(ERGO) – Kun iyo siddeed boqol oo qoys oo ku nool deegaanka Cusbo ee gobolka Gedo ayaa wajahaya culeys dhanka nolosha. Waxay waayeen cusbadii ay ka qodan jireen deegaanka sabab la xiriirta roob-yarida gobolka ka jirta.
Maxamed Qaasim oo 36 ah ayaa ka mid ah dadka dhaqaalaha uu ka helo cusbada ay ku tiirsanayd noloshiisa. Qoyskiisa oo todobo qof ah ayuu sheegay inay cunno yari hayso.
Ninkan ayaa xusay in saddexdii bil ee ugu dambaysay uusan waxba ka faa’iidin gododka uu ka qoto cusbada oo biyaha roobka ku baxda. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay inay wax karsadaan hal mar oo uu soo daynsado.
“Nolosha qoyska saddexda waqti waan heli jirnay awalkii hore. Hadda waxaa dhacday in la helo hal xabbo oo noloshii qoyska hoos u dhac aad u wayn uu ku dhacay oo abaaruhu ay keeneen. Halkaas mid ayaa hadda lagu hirtaa oo aan leennahay armey idinka go’daa.”
Maxamed ayaa sheegay in tan iyo bishi Luulyo ee sanadkan lagu yeeshay lacag dhan 820 oo doollar oo uu ka qaatay dukaanka qof ay qaraabo yihiin.
Waxa uu xusay inay ku adag tahay in uu iska bixiyo maaddaama isha keliya ee dhaqaale ee uu haysto ay tahay cusbada.
“Dukaamada xilli uun bahasha si fiican u soo baxdo hadhow baad ku xisaab tamaysaa. Rajo uun baa ku qaadaneynaa. Lacag badan baa nagu la leeyahay. Tii hore oo laguugu leeyahay sanadkan aad sugeysay abaar biyo la’aan dhacday awgood marka abaartu aad bay inoo saameysay.”
Ninkan oo ah milkiilaha boqol shan iyo labaatan god oo milixda laga qodo ayaa sheegay in uu ku jiro waqtigiisi ugu adkaa markii sanadahan ay isku biirsadeen wax soo-saar la’aan iyo suuq xumo.
Qoyska Maxamed ayaa ka mid ah qoysas horaantii sanadkii 2020 soo barakacay tuulada Karaban. Waxay noqdeen cusbo qodato markii ay ku xoolo beeleen si cunno ku filan u helaan.
Qaar ka tirsan xoogsatada cusbada ayaa billaabay safrinta cusbo keyd ku ahayd bakhaarada markii ay wax ka waayeen godadkooda bishii Octoobar.
Waxaa ka mid ah Cabdullahi Faaqid oo todobaadkii mar ama labo magaalada Luuq u iib keena 40 kiish oo cusbo. Wuxuu ka soo iibsadaa afar bakhaar oo ganacsato deegaanka ay ku kaydsadeen cusbada waqti hore.
Ninkan oo aan magaalada Luuq kula kulmay xilli uu safar ku yimid ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in faa’ido aan badneyn uu ka helo cusbada uu magaalada keeno. Dhaqaalaha ka soo gala ayuu ku bixiyaa kirada mooto bajaajta uu cusbada ku soo rarto iyo cashada habeenkii oo qoyskiisa oo siddeed qof ku tiirsan yihiin.
“Hadda noloshanadu waa ay liidataa. Ayaantii hore oo waddanku barwaaqada taalay oo cusbada inoo go’aysay ciyaalkeena labada jeer waa ay quudan jireen maalinkii. Halkaas waqti cusbadaas kaydka oo aan soo gadanno oo aan soo safrinno wax yar oo shaax oo noo dul saaran ayaan mootadii aan ku soo qaadnay kiradii, shidaalki, noloshii ciyaalka waxaas ayaan ka dhax raadinnaa.”
Cabdullahi oo ah milkiilaha 93 god oo cusbada laga heli jiray ayaa ku hungoobay inuu cusbo helo lixdii bil ee dambeysay roobkaoo la waayay dartiis.
Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in tuuldada loogu leeyahay lacag dhan 205 oo doollar oo reerkiisu ay biisheen bilihii Agoosto iyo Sebteembar ee sanadkan. Intaas ayuu raaciyay in cusbo safrinta ay ku qasabtay walaaca uu ka qabay in ay ku badato lacagta deynta ah, maaddaama uusan rajo ka qabin in godadkiisa uu qoto roob yarida awgeed.
“Awal marka aan roobka helno biyahii roobka ayaa cusbada inoo dhalin jiray hadda sidaas darteed roob la’aanti baa na saamaysay. Awal aniga nolosha ciddayda waxaan ku maareyn jiray dayn aan qaato oo marka ay cusbada ii soo go’do ayaan iska bixin jiray. Marka sidaas darteed daynkii aan qaadan jiray waan joojiyay. Hadda nolosheyda waxaan ku maareeyaa cusbadaas aan soo safriyo, dayntiina waa la igu leeyahay.”
Cabdullaahi ayaa sheegay in kiishka cusbada uu uga soo qaato bakhaarada deegaanka Cusbo 70,000 ilaa 80,000 oo shillin Soomaali ah. Waxaa degmada Luuq looga iibsadaa lacag dhan 140,000 ilaa 160,000 shillin Soomaali ah.
Marka laga yimaado dadka deegaanka ee ay noloshoodu saamaysay cusbada la waayay, waxaa jira ilaa saddex boqol oo dhallinyaro ka shaqeyn jirtay cusbada oo hadda shaqo la’aan.
Qaar ayaa bilaabay in ay deegaanka iskaga tagaan si ay shaqooyin kale u raadsandaan. Cali Xasan oo ka mid ah Raadiyow Ergo u sheegay in muddo sanad ay nolosha qoyskiisu ku tiirsaneyd dhaqaalaha uu ka helo nadiifinta, kala haatinka iyo cabeenta cusbada.
Qoyskisia oo ah xoolo-dhaqato abaaraha ay saameeyeen ayaa ku nool raashin ay dayn ahaan uga qaataan dukaamada cunna ee tuulada Qooney.
“Aniga cusbadaas ayaan ka shaqeyn jiray, meesha ayaan xaaqi jiray cusbada ayaan soo-saari jiray, waan qalajin jiray kiishash ayaan ku shubi jiray. Kiishash shan ama lix marka aan soo-saaro hal kiish ayaan ku lahaa. Halkii kiish hadduu u bato waa saddex doollar ama afar doollar.
Cali oo 21 sano jir ah, waxa uu maalintii cusbada ka heli jiray lix ilaa siddeed dollar. Waxay qoyskiisa oo toban qof ugu filnayd raashin labo waqti ay cunnaan. Wuxuu rajeynayaa inuu shaqo xoogsi ka helo beeraha webiga Jubba.
Dadka ku nool deegaanka Cusbo ayaa iskugu jiro cusbo-qodoto iyo xoolo-dhaqato aan badneen. Hoos-u-dhaca wax-soo-saarkoodii cusbada ayaa saameeyay nolosha dadkii horay ugu tiirsanaa xoolaha ee soo baciin biday cusbo-qodashada.











