Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Jubbada hoose: Iskuulo la dhisay oo kummanaan arday ay waxbarasho bilaash ah ka heleen

Radio Ergo by Radio Ergo
November 15, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
High school in Somalia

Arday fasalka waxbarashada jooga/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo kun iyo shan boqol oo arday oo ka soo jeeda qoysas soo barakacay iyo danyar ayaa waxbarasho billaabay markii wasaaradda waxbarashada ee maamulka Jubbaland ay iskuulo bilaash ah oo hoose iyo dhexe ah ka hir galisay deegaanada ay ku nool yihiin oo hoos taga magaalada Kismaayo.

Iskuuladan oo shan ah waxaa laga furay lixdii Oktoobar ee sanadkan tuulooyinka Wirkooy, Baarka, Siingalayr, Luglow iyo Istaanbuul. Waa kuwii ugu horeeyay ee deegaanadan ay yeeshaan.

Dadka carruurtooda ay fursaddan ka faa’iidaysteen waxaa ka mid ah Shukri Ibraahim Khaliif. Lix carruur ah oo afar ay gabdho yihiin ayaa u dhigta fasalka kowaad ee dugsi hoose oo la yiraahdo Istanbuul, kaas oo ku yaalla deegaanka Luglow oo ay ku soo barakacday.

Gabar 17 jir ah ayaa ugu weyn carruurta oo waxbarashada u billaabay tobankii Oktoobar. Waxay ka mid yihiin 1,570 arday oo iskuulkan dhigta.

“Haddiiba iskuul na loo dhisay farxad aad u weyn oo waligay aan arkin ayaan dareemay. Ilmahaan ayaan wataa ayaan dhahay in ley qaabilo wax lay baro ayaan rabaa ayaan dhahay. Macalinkaan u tagay gacmo furan ayaa leygu soo dhoweeyay. Meel uma dhaqaajinayo illaa ay waxay rabaan ka baranayaan,“ayay tiri Shukri.”

Shukri ayaa sheegtay in ay awoodi wayday in carruurta ay u gaddo dharka iskuulka, balse maamulka dugsiga ayay xustay inay u dan sheegatay kadibna uu ka ogolaaday in dharkooda caadiga ah ay ku yimaadaan.

Waxay intaas ku dartay in sidoo kale ay ku adkaatay in carruurta ay u iibiso qalmaan iyo buugaag ay casharada ku qortaan. Markii xal kale ay weyday ayayse u maareysay sidan.

“Buugaagtii soo gata markii nala dhahay waxaan ku soo gaday raashiinkii noo yiilay qaar ka mid ah. Kartoon baasto ah ayaan suuqa geeyay oo aan ugu soo gaday. Waxaa leyga soo siisay $7. Buugaag iyo qalmaan ayaan u soo gaday. Boorso xataa uma gadin oo maba awoodaba, waxaan haysano malahan,“ayay tiri Shukri.”

Waxay sheegtay inay jeclayd in carruurtu ay wax u bartaan, balse uu caqabad ku ahaa deegaanka ay deggantahay oo aan adeeg waxbarasho horey uga jirin.

Shukri oo ah hooyada sagaal carruur ah wuxuu qoyskeedu uu 11 bilood degganyahay xero la yiraahdo Ceel-jaale labo oo ay ku nool yihiin kun qoys oo ah dad soo barakacay oo abaartu ay saameysay. Waxaa uga dhisan aqal xooshad ah oo ka sameysan ulo,

maryo iyo karaatoon leysku xirxiray, kaas oo ay xustay inuusan ka xajin karin roobka deyrta ee da’aya.

Waxay tilmaantay in noloshoodu ay ku tiirsantahay dhaqaale yar oo ka soo gala shaqo xoogsi ah oo uu qabto ninkeeda oo fala beero ku yaalla degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe.

“Odayga tacabkaas ayuu u baxaa, markuu beer soo falo wuxuu noo soo diraa maalintaas $2 ama $1.5. Wax kale oo faro iigu jiro maleh, mana shaqeysan karo oo xaamilo ayaan ahay. Bishan ayaa toddobo ii ah,“ayay tiri Shukri.”

Ka hor inta aysan soo degin xeradan bishii December ee sanadkii 2021 waxay ahaayeen xoolo dhaqato ku nool miyiga degmada Saakow. Waxay sheegtay in abaartu ay dhaafisay 15 neef oo lo’ah iyo ari 50 ah bilihii Oktoobar iyo Nofeembar ee sanadkii hore.

Deegaanka Wirkooy ayaa ka mid ah goobaha aysan waxbarasho horey uga jirin ee hadda yeeshay. Bishii tobnaad ayaa laga furay iskuul hoose iyo dhexe ah, kaas oo ay dhigtaan 170 arday.

Cabdulqadir Cumar Maxamed oo ah beeralay deegaankan ku nool wuxuu iskuulkan geeyay carruur shan ah. Waa agoon uu korinayo tan iyo sanadkii 2019 markii uu ka dhintay walaalkiis oo ka weyn.

“Waxbarashadooda walwalbay igu hayeen. Hadda walwal iguma hayaan. Aad ayaan igu faraxsanahay waxbarashada aan helnay. Alle ayaa mahad leh haddiiba iskuulba naloo dhisay. Afar saac oo subaxnimo ayay baxaan illaa afarta galabnimo ayay iskuulka jiraan ilmaha, “ayuu sheegay Cabdulqadir.”

Cabdulqaadir ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee carruurtan ay waxbarasho helaan. Sababta ayuu ku sheegay in goob waxbarasho ay ugu dhawayd tuulada Buulla-guduud oo u jirta 15km, taasna ay awoodi waayeen fogaanshaha darteed.

Waxa uu tilmaamay in carruurta oo kala dhigta fasalada kowaad iyo labaad uu u awoodi waayay inuu u gado dharka iskuulka (uniform), balse ay ku aadaan dharkooda caadiga ah. Wuxuu intaas ku daray in si adag uu ku helay lacag siddeed Doollar ah oo buugaag iyo qalmaan uu ugu iibiyay.

“Maantaan baxayaa markaan labo tacab soo falo hal canug ayaan buugaag u gadayaa, maalin kale canug sidaas ayaan ugu gaday buugaagtooda, “ayuu sheegay Cabdulqadir.”

Cabdulqaadir waa 29 jir aan xaas laheyn. Wuxuu sheegay in carruurtan uu noloshooda ka maareeyo shaqo beer falid ah oo uu qabto, taas oo maalinka uu shaqeeyo uu ka helo $2 illaa $4.

Hirgalinta iskuuladan waxaa wasaaradda waxbarashada ka caawisay hay’adda IOM. Sidoo kale wasaaradda ayaa ballaarin ku sameysay iskuulo ku yaalla tuulooyinka Qaam-Qaam, Yoontooy iyo Buula-guduud, kuwaas oo markii hore ahaa min afar fasal waxaa mid kasta lagu kordhiyay saddex fasal.

Ballaarintaas kadib waxaa tan iyo bishii Oktoobar ku biiray arday gaareysa 750, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Saalax Qalaf Xasan oo ah guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Jubbada hoose.

Wuxuu intaas ku daray in sababta iskuuladan oo bilaash ah loo dhisay ay tahay inay ka faa’ideystaan dadka ku nool deegaanadan oo u badan danyar aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta waxbarashada.

“Tuulooyinkan qayb waxaa horey uga jiray iskuulo hoose iyo dhexe ah xilligii dowladdii Soomaaliya, ka dibna colaadihai sokeeye ayay ku bur-bureen. Maadaama deegaanadii lagu soo noqday, carruur badana ay joogaan baahi ayaa halkaas ka muuqatay. In iskuuladoodii loo soo nooleeyo ayaa lagama maarmaan noqotay,“ayuu yiri Saalax.”

Saalax ayaa xusay in iskuuladan ay dhigaan 51 macallin oo mushaarkooda ay bixiso wasaaraddu. Wuxuu sheegay in macallin kasta uu bishii mushaar ahaan u qaato $100.

Previous Post

Cadaado: Gabar dhaqtar ah oo xarunteeda la talin ugu sameysa haweenka

Next Post

Gedo: Dadkii nolol-maalmeedka ka heli jiray cusbada oo qoysaskoodu ay wajahayaan cunno yari

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Ganacsiga cusbada Xinlabi oo billowday kaddib shan sano oo roob-yaridu saameysay

Gedo: Dadkii nolol-maalmeedka ka heli jiray cusbada oo qoysaskoodu ay wajahayaan cunno yari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo