Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Goobweyn: Haween la daymiyay lacag maalgelin ah oo ay ku kobciyaan ganacsiyadooda

Radio Ergo by Radio Ergo
November 9, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Goobweyn: Haween la daymiyay lacag maalgelin ah oo ay ku kobciyaan ganacsiyadooda

Abaay Cabdiqadir oo dhex fadhisa dukaankeeda/Axmed Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kaaho Xasan Ibraahim oo deggan tuulada Goobweyn ee gobolka Jubbada hoose waxay ka mid tahay soddon haween ah oo uu kobcay ganacsigooda. Waxaa u sahashay markii ay heleen lacag ayuuto ah oo deyn ahaan loo siiyay si ay ugu ballaariyaan ganacsiyadooda.

Kaaho ayaa sheegtay in la siiyay sagaal boqol oo doollar oo shan boqol ay ku dhisatay dukaan shan mitir ah. Lacagta u soo hartay ayay xustay in ay ku iibsatay bagaash iyo raashin.

Qoyskeeda oo ka kooban shan iyo toban qof ah waxay noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqaalaha ay ka hesho ganacsigan yar oo dib u dhis ay ku sameysay. 

“Hadda iyo haddaaye isku mid ma ahan. haddana waxaa waaye meel dabakaayo ah oo fiican oo wax laga gadanaayo. Haddaaya bannaanka ninkii (Qofkii)  jira ma arki haynin, hadda waa la arki haayaa.” 

Goobta ganacsi ee Kaaho ayaa horay u ahayd cooshad yar oo ka samaysan geedo, baco, baakado iyo dhoobo la isu geeyey ayaa xustay in macamiishu ay ku yarayd.

Waxay tilmaamtay in macaamisha cusub ee ay heshay ay u kordhiyeen dakhliga soo gala, isla markaana ay soo kordhisay alaabo aan horay u oollin dukaankeeda.

Kaaho ayaa sheegtay in markii hore uu maalintii dukaanka uga soo xaroon jirtay lacag yar oo u dhaxaysa toban ilaa shan iyo toban dollar oo faa’iidada iyo lafaha ah.

Qoyskeeda oo balaalan ayay xustay in maalintii ay u heli jirtay afar doollar oo ay labo Jeer wax karsadaan, maaddaama culayska dhaqaale uu haystay.

Kaaho ayaa intaas ku dartay in maalgelinta dukaankeeda uu kor u qaaday noloshooda ay u awoodo cunno ay saddex waqti karsan karaan. Maalintiii ayay biil ahaan u isticmaalaan lacag dhan $10.

Kaaho oo ay wax u bartaan toban carruur oo dhigta dugsiga hoose iyo dhexe ayaa bishii isu geyntooda ka bixisa lacag dhan $98.

Horay waxaa uga caawin jirtay walaasheed, maddaama ay ahayd qofka kaliya ee qoyskeeda u shaqeeya oo ninkeeda uu ragga naafo ka yahay.

Lacagta la daymiyay haweenka ay Kaaho ku jirto ayaan ahayn mid go’an oo qof kasta waxaa la siinayay inta uu codsado.

Abaay Cabdiqadir Nasiib waxaa in labo mar la daymiyay lacag ganacsigeea ku maalgashato. Haweenaydan ayaa sheegtay in markii ugu horraysay bishii Juun ee sanadkan la siiyay $250.

Lacagtaas oo ay yar-yareys isaga bixisay ayaa u suuragelisay in mar kale bishii Sabteembar la siiyo $500.

Abaay ayaa xustay in goobteeda oo ay ku iibso raashinka iyo khudaarta ay ku biirisay ku biirisay alaabo badan. 

“Waxaan ku soo iibshay bagaash oo dhan. Baati ha dhihin, khudaar, moos, basal, baradho, caano, malay. Wax aan soo dhaafay ma leh. Waan ku shaqaysanayaa.“

Abaay oo qoyskeeda ka kooban yahay 12 qof oo toban ay caruur yihiin ayaa sheegtay in dhaqaalaha qoyskeeda uu kordhay tan iyo markii ay heshay lacagta. Si wanaagsan ayay sheegtay inay u maarayso nolasha qoyskeeda sida biilka, arrad-beelka caruurteeda, caafimaadka iyo waxbarashada.

Siddeed carruurteeda ah oo saddex gabdho yihiin ayaa u dhigta iskuulka Goobweyn. Waxay bishii ka bixisaa lacag dhan $40, halka dugsiga Qu’raan-kana ay ka bixiso $25.

Sacdiya Xassan Muxumed oo ah guddoomiyaha ururka haweenka Heegan, waxaa hay’adda Alight ar siiyay ururkooda tababar lagu kobcinayay ganacsiga yar yar bishii labaad ee sanadkan.

Sacdiyo ayaa xustay in bil walba ay labo jeer kulmaan. Bishii waxaa ay iska qaadan qofkiiba lacag gaadhaysa $25. Waxaa lagu uruuriyaa banki qof ka mid ah leeyahay.

Shaqadaan  oo ay bilaabeen bishii Maarso ee 2022 ayaa waxaa iska aruuriyeen lacag dhan $5800. 

 “Fadhiga sodonkeena ruux (qof) waan isku imaanaynaa. Qofkii xanuun ama cudurdaar sheegtana lacagta wuu noo soo tuuri. Xisaabtiisa isaga oo og, wixiisa la socda. Telefoon ayaan kala xidhiidhaynaa lakiin boqolkiiba boqol imaatin ayaan u badanahay. Qof haddee danba ay reebtay ma ogiye kalama hadhno.”

Sacdiya ayaa sheegtay in haweenka ah mid walba ay leedahay Buug u gaar ah oo lagu qoro lacagaha ay bixiso iyo midka ay qaadatay.

Hay’adda ayaa ku taageertay lacag $500 qofkiiba. waxaa kale oo ay siisay Sanduuq, labo Telefoon oo nooca gacanta ah iyo Kulkulleetaro ay lacagta ku xisaabiyaan. Taleefoonada iyo Sanduuqa ayaa lagu aruuriyaa lacagta ay bixiyaan haweenka.

Sacdiya ayaa xustay in lacagta shilinka Soomaaliga ah oo duugowday ay kala kulmaan caqabad dhinca isticmaalka ah. 

Previous Post

Mudug: Quudin ka socota 43 iskuul oo sahashay in waxbarashada lagu celiyo carruur cunno yari looga saaray

Next Post

Garowe: Dhallinyaro isku xilqaamay inay waxbarashada ka bixiyaan ardayda agoonta ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danta yar

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Garowe: Dhallinyaro isku xilqaamay inay waxbarashada ka bixiyaan ardayda agoonta ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danta yar

Garowe: Dhallinyaro isku xilqaamay inay waxbarashada ka bixiyaan ardayda agoonta ah iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danta yar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo