(ERGO) – Boqol iyo konton qoys oo ka soo barakacay dabayaaqadii bishii hore ee Oktoobar colaadda ka jirta gobollada Hiiraan, Shabeellaha hoose iyo Bay ayaa xaalad cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ku wajahaya xerada Filibiin oo ku taalla deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.
Waxaa ka mid ah dadkaas Caasho Barre Axmed iyo saddex carruur oo ay dhashay. Waxay ka soo barakeen deegaanka Raaxoole oo 20 km u jira dagmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Qoyskan tan iyo markii ay ku biireen xerada 29 bishii Oktoober ma helin raashin ay dabka saartaan.
Cunno bisil oo si maalin dhaaf ah loo siiyo qoys ku jira xeryaha dariska la’ah ayay la wadaagaan dadka hela.
Guddi xeryahaas ka dhex shaqeeya ayaa dadka naafada ah iyo kuwa aan waxba haysan ku taageera raashinka ay kariyaan.
Carruurta Caasho oo 12 jir uu u wayn yahay waxay dantu bidday in 24 saac ay qadaan. Waxaa u dheer hoy la’aan ku haysta xerada ay ku nool yihiin.
“Muslim baan dulsaar ku sii nahay. Wax dhaqaale oo aan haysanno malahan. Xaafadaha deegaanka cunnada ay karsadaan bay noo keenaan marna waan iska seexannaa. Hadda xalay baa u sokaysay waan iska seexannay waxba ma cunin waad dareemi kartaa habeenkiina hurdo maleh. Waxaan xirano ma haysanno. Buush gabar ay leedahay baan seexanaa. Waxaan dhisanno ma haysanno maalintiina geedaha hoostooda baan iska harsannaa,” ayay tiri.
Nolosha qoyskeeda oo afar sano ka hor wacnayd waxaa saameyn wayn ku yeeshay abaarro soo laalaabtay iyo colaadda u dhaxeysa Alshabaab iyo Ciidamada dowladda oo ku qasabtay in ay barakacaan
Waxay sheegtay in saddexdii sano ee u danbeeyay ay abaartu ka dishay 170 oo ari ah iyo 40 lo’ ah.
Sidoo kale beer labo hiktar ah oo ay ku beeri jirtay digir iyo sisin oo roob la’aantu saameysay ayay ka soo tageen.
Todobo saac oo ay lugaynayeen ka dib, waxay jidka u dhaxeeya Diinsoor iyo Muqdisho ka heshay Caasho gaari si bilaash ah ku soo qaaday iyada iyo carruurteeda.
Waxay naawilaysay in nolol dhaanta tii miyiga ku haystay ay ka helidoonto Muqdisho inkastoo ay tahay markii ugu horreysay oo ay gasho xero barakac.
“Waxaan isdhahaynay caasimadda Soomaaliya waaye. Midda kale madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku nool oo deggan ama haddaad tagtiin hay’adaha ayaa deggan, sidaas daraadeed, amaad isbaddel heshaan oo hay’adahana garab idinsiiyaan madaxwaynaha uu dhibkiina ka danqadaa halkaas iskataga ama kolla wax idin duugaa aad heshaan baan u soo baxnay,” ayay tiri.
Waxay ka walwalsan tahay in ay kali ku noqotay korinta u badkeeda iyadoo ku jirta xaalad barakac isla markaasna wax badan aysan u awoodin.
Caruurteeda oo gabar iyo labo ah wiil ah waa agoon. Aabbahood wuxuu ku dhintay Liibiya xilli uu ku jiray safar tahriib.
Caasho waxay xustay in tahriibku uu ku dhashay saygeeda dhintay markii uu xamili waayay go’doon Alshabaab ay saareen deegaanka Raaxoole iyo cabsida amni xumo ee u wehlisay.
“2016 dadkii Liibiya ku dhamaanayay oo doontu la dageysay buu ku jiray. Wiil la jiray oo saaxiibkiis ahaa annagana dariskeena ahaa ayaa noo soo sheegay geeridiisa. Wuxuu nadhahay ninkii hebel ahaa dadkii dhamaaday buu ku jiray ee oggaada. Ninkaas baa noo soo xaqiijiyay dariska ahaa,” ayay tiri.
Marka laga tago Caasho waxaa jira qoysas kale oo xerada ay ku jirto toddobaadyo ku sugan, kuwaas la qabsan la’ nolosha barakaca.
Waxaa ka mid ah qoyska Daahiro Maxamed Cabdi oo toddobo qof ah. Xiisad dagaal oo ka jirta tuulada Dhaayiney oo hoostagta deegaanka Kuntu-waarey ee Shabeellaha Hoose ayay ka soo barakacday.
Waxay noloshooda ku tiirsan tahay $2 oo ay ka soo hesho shaqada dhar dhaqidda oo aan joogto ahayn.
Haweeneydan oo 58 jir ah ayaa sheegtay inay maalmaha qaar ay u bixi wayso xanuun ay ka dareento dhuunta oo dhaawac ay ka qabto, markii buro laga qalay afar bil ka hor.
Waxay tilmaamtay inay isticmaasho kaniini xanuun baabi’iye ah si ay ugu xoogsato carruurteeda.
“Buradaas baa layga qalay mararka qaar ma baxo. Qofkii walaal ah oo daris ah baa malintaas aan aniga bixin ayaa ilmaha wax ii siiya, wixii habeenkii la kariyo ee digsiga ku barya ayaa subaxdii ilmaha la siinaa, haddana habeenka kale wixii maalintii la soo qaraabo ayaa loo Kariyaa, halahaas bay cunaan. Labo waqti xitaa ma shidan karno. Awooddaas malihin. Dadka waawaynka ah way adkaysan karaan ilmaha yaryar ma adkaysan karaan. Mar mar deriska haddii uu naga roon yahay oo uu wax karsado ilmaha ayuu wax ii siiyaa,” ayay tiri.
Waxaa hoy u ah qoyska Daahiro aqal cooshad ah oo ay dhistay xerada ay ku jirto, halkaas oo ay ka galaan roobka dayrta.
Guri labo qol ka kooban, beer hal hiktar ah iyo 2 neef oo lo’ah ayay ka soo barakacday. Xoolahan waxay ka mid ahaayeen 40 Sac oo abaartu ay ka dishay.
Kayd raashin oo beertooda ka soo go’ay dhamaadkii sanadkii hore 2021 ayay isticmaalayeen ilaa bishii 7 ee sanadkan. Wixii ka danbeeyay waxay wajahayeen xaalad hubanti la’aan ah.
“Xoolihii wixii dhamaanayay way dhamaadeen. Labadii neef ee hartay oo dabada la qabanayay si loo kiciyo meeshii baa looga soo tagay dhinteenna war kama hayo,” ayay tiri.
Xerada Filibiin oo ay barakaca ku tageen qoysaska colaadda iyo abaartu saameysay waxaa horay u degganaa 50 qoys oo sanado badan ku noolaa, kuwaas oo u badan xoogsato.
Nasro Faarax waa horjoogaha xerada ay biireen qoysaska soo barakacay, Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in culayska ka dhashay dadka soo kor deggay ay sababtay xaalad adag oo bini’aadannimo
Qoysaska cusub ayay xustay in ay u badan yihiin carruur iyo haween duruufaysan oo qaarkood ay soo lugeeyeen maalmo badan.
“Qof meel uusan aqoonin yimid. Wax shaqo ah aan subixii aan u baxaynin. Awlaad ay ku xiriirto. Ilmo yar yar ay ka dabo oynayaan. Wax kasta oo bani’aadanka uu u baahdo oo ay noloshu ka mid tahay ayuu u baahan yihiin,” ayay tiri.
Intaas waxay ku dartay in xerada aysan la hayn adeegyada biyaha iyo caafimaadka, waxay sheegtay in ay u arooraan ceel saddex km u jira oo 40 liitar ee biyaha ah ka siiya 4 kun oo shilin Soomaali ah.
Kororka dadka xerada buux dhaafiyay ayay xustay in aysan haysan musqulo ay isticmaalaan, taasi oo sababi karta nadaafad xumo.
“Musqul bataatanka nooma dhisna. Mid yar oo aan dhisnayna buusaneerkii baa dumay oo saxaradii buu qaadi waayay,” ayay tiri.
Nasra waxay tilmaamtay in ay tirada dadka soo barakacay ee imaanaya xerada ay kordhi karto maalmaha soo socda haddii aysan heli goobo kale oo ay deggaan.










