(ERGO) – Kaaho Xasan Ibraahim oo deggan tuulada Goobweyn ee gobolka Jubbada hoose waxay ka mid tahay soddon haween ah oo uu kobcay ganacsigooda. Waxaa u sahashay markii ay heleen lacag ayuuto ah oo deyn ahaan loo siiyay si ay ugu ballaariyaan ganacsiyadooda.
Kaaho ayaa sheegtay in la siiyay sagaal boqol oo doollar oo shan boqol ay ku dhisatay dukaan shan mitir ah. Lacagta u soo hartay ayay xustay in ay ku iibsatay bagaash iyo raashin.
Qoyskeeda oo ka kooban shan iyo toban qof ah waxay noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqaalaha ay ka hesho ganacsigan yar oo dib u dhis ay ku sameysay.
“Hadda iyo haddaaye isku mid ma ahan. haddana waxaa waaye meel dabakaayo ah oo fiican oo wax laga gadanaayo. Haddaaya bannaanka ninkii (Qofkii) jira ma arki haynin, hadda waa la arki haayaa.”
Goobta ganacsi ee Kaaho ayaa horay u ahayd cooshad yar oo ka samaysan geedo, baco, baakado iyo dhoobo la isu geeyey ayaa xustay in macamiishu ay ku yarayd.
Waxay tilmaamtay in macaamisha cusub ee ay heshay ay u kordhiyeen dakhliga soo gala, isla markaana ay soo kordhisay alaabo aan horay u oollin dukaankeeda.
Kaaho ayaa sheegtay in markii hore uu maalintii dukaanka uga soo xaroon jirtay lacag yar oo u dhaxaysa toban ilaa shan iyo toban dollar oo faa’iidada iyo lafaha ah.
Qoyskeeda oo balaalan ayay xustay in maalintii ay u heli jirtay afar doollar oo ay labo Jeer wax karsadaan, maaddaama culayska dhaqaale uu haystay.
Kaaho ayaa intaas ku dartay in maalgelinta dukaankeeda uu kor u qaaday noloshooda ay u awoodo cunno ay saddex waqti karsan karaan. Maalintiii ayay biil ahaan u isticmaalaan lacag dhan $10.
Kaaho oo ay wax u bartaan toban carruur oo dhigta dugsiga hoose iyo dhexe ayaa bishii isu geyntooda ka bixisa lacag dhan $98.
Horay waxaa uga caawin jirtay walaasheed, maddaama ay ahayd qofka kaliya ee qoyskeeda u shaqeeya oo ninkeeda uu ragga naafo ka yahay.
Lacagta la daymiyay haweenka ay Kaaho ku jirto ayaan ahayn mid go’an oo qof kasta waxaa la siinayay inta uu codsado.
Abaay Cabdiqadir Nasiib waxaa in labo mar la daymiyay lacag ganacsigeea ku maalgashato. Haweenaydan ayaa sheegtay in markii ugu horraysay bishii Juun ee sanadkan la siiyay $250.
Lacagtaas oo ay yar-yareys isaga bixisay ayaa u suuragelisay in mar kale bishii Sabteembar la siiyo $500.
Abaay ayaa xustay in goobteeda oo ay ku iibso raashinka iyo khudaarta ay ku biirisay ku biirisay alaabo badan.
“Waxaan ku soo iibshay bagaash oo dhan. Baati ha dhihin, khudaar, moos, basal, baradho, caano, malay. Wax aan soo dhaafay ma leh. Waan ku shaqaysanayaa.“
Abaay oo qoyskeeda ka kooban yahay 12 qof oo toban ay caruur yihiin ayaa sheegtay in dhaqaalaha qoyskeeda uu kordhay tan iyo markii ay heshay lacagta. Si wanaagsan ayay sheegtay inay u maarayso nolasha qoyskeeda sida biilka, arrad-beelka caruurteeda, caafimaadka iyo waxbarashada.
Siddeed carruurteeda ah oo saddex gabdho yihiin ayaa u dhigta iskuulka Goobweyn. Waxay bishii ka bixisaa lacag dhan $40, halka dugsiga Qu’raan-kana ay ka bixiso $25.
Sacdiya Xassan Muxumed oo ah guddoomiyaha ururka haweenka Heegan, waxaa hay’adda Alight ar siiyay ururkooda tababar lagu kobcinayay ganacsiga yar yar bishii labaad ee sanadkan.
Sacdiyo ayaa xustay in bil walba ay labo jeer kulmaan. Bishii waxaa ay iska qaadan qofkiiba lacag gaadhaysa $25. Waxaa lagu uruuriyaa banki qof ka mid ah leeyahay.
Shaqadaan oo ay bilaabeen bishii Maarso ee 2022 ayaa waxaa iska aruuriyeen lacag dhan $5800.
“Fadhiga sodonkeena ruux (qof) waan isku imaanaynaa. Qofkii xanuun ama cudurdaar sheegtana lacagta wuu noo soo tuuri. Xisaabtiisa isaga oo og, wixiisa la socda. Telefoon ayaan kala xidhiidhaynaa lakiin boqolkiiba boqol imaatin ayaan u badanahay. Qof haddee danba ay reebtay ma ogiye kalama hadhno.”
Sacdiya ayaa sheegtay in haweenka ah mid walba ay leedahay Buug u gaar ah oo lagu qoro lacagaha ay bixiso iyo midka ay qaadatay.
Hay’adda ayaa ku taageertay lacag $500 qofkiiba. waxaa kale oo ay siisay Sanduuq, labo Telefoon oo nooca gacanta ah iyo Kulkulleetaro ay lacagta ku xisaabiyaan. Taleefoonada iyo Sanduuqa ayaa lagu aruuriyaa lacagta ay bixiyaan haweenka.
Sacdiya ayaa xustay in lacagta shilinka Soomaaliga ah oo duugowday ay kala kulmaan caqabad dhinca isticmaalka ah.











