(ERGO) – Xamdi Aadan Maxamed oo dhaqtar ka ah xarunta Daryeelka Caafimaadka Haweenka waxay si maalinle ah la talin ugu samey sameysaa 15 haween ah oo ku nool magaalada Cadaado.
Xaruntan oo ay furtay sanad ka hor ayaa sheegtay inay ku dhalatay markii ay ogaatay in haweenka qaba cudurrada qaar ay ku adag tahay in ay xogtooda la wadaagaan dhaqaatiirta ragga ah.
“Deegaankaan dumarka dhaqaatiirta ah aad ayay ugu yaryihiin sidaas darteed waxa ay keentay in hooyo u dhibban wax yar oo laga yaabo in ay u arkayso inay ceeb tahay inay dhaqtarka ragga ah la wadaagto ay u dhibbanaato oo xitaa maskixiyan ay u jirrato, iyada oo waxii qarsaneysa. Markaan arkay maaddaama aan meelo badan aan ka shaqaynaayay in ay bahiyahaasi ay jiraan sidaas darteed ayaa nagu kalliftay in aan meeshaan aasaasno, si aan ula talinno.”
Waxay sheegtay in ay kordhayaan bukaannada ay qaabisho, maaddaama haweenka u yimaada ay is gaarsiiyaan jiritaanka xaruntan. Waxaa saddexdii bil ee u dambeysay u yimid 13,00 oo qof.
Bukaannada aysan wax u qaban Karin ayay xustay ay u qorto warqad dhaqaatiirta kale u caddeyneysa cudurka haya. Waxay tilmaamtay in arrintaas ay kaalin weyn qaadato in ay is-fahmaan dhaqtarka iyo bukaanka.
Dadka aan awoodin inay wada-bixiyaan lacagaha xarunta waxay dhaqtar Xamdi u sameysaa qiima-dhimis, iyadoo loo eegayo xaaladaha adag ee bani’aadannimo ee ka jira dalka.
“Maaddaama meeshu tahay meel gaar loo leeyahay, inta badan haddii qof dhibaataysan uu noo yimaado, abaaraa iska jira, colaadaa iska jira, dhaqaale xumaa iska jirta- waan la tacaamulnaa, labarkaan u dhaafnaa ama baaritaankaan bilaash uga dhignaa, si markaas aysan u dhicin in qofkii wixii uu naga filanaayay uusan u weyn oo inta karaankeenna ah aan gaarsiinno meel uu ku qanci karo.”
Xamdi waxay horay uga shaqeyn jirtay isbitaalka guud ee magaalada oo ay joogtay muddo shan sano ah. Xarunteeda ayay ku maalgalisay $5,000 oo ay ku taageereen qoyskeeda. Waxaa hadda si toos ah ugu xiran ku dhawaad 500 oo haween iyo carruur ah iyo kuwo kale oo aan joogto aheyn.
Dadka adeegga Xamdi ka faa’ïidaystay waxaa ka mid Nadiifo Cismaan Cabdulle oo shan sano bukaan la aheyd dhaawac ka soo gaaray foosheedii koowaad.
Tobankii bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa la keenay xarunta Xamdi. Waxay awood u yeelatay inay faahfaahisa xanuunka haya. Tolliin iyo daaweyn ay mahdisay ayay sheegtay in loo sameeyay Nadiifo. Waxay sheegtay in iyada oo xanuunka dareemaysa ay dhashay saddex ka mid ah carruurteeda. waxay xustay mar kasta ay la kulmaysay dhiig-bax joogto ah.
“Hadda boqolkiiba boqol waan raystay. Ilaahayga awoodda iska leh waa midkii caafimaadka I siiyay, dhaqtaraddana ila kulmiyay, iyadana aad ayaan ugu mahadcelinayaa.”
Nadiifo ayaa sheegtay in saygeeda oo ka shaqeeya dhismaha guryaha uu bil kasta meel u dhigi jiray $30 taas oo shantii bilba mar uu dhaqtar ku geyn jiray. Rajo beel ayay ahaayeen inta aan xaruntan la geyn oo waxa ay qorshaynayeen in caafimaad dibadda ah loo qaado.
Qarashkii ay ku bixin jireen daaweynteeda waxay hadda ku kabaan nolosha qoyskooda oo 6 qof ah. Waxay Raadiyow Ergo uga warrantay kala duwanaashaha marka ay la kulanto dhaqaatiirta ragga ah iyo dhaqtar Xamdi.
“Waxyaalo badan oo waxaa jira uusan damiirku ku siineyn in aad dhaqtarka ragga ah u sheegto. Laakiin gabadhan waa qof kula dumar ah, wax kasta waa dareemi kartaa. Dadku haddii labo dumar ah ama labo rag ah ay yihiin si gooni ah ayay isku fahmayaan, maaddaama ay dumar tahay ayay haddana gabar dhallinyaro ah oo wax kasta dareemaysa tahay. Maasha Allaah aad iyo aad ayey noogu naxariisataa.”
Adeegga ay soo kordhisay xaruntan ka sokow waxaa jira shaqo abuur ay ka heleen dhallinyarada magaalada.Cali Maxamed Faarax wuxuu ma mid tahay afar qof oo labo gabdho yihiin oo hadda ka howlgala xarunta.
Cali oo oo sagaal bil ka shaqeeya qeybta shaybaarka ayaa sheegay in noloshiisa ay wax ka beddeshay $250 oo mushaar ahaan uu u qaato. Wuxuu xusay in lacagtaas uu u qaybiyo noloshiisa, qarashka jaamacadda uu dhigto iyo $100 oo uu ku kabo qoyskiisa oo daggan miyiga magaalada. Cali ayaa tilmaamay in uu ku faraxsan yahay inuu u shaqeeyo bulshada jilicsan.
“Wax weyn ayaa iska key beddelay. Markaan halkaan imaanaayay waxaan ahaa shaqsi markaas ka soo baxay dugsi sare. Waxaan noqday qof naftiisa wax u qabsada, dadkiisana wax u tara, caawiyana bulshada dhinacyadeeda kala duwan. Ha ahaato dhallaanka ama hooyada marka wax wayn ayaa iska kay beddelay ayaan dhihi kara nafsad ahaanteyda wax wayn ayaan qabsaday aad iyo aad ayaana ugu faraxsanahay.”
Fursadda kale ee uu halkan uga faa’iiday Cali ayaa ah in la baray xirfadda shaybaarka oo uusan horay aqoonin. Marka laga tago dhaqaalaha uu ka helo wuxuu sheegay shaqadan u tahay horumar uu muddo yar ku gaaray. Wuxuu aaminsan yahay in ay tahay fursadda ugu haboon oo uu dadkiisa ugu deegi karo.
“Xaruntan in aan ka shaqeeyo waxan ka doorbiday meelo badan. Aniga oo awoodi kara in aan wax yaabo badan ka shaqeeyo waxaan jecleystay in aan meeshan ka shaqeeyo, muddo aad u badanna waan ka sii shaqayn doonaa. Sababta igu kalliftay waxay tahay in aad hooyadiina u shaqayneyso, dhallaankiina aad u shaqaynayso. Waa daryeelka ugu badan ee aad bulshada garab ka siin karto. Dareenkaas ayaa isoo jiitay, waana rajeynaa dadka ugu sarreeya meeshaan in aan ka mid noqdo.”











