Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Garowe: Dhallinyaro isku xilqaamay inay waxbarashada ka bixiyaan ardayda agoonta ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danta yar

Radio Ergo by Radio Ergo
November 10, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Garowe: Dhallinyaro isku xilqaamay inay waxbarashada ka bixiyaan ardayda agoonta ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danta yar

Arday fasalka waxbarashada jooga/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex wiil oo dhallinyaro ah ayaa si iskooda ah isugu xilqaamay inay waxbarasho bilaash ah gaarsiyaan ardayda agoonta ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danta yar ee aan iska bixin karin waxbarashada. Shaqadaan oo ay soo wadeen tan iyo 2019-kii ayaa waxaa ka faa’iday 75 arday, kuwaasi oo hadda dhigta dugsiyada hoose, dhexe, sare ee Garowe.

Cabdullahi Khaliif oo ah aasaasaha barnaamijkan ayaa sheegay in fikirkan u ku dhashay markii uu arkay arday agoon ah oo aan waalidkooda u awoodin waxbarashada. Wuxuu billaabay Kaabe Relief oo ah magaca ay ku shaqeyaan. Ardayda ay waxbarashada ka caawiyaan waxay ka bixiyaan lacagta bisha, dharka iskuulka iyo buugaagtii ay wax ku baran lahayeen.

Ninkan iyo labada qof ee la shaqeeysa ayaa ku soo wareega xaafadaha ay ku noolyihiin dadka danta yar, si ay xogtooda u soo ogaadaan oo ayna uga caawiyaan waxbarashada carruurtooda. Waa kan Cabdullaahi oo sharaxaya barnaamijka Kaabe Relief sida u ku billowday.

“Kaabe Relief waa barnaamij ka shaqeeya waxbarashada. Fikradda waxaan ku billownay shan arday. Fikradani waxay igu dhalatay markaan ku jiray jaamacadda xiisad ka mid ah xiisadaha ayaa waxay ahayd hal abuur, markaas waxaan ka fikirnay wixii aan baranay sidee ugu celin karnaa bulshada fikradana anaa iska lahaa oo ay iga soo maaxatay,” ayuu yiri.

Lacagta ay waxbarashada uga bixiyaan carruurta waxay ka soo qaaraamaan shirkado iyo bankiyo ku yaala magaalada. Wuxuu xusay in carruurta ay waxbarashada ka caawiyaan ay yihiin kuwa dhigta dugsiyada hoose, dhexe, saree e magaalada Garowe. Bishii ayuu sheegay inay ardaygii ka bixiyaan $10.

Cabdullaahi ayaa xusay in isaga naftiisa u damaanad qaaday waxbarashada gabar agoon ah oo dhigata fasalka lixaad. Gabadhan ayuu tilmaamay in mar u iskuulkeeda booqday ay maamulka ku wargeliyeen in waalidkeeda ay ku adagtahay inay ka bixiyaan lacagta waxbarashada, sidaasna u isaga kula wareegay mas’uliyadeeda waxbarasho.

Wuxuu sheegay in mararka qaar ay la kulmaan caqabado maaddaama u barnaamijka ku tiirsan yahay dad muxsiniin ah oo lacagta ku baxeeyso ka caawiya. Waa kan isagoo ka hadlaya caqabadaha ay la kulmaan.

“Qof intuu qof damaanad qaado oo hadhow la waayo waa caqabadda ugu weyn ee aan la kullanno. Caqabadaha kale ee aan la kullanno waxaa ka mid ah sicir bararka iyo abaarta oo culeys ku keento dadka barnaamijka naga caawiya. Qofkii marka aan weyno waxay nagu abuuraysaa walwal iyo murugo. Waxaan is weydinaa ardaygii sidee ayuu ku dhameeysan karaa waxbarashadii,” ayuu yiri.

Cabdullaahi ayaa sheegay in isaga iyo dhallinyarada la shaqeeysa ay ku farxaan marka ay arkaan ardayda ay caawiyaan oo waxbarashada kaalmo fiican ka keenaya. Wuxuu xusay in dareen gooni ah u dareemo marka u ardayda ku booqdo iskuuladooda. Wuxuu tilmaamay inuu dareemo in nolosha qof u baahan gargaar u ifinaayo.

“Run ahaantii shaqo la qabto waa shaqada ugu wanaagsan qof danyar ah ama qof agoon ah wax loo qabto. Shaqadan waa ay iga duwantahay shaqooyinka aan anigu sida caadiga u qabsado. Runtii waxaan ku dareema farxad badan,” ayuu yiri.

Aamino Axmed oo ah hoyada toddobbo carruur waxay ka mid tahay waalidiinta ay ilmahoodu nasiibka u yeesheen inay ka faaidaystaan barnaaamijkan waxbarashada. Haweeneydan ayaa sheegtay in dhallinyarada ay ugu imaadeen gurigeeda, wareysi kaddibna ay ka qaadeen mas’uuliyadda waxbarasho ee wiilkeeda curadka ah.

Waxay xustay inay ku faraxsan tahay waxbarashada u helay wiilkeeda oo hadda dhigta fasalka 5-aad ee dugsiga hoose, dhexe ee Maxamuud Ow Cismaan ee magaalda Garowe. Waxay tilmaantay in fursadan ka hor ay ka walwali jirtay mustaqbalka wiilkeeda.

Dhowr jeer ayay sheegtay in wiilkeeda u weydiyay goorta ay waxbarasho ku dari doonto, maaddaama carruurta la faca ah ay waxbarasho adaan. Waa tan Aamino oo sharaxaysa sida u fursadda waxbarasho ku helay wiilkeeda.

“Qaabka aan ku helay waxaa weeye nasiib oo Ilaahay baa kolay ila soo doontay. wiilkan yarbaa isoo galay wuxuu yiri deeq waxbarashaan wadaa imisa ilmood ayaa kuu jooga, ilmihii wuu arkay in ay yaryihiin. Waxaan iri wiilkanaa waxbarasho raba oo ii jooga. Wuxuu yiri aniga kawaran hadaan ku gacan qabto oo gacan qabasho kuu sameeyo waliba anigu unifom-kii iyo buuugaagtiina waan kaa caawinayaa, sidaas buu wiilkaasi waxbarasho ku helay,” ayay tiri.

Aamino ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay waxbarashada wiilkeeda oo aan iyada dhaqaale uga bixin. Waxay xustay in wiilkeeda u sanad dugsiyeedkan galay kaalinta saddexaad. Haweeneydan ayaa sheegtay inay keliyah bixiso lacagta imtixaanka oo ah saddex doolaar.

Wiilkeeda ayay tilmaantay inaan iskuulka lacag dartii looga soo ceyrin, tan iyo intii u waxbarashada billaabay.

“Kaalin buuna hadda ka soo istaagay waxbarashada sanadkaan, waxaana ka rajeynaya ka badan iyo in uu kaalinta koowaad soo istaago. Dareenkaygu waxaan la soo koobi karin buu noqday, sidii ma taqaanaa arday dugsi sare ku guulaystay, shahaadadii ama wax la mid ah helay bu ila noqday, marka aad baan ugu fraxsanahay,” ayay tiri.

Suhayb Maxamuud Cabdi waa curadka Aamino ee helay fursadan waxbarashada bilaashka ah. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in waxbarashada u mustaqbal dheer ka leeyahay.

Wiilkan ayaa xusay in mustaqblka u rajeynayo inuu noqdo dhaqtar, si u naftiisa iyo hooyadiisba wax u taro. Waa kan Suhayb oo ka hadlaya juhdigii u ku bixiyay waxbarashada si u soo galo kaalinta saddexaad.

“Horta kaalintan waxaan ku helay dadaalkayga iyo juhdigayga. Waxaan rajaynayaa in aan dhaqtar noqdo oo waliba hooyaday iyo ciyaalkayaga aan ka farxiyo. Waxaan rabaa inaan dadaalkeyga laba jibaaro si aan kaalinta kowaad u soo galo,” ayuu yiri.

Suhayb wuxuu waxbarashada ku biiray bishii Oktoober ee 2019-kii.

Previous Post

Goobweyn: Haween la daymiyay lacag maalgelin ah oo ay ku kobciyaan ganacsiyadooda

Next Post

Muqdisho: Qoysas colaad ka barakacay oo naftooda ku badbaadiya cunno maalin dhaaf loogu kariyo dad ku jira xeryo daris ay la yihiin

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas colaad ka barakacay oo naftooda ku badbaadiya cunno maalin dhaaf loogu kariyo dad ku jira xeryo daris ay la yihiin

Muqdisho: Qoysas colaad ka barakacay oo naftooda ku badbaadiya cunno maalin dhaaf loogu kariyo dad ku jira xeryo daris ay la yihiin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo