay sheegtay in habeenkii ay qolka wada cariirsadaan, maalintiina ay carruurta bannaanka ku haysato, cuntadana ugu kariso.

Haweenaydan ayaa xustay in carruurteeda ah ay xanuunsadeen, isla markaana ay u maleynayso inuu hayo cudurka Duumada oo biyaha daadadku ay sababeen kaneeco inay ka dhalato. Waxay intaas ku dartay inay awoodi waayeen in ay geeyaan xarun caafimaad oo lagu daweeyo.

Cawo ayaa sheegtay in dhibaatadan daadadka ay wajahaan mar kasta oo roob uu da’o, inkastoo hadda ay ugu daran tahay.

Dadka daadadku ay saameeyeen waxaa ka mid ah qoyska Seynb Sheekh Maxamed oo ah danyar toban qof ka kooban. Waxaa barakaca oo ay dadka la qabaan u dheer in saygeedu uu biyaha wasaqaysan ka qaaday cudurka shuban biyoodka. Waxa uu nolasha qoyska ka soo saari jiray dukaan yar oo xaafadda uu kulahaa, kaas oo ay daadku qaaday.

Waxay hadda karsadaan raashin min 12 kiilo ah oo Bur, Bariis iyo Sonkor ah oo ay ka soo daynsadeen bakhaar uu leeyahay nin qaraabo la ah. waxay sheegtay Saynab inay xaafadda Horumar ka degeen guri kiro ah oo lagu leeyahay $30 bishi koowaad.

Haweeneydan ayaa xustay in bullaacadahii iyo biyahii roobka oo isku darsamay ay sababeen inay gurigoodii ka barakacaan. Waxay daadadku ka dumiyay daydkii iyo musqushii guriga oo labo qol ahaa.

“Guriga meelo waxaa jira dhagaxdii iska soo daateen laakiin xadadaad la’aanta ayaa ugu daran (dayd la’aanta). Biyuhu waxa ay ku yimaadeen xawli asaguna waa buuxsamay oo biyaha xadkooda ay ka tira bateen, musqulihii ayaa xitaa soo butaacay oo la joogi waayay meel la seexdo iyo beel la’istaago midna waa laga waayay”

Saddex carruurteeda ah oo dhiganayay fasallada hoose iyo dhexe ayay sheegtay Saynab inay waxbarasho la’aan yihiin tan iyo 23 Oktoobar oo xaafadda laga barakacay.

Iskuulka Bardacad oo ay si bilaash ah ku dhigan jireen ayaa ka mid noqday afar isuul oo xaafadda ku yaalla oo isku si u xirmay markii biyaha daadadku ay buux dhaafiyeen.

Maamuulaha iskuulka Bardacad Bashiir Bare Cali ayaa sheegay in dhammaan ay buuxsamay fasallada iskuulka oo ka koobna 16 qol.

Wuxuu sheegay in muddo labo cisho ah ay booyado ku gurayeen biyaha galay iskuulka balse aysan waxba iska beddelin. Labo boqol oo doollar ayaa uga baxday kirada booyadaha oo ay rajeynayeen inay ka caawin doonto in iskuulka lagu soo laabto.

“Sanadihii hore biyaha annaga ayaa mararka qaar iska saari jirnay. Fasallada xitaa waa gaari jireen, laakiin sidaan ma lahayn oo annagaa maarayn jirnay. Laakiin hadda farqi wayn ayaa u dhaxeeya, mana arkin biyaha galay sanadkaan saa’id weeye. Meel ka bannaan iskuulka hadda isku weerkiisa oo dhan maba jirto. Dhinac walba waa ka fadhiyaan”.

Bashiir ayaa xusay in arrintan ay saamaysay waxbarashada arday gaaraysa 400 oo 250 oo ay ahaayeen carruur ka soo jeeda qoysas danyar ah oo iskuulka bilaash ku dhigan jiray. Wuxuu ka walwalsan yahay imtixaanka ardayda oo xilligii la qaadi lahaa la joogo.

“Waa dareemi kartaa aad bay u saamaysay, macnaha halkaa gaab baa galay oo waa wax hadhow si walba aan u xalinno waa dhibkeeda. Bisha kale way taagan tahay biyaha meesha ku jira biyo ciyaar ah maaha oo aad bay noo sameynaysaa”

Madaxa fayadhowrka degmada Gaalkacyo ee maamulka Putland Bile Gaacuur Daahir ayaa Raadiyow Ergo uu sheegay in ay isku xilqaameen sidii dadka gurmad loogu fidin lahaa, balse waxa uu xusay in heerka biyaha ay ka sarreeyaan mid uu maamul degmo wax ka qaban karo.

Bile ayaa tilmaamay in dawladda hoose waxa kaliya ee ay awooddo ay tahay in ay biyaha ku shubaan kolooriin si looga hortago inay cudurro dilaacaan.

Wuxuu intaas ku daray inay istaageen adeegyadii bulshada ee ka jiray xaafadda Garsoor, sida waxbarshada, caafimaadka iyo ganacsiga. Wuxuu nooga warramay waxa keenay in xaafadda ay biyahu dagaan.

“Waxa kalifay labo sababood, inay ahayd meesha u hoosaysa dhulka oo godon guryahii horena ay u badan tahay. Wadanku wuu dhismay, kor ayaa loo qaaday guri kasta. Waxaa kaliftay in la dhistay biyo booliyadii ee wadanka Soomaaliya markii uu dhisnaa.”

Labaatan iyo siddeed guri ayaa ku dumay dadaadka, waxaana dadku sheegeen in ay tahay qasaarihii uga badnaa oo biyuhu u geystaan xaafadda Garsoor ee magaalada Gaaalkacyo.

Previous Post

Hargeysa: Qoysas ka soo barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo wajahaya

Next Post

Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda

Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo