Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Hargaysa: Mamnuucidda xoolaha lagu dhaqdo magaalada oo saameeyn ku yeelatay qoysas nolol maalmeedkooda ka soo saaran jiray iibinta caanaha

Radio Ergo by Radio Ergo
November 14, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Xoolo-dhaqatada Jubbada hoose oo ka cabanaya biyo iyo daaq-la’aan

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysaas danyar ah oo ku tiirsanaa ka ganacsiga cad-ka iyo caanaha xoolaha ayaa wajahaya duruufo dhaqaale, markii maamulka dowladda hoose ee Hargeysa ay ka mamnuceen in xoolo lagu dhaqdo gudaha Magalada 1-da September ee sanadkan. Maamulka ayaa arrintan u sababeeyay dhireynta iyo dib u soo celinta bilicda magalada.

Fihiima Xasan Farax oo ah hooyada toddobbo carruur oo agoon ah waxay nolosha qoyskeeda ka maareeyn jirtay caano ari oo ay ku iibin jirtay suuqa Hargeysa. Haweeneydan ayaa gudaha magaalada ku dhaqan jirtay 20 neef oo ari ah. Maamulka dowladda Hoose ayay sheegtay inay kala wareegeen arigaa. Waa tan Fihiima oo sharaxaysa saameeynta nololeed ee ay ku yeelatay ariga laga qaatay.

“Nolosha qoyskayga maalin ba waa sii. Balse, manta waxa igu daran waa maceshadii oo qali ah. Marka ay wax walbo qaali noqdaan, riyihii aad isku celceshan jirtay na laga qaado waa dhibaato. Manta wax aan gacanta ku haya ma jiraan,” ayay tiri.

Laba ka mid ah caruurteda ayay xustay in ay ka hareen waxbarashada, markii ay awoodi weyday in ay ka bixiso lacagta waxbarashada.

Fihiima ayaa tilmaantay in arigii laga qaaday ay ku xareeysanyihiin xero ku taala magaalada. Waxay xustay in neefkii laga rabo lacag si loogu soo sii daayo. Lacagta ayay sheegtay inaysan haysan hadda, balse ay jeclaan lahayd in arigeeda dib loogu soo celiyo. Waa tan iyadoo ka waramaysa walwalkeeda ku aadan xoolaha laga qaatay.

“Marka aan arko arigeygii oo maqan warwar badan baan dareemaa, xitaa haddii ay habeen tahay ma seexdo. Sida aan carruurteyda u xanaaneeyo ayaan iyagana u xanaaneya. Bini aadan baan ahay, meel aan ku xareeyo uma hayo xolihiina,” ayay tiri.

Fihiima warwarka ugu weyn ayay ku sheegtay in uu yahay kirada guriga ay deggan yihiin oo ka koban laba qol oo jiingad ah. Saddexdii billood ee u dambeysay waxay xustay inaysan bixin lacagta kirada. Lacag dhan $60 ayay tilmaantay in hadda lagu leeyahay.

Ka hor inta aan magalada Hargeysa laga joojin ku dhaqashada xoolaha, waxay si maalinle ah u heli jirtay lacag dhan 60-kun oo udhiganta $8. Lacagtan waxay ka heli jirtay caano lix koob ah oo ay ka lisi jirtay arigeeda.

“Waxaan u isticmaali jirey caanaha ciyaalkan siin jirey. Mararka qaar waan dhanaanin jirey oo waan ibiin jirey. Marka ay riyuhu dhalaan intaan habeenkii ka liso ayaan subaxdii iib geyn jiray. Lacagta aan ka helo waxbarashada, kirada iyo nolol maalmeedkayaga ayaan ku dhibi jirey,” ayay tiri.

Nimco Cabdullaahi oo qoyskeedu ka kooban yahay toban qof ayaa sidoo kale ka mid ah dadka ay maamulka ariga ka qaadeen. Waxaa horaantii bishii September ee sanadkan laga qaaday toban neef oo ari ah, kuwaasi oo ay qoyska ku tiirsanayeen.

Hawenaydan ayaa xustay in qoyskeeda ay ka cawiyaan hada nolol maalmeedka qoys ay qaraabo yihiin. Waxay xustay in biyaha ay qoyska isticmaalaan ay ku caawiyaan dadka noolol ahaan dhaama ee ay deriska la yihiin.

Nimco ayaa tilmaantay in markii ariga laga qaatay ay billowday inay iibisoo sabaayad ay guriga ku sameeyso. Albaabka gurigeeda ayay sheegtay inay la soo fariisato, balse ay ka hesho lacag dhan $1-$2 maalinkii. Dhaqaalaha kooban ee ay ka hesho ganacsiga sabaayada ayay tilmaantay inaysan ku filnayn nolosha qoyska.

“Sabaayadda si fiicaan la iga ma gato, dadku igu ma baran ganacsigsan. Ganacsigii hore ee iibinta caanaha masaariif fiican ayaan ka heli jiray oo waa ay ku filnayd nolosha qoyska. Balse hadda kan waxba kama helno, faa’ido na kuma qabno,” ayay tiri.

Haweenaydan ayaa xustay in shan ka mid ah carruurteeda ay waxabarashada uga hareen dhaqaale la’aan, markii ay iyada iyo saygeeda oo noloshooda ku mareeyn jirey iibinta caanaha ay shaqo la’aan noqdeen.

Nimco ayaa hadda rajeynaysa in Maamulka dowladda hoose ay ka hesho dhaqaale ay ku soo kabto nolosha qoyskeeda oo ay u balan qadeen in ay siin donaan, markii ay u gudbisay cabasho la xiriirta nolosha adag ee u qoyskeeda ku noolyahay. Dhaqaalaha ay sugayso ayay rajeynaysaa in nolosheeda u waxbadan ka bedeli doono haddii ay hesho.

“Dowladda hoose cabashadeyda ayaan ugudbiyey, dadka qaar cabashadooda waa laga jawabay. Lacag baa la siyeey, arigoodana magaalada waa ay kala baxeen. Balse, aniga waxba la ima siinin, arigeygiina wali wuu maqan yahay. Dib ayaan ka ogaadey aniga arrintaa, kaddib ayaan cabasho gudbistay. Sababtaas ayaan u daahay oo ilaa hadda wax u helin,” ayay tiri.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee dowladda hoose ee Hargeysa Xuseen Askar ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska laga uruuriyey ariga ay ahayeen kuwii u hogaansami wayay ammarkooda. Wuxuu xusay inay u qabteen muddo labo toddobaad ah oo ahayd inay xoolaha kala baxaan magaalada.

Agaasimaha ayaa sheegay in xoolaha ay hayaan ay ku wareejin doonaan isbitaalada iyo xabsiyada, si loogu qalo buukaanada iyo maxabiista.

“Dadkii waxay na dhahaan xoolahayga ha naloo daayo oo waa ay soo cabanayaan. Qaar ayaa geel wata magaalada dhexdeeda. Ma suurta galeyso in magaalo xoolo lagu dhaqdo. Dadka waan wacyi-gelinna oo waxaan dhahnaa ka saara xoolaha magalada. Qorshahanaga waa inanaan ka laaban go’aankayaga oo xoolaha magaalada laga saaro,” ayuu yiri.

 

 

Previous Post

Muqdisho: Qoysas colaad ka barakacay oo naftooda ku badbaadiya cunno maalin dhaaf loogu kariyo dad ku jira xeryo daris ay la yihiin

Next Post

Cadaado: Gabar dhaqtar ah oo xarunteeda la talin ugu sameysa haweenka

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Cadaado: Gabar dhaqtar ah oo xarunteeda la talin ugu sameysa haweenka

Cadaado: Gabar dhaqtar ah oo xarunteeda la talin ugu sameysa haweenka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo