Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda deegaanada ku hareeraysan webiga Shabeelle ee ka soo barakacay colaadda oo cunno iyo hoy la’aan ku wajahaya xero ku taala magaalada Beledweyne

Radio Ergo by Radio Ergo
November 18, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraleyda deegaanada ku hareeraysan webiga Shabeelle ee ka soo barakacay colaadda oo cunno iyo hoy la’aan ku wajahaya xero ku taala magaalada Beledweyne

Beeraleyda Beledweyne oo ka walwalsan colaada /Cabdirisak Axmad/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Cabdi Daahir oo aheed beeraleey xile-roobaadkan  u diyaar garoobeeysay in ay tacbato beerteeda, ayaa todobaadkii ugu horreeyey ku qaadaneeyso xerada shareeco ee ku taalla xaafada Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne.

Haweeneydan iyo carruurteeda oo toban ah ayaa ka soo barakacay miyiga degaanka Hilo-bacaad, markii ay ka dhaceeyn dagaalo udhaxeeyo ciidamada dowlada iyo Al-shabaab, taasi oo ay ka tacban waaysay beerteeda oo lix higtar ah.

Qoyskan oo nolol ka soo raadsaday magaalada Baladweyne ayaa todobaadkan soo degay xerada barakac ee Shareeco. Waxay halkan ku wajahayaan cunto yari, hoy xumo iyo shaqo la’aan. Waxaana ugu daran dhinaca cunada.

“Hooyo meeshan baahi ayaa igu hayso. Shalay ayaan imaaday, dagaalkii ayaa igu kor dhacay. Hilo-bacaad ayaan ka imaaday. Ilmahii gacanta ayaan ka soo qabsaday meeshan ayaa soo tuuray wax aan u haayo malaha. Saacan aan kula hadli haayo baahi ayaa i hayso, xalay xitaa dab ma shidan. Waxaan ilmihii dabka u saaro ayaan la ahay,” ayay tiri.

Haweeneydan ayaa sheegtay in dhammaan alaabteedii ay ka soo qaxday oo caruurta ay soo bad baadsatay oo kali ah madaama gaadiid ay ku soo qaadato ay waysay. Xerada ayay ka dhisatay aqal cooshado ka sameeysan. Raashin ay ku caawiyeen dadka uga soo horreeyey xerada ayaa u suurta galiyay inay carruurteeda maalintii hal wakhti helaan cunto.

Walwalkeeda kuma koobna helidda cunno balse waxay sheegtay inay biyaha u doontaan webiga Shabeelle oo u jira hal kilo mitir, isla markaana aysan haysan wax gaadiid ah. Carruurteeda aabbahood ayey sheegtay inay uga soo tageen degaanka ay ka soo barakaceen.

Xaliimo ayaa sheegtay inay rajeeyneysay in xilli roobaadkan ay si fiican u tacbato beerteeda oo saaran wabiga Shabeelle, lakiin taasi ay meesha ay ka baxday hadda.

“Waan rajeeynayey inaan tacbado beerteeyda oo aan fashto niyo ayaan u lahaa hadda lakiin waan ka soo niyad jabay, meel dagaal ka socda miyaa wax lagu tacbi karaaa? Aniga qof beeraleey ah ayaan ahaa waa markiii igu horreyssay oo aan halkan imaado. Roob ayaa is kaga da’i haayo beerta galeey ayaa igu taalay, ebar ayey diirato ka dhigtay,” ayay tiri.

Xerada ay deggan tahay ayey tilmaantay in aysan lahayn xaruumo waxbarasho iyo kuwo Caafimaad toona. Lix boqol oo qoys oo xerada ku nool ayaa waxay isla isticmaalaan labo musqul kaliyah.

Carruurteeda ayay xustay in ay iska joogan xerada oo ay awoodi waysay in ay geeyso iskuulo iyo dugsi Quraan oo ay wax ku bartaan. Xaliimo ayaa sheegtay in degmada Baladweyne ay ka rajeeyneysay in ay ka hesho nolol ka duwan middii ay ku noolayd balse wali wax weyn iska baddelin nolosheeda.

Beeraleeyda kale ee dhowaan soo gaaray degmada Baladweyne waxaa kamid ah Dahabo Xasan Faarax. Haweeneydan oo aqal cooshad ah oo ay ka sameeysatay xerada ku haysta 13 carruur ah ayaa sheegtay in xaalad aad u adag oo dhinaca nolosha ah ay wajahayaan qoyskeeda.

Labo bil oo ay deggan yihiin xerada waxay la daalaa-dhacayaan helidda quud maalmeedka. Waxay xustay inaysan weli helin wax shaqo ah, balse maalmaha qaar ay raacdo haweenka deriskeeda ah oo magaalada u aada dhar dhaqis iyo nadaafadda guryaha.

“Nolosha qoyska waxaan ku maareeyaa meeshan cid aan ka aqaan malaha subaxii waan iska baxaa magaalka ayaan galaa. Dariska iyo dadka magaalada ayaa albaabka u garaaca. Qofkii iga furo, maxaa laguu qabanaa ayaan dhahaa. Qofkii howl ayaa la i qabanaa dhaho dharkaa u dhaqaa. Qofkii dhaho guriga iga hagaaji waan u hagaajiyaa, sidaas wixii aan ku helo ayaan ku maareeya. Nolosha noocan ah aad ayey u adag tahay,” ayay tiri.

Qoyska Dahabo waxay ka soo barakaceen deegaanka Samataro oo ay ku lahayd beer, waxaana sidoo kale ay dhaqaneeysay 45 neef oo ari ah, kuwaas oo abaarta uga dhamaaday.

Waxaa ay deegaankeeda kasoo barakacday iyada oo qeeyb kamid ah beerteeda abuuran tahay halka qeeybta kalen ay ugu tala gashay in xilliga roobka ay beerato.

“Beerta hadda dhow roobkii ayaa ku abuuray, iyadoo falkii joogto ayaan ka soo barakacay. Xabadda ayaa nagu billaabatay inagoo beerta ka shaqeeynayno. Iyadoo labo maalin mareeyso ayaan ka soo cararay,” ayay tiri.

Dahabo ayaa tilmaantay in culeyskii ka haystay dhinaca biyaha uu ka haray madaama maalin walba webiga Shabeelle ay ka soo dhaansato afar labaatanle oo ay dusheeda kusoo qaaddo. Balse waxay sheegtay in dhanka cunnada u culeys ka haysto.

Saddex maalin ayey ku qaaday in ay Baladweyne soo gaarto waxaana ay xerada ay dagan tahay mudo labo bilood ah sida ay sheegtay.

Maamulka xerada Shareeco ayaa sheegay in dadka ugu badan ay xerada soo gaareen labadii bilood ee ugu dambeeyey.

Guddoomiyaha xerada Shareeco Cabdullaahi Xasan Cabdi ayaa sheegay in maalin walba xerada ay soo gaaraan dad cusub oo ka soo barakacaya tuulooyinka kala duwan ee hoos yimaada magaalada Baladweyne, kuwaasi oo u badan beeraleey iyo xoolo-dhaqato.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ka maamul ahaan aysan awoodin caawinta dadka barakaca ah. Balse, wuxuu tilmaamay in baahida jirta ay la wadaageen Maamulka Hirshabeelle iyo hay’daha sama-falka.

Cabdullaahi ayaa faah faahin ka bixiyey baahiyaha ugu daran ee xilligan xerada ku haysato qoysaskan.

“Xilli roobaad ayaa la joogaa, dadka ilmo ayey wataan. Ma haystaan bac ay roobka ka galaan iyo gogol ay ku seexdaan. Wax la cunana Ilaaheey ayey u qabaan. Waayeelo iyo carruur ayaa meeshan timid. Illaahey ayaa deeq badan, lakiin dadkan wax ay haystaan malaha,” ayuu yiri

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka cusub ay ka caawiyeen meelo ay dagaan keliyah, maaddaama aysan hayn awood kale.

Dowlada Soomaaliya, maamulka Hirshabeelle iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ayuu ugu baaqay Cabdullaahi in dadkan oo ay xaaladooda liidato ay si deg deg ah gurmad ula soo gaaraan.

 

 

Previous Post

Gedo: Dadkii nolol-maalmeedka ka heli jiray cusbada oo qoysaskoodu ay wajahayaan cunno yari

Next Post

Hargeysa: Qoysas ka soo barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo wajahaya

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
Hargeysa: Qoysas ka soo barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo wajahaya

Hargeysa: Qoysas ka soo barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo wajahaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo