Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cadaado: Raashiin loo qaybiyay qoysas colaad ku barakacay oo xoolihii ay dhaqanayeen laga dhacay

Radio Ergo by Radio Ergo
October 17, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: Haween iyo carruur la dhibtoonaya saameynta colaad iyo abaar ka jirta degaanadooda

Haween iyo carruur ka soo jeeda dhowr qoys oo buush dhinacyada ka furan ku harsanaya/ Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun qoys oo ku barakacay dagaal ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Cadaado ayaa loo qaybiyay raashiin loogu talogalay in ay isticmaalaan muddo bil ah. Waa qoysas cunno yari wajahayay oo xoolihii ay dhaqanayeen laga dhacay.

Horraantii Sabteembar ayay ka soo barakaceen colaad dhexmartay Alshabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacday deegaanno hoostaga magaalada Cadaado oo kala ah Cadakibir, Dhuumoodle, Cali-wayd, Dhisaqa iyo Maygaag-doob.

Raashiinka waxaa siiyay guddi gurmad ah oo maamulka Cadaado uu magacaabay 13 Sabteembar, kaas oo dhaqaalaha ka soo uruuriyay dadka deegaanka iyo qurba joog.

Qoyska Axmed Cali Salaad ayaa ka mid ah dadka ka faa’iidaystay raashin qaybintan. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in aysan awoodin in dabka ay shitaan. Waxay la noolaayeen qaraabo ay colaadda iskala soo barakaceen.

Hadda waxa ay karsadaan raashiinkaas oo la siiyay afartii bishan, kaas oo ah 75 kiilo oo ka kooban bur, bariis, sonkor iyo saliid saddex liitar ah.

“Raashiinkaas waa ka noo laanay. Xaaladdii Ilaahay baa noo toosiyay. Waxaa la noqday dad waa u baryay oo kale camal. Waxaan ahayn dad aad u gagabaya oo dacdaraysan oo waxna aan haysan ma garatay,“ayuu yiri Axmed.”

Axmed ayaa xusay in raashiinkan la siiyay ay isticmaaleen ku dhowaad kala bar, halka inta u hartayna ay isku filneysiin doonaan labaatanka cesho ee soo socota.

Wuxuu tilmaamay in cunno yarida haysay ay u dheertahay hoy xumo oo aysan haysan wax ay ka galaan cadceedda qoraxda, dabaysha jiilaal iyo qabowga habeenkii. Xaaladaas waxay ku wajahayaan deegaanka tuulo Barwaaqo.

Axmed oo ah aabaha toban carruur ah waxa ay qoys kiisu ka soo barakaceen tuulada Dhuumoodle kowdii Sabteembar. Wuxuu sheegay in ay awoodi waayeen in ay soo rartaan aqal Soomaali hoy u ahaa, dagaal dushooda ka bilowday awgeed.

Wuxuu sheegay in Alshabaab ay ka dhacday ari sagaashan neef ah iyo siddeed geel ah. Xoolahaas ayaa ahaa waxa kaliya ee qoyskiisu ay ku tiirsanaayeen sida uu xusay.

“Maalinta la dhacayo xooluhu iyagoo maqan (Foofay) ayaa howshan dhacday. Markii sidaas xaaladdu u dhacday dadkii xoolaha ilaalin jiray waa cararay qof walbaa. Sidaas darteed xoolihiiba lama eegin nafteena ayaan la soo cararnay. Dadka qaar xoolo yar ayaa u badbaaday, qaarna waxba kuma ay reebin xataa hal neef,“ayuu yiri Axmed.”

Qoysaska soo barakacay waxay badi dageen deegaanka tuulo Barwaaqo oo magaalada Cadaado 47 km dhanka bari kaga beegan. Waxay ku doorteen ceel-riig ah oo deegaanka ku yaalla oo ay si bilaash ah uga cabaan biyaha.

Waxaa ka mid ah qoyska Shariif Axmed Faarax. Waxa kaliya ee ay ku tiirsan yihiin ayaa ah raashiin 45 kiilo ah oo la siiyay sagaalkii bishan. Muddada ay sii iticmaali karaan waa mid kooban, qoyskiisa oo sagaal qof ka kooban awgeed.

Shariif ayaa xusay in bil iyo toban casho oo ay halkan deggan yihiin in caqabadda ugu weyn ee haysata ay tahay hoy la’aan.

“Wax hoy ah ma leh, haddii hadda roob yimaado xataa baco lagu okorto ma leh waan dayacanahay. Waxay noqoto inaan aragno maahane hadda wax ugu maqanahay ma jiraan, “ayuu yiri Shariif.”

Qoyska Shariif ayaa ka soo barakacay deegaanka Cali-wayd oo 110 km u jira magaalada Cadaado shantii bishan. Wuxuu sheegay in Al-shabaab ay ka ka xaysteen dhammaan xoolihii uu dhaqanayay oo ahaa ari 150 ah, sidoo kalana ay ka duugeen sida uu xusay barkad uu biyaha ku keydsan jiray oo qaaday labo kun oo fuusto.

Xoolo la’aanta ay dhigeen ka sokow wuxuu tilmaamay in ay ku qasbeen inuu galo geeddi dheer oo dhib badan oo uusan u diyaar garoobin.

“Labo habeen iyo labo maalin ayaan soo soconay. Markaan nus-saac socono meel ayaan dagaynay, biyaan raadsanaynay, sidaas ayaan ku soo soconay. Dad waayeel ah, dad xaamilo ah iyo ilmo aan socon karin waan la hayn. Baabuur waan awoodi waynay oo wax lacag ah maanan haysan,“ayuu sheegay Shariif.”

Qoysaskan ayaa dhammaan ah xoolo dhaqato, waxayna dageen tuulooyin degmada Cadaado hoos taga oo kala ah Ardo, Dhagaxdheer, Habaaslay, Tuulo-barwaaqo iyo Carmoolay.

Maxamed Cabdi Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeenka guddigga gurmadka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska raashiinka ay siiyeen ay yihiin kuwii ugu nuglaa.

Wuxuu intaas ku daray in ka hor labaatanka October ay raashiin siin doonaan kun qoys oo kale.

“Waxa aan hadda ka gaarnay qiyaastii waa boqolkiiba toban, waana dareemi kartaa 90% ayaa dhiman. Annagu waxaan samaynay bal ugu yaraan dadka inaan dabka u sii shidno. Guddigu kuma filna inuu wax ka qabto baahida dadkan, laakiin waxa nalo xil saaray waxay aheyd abaabul iyo inay dadka ka war qabaan oo wixii ay ka sii qaban karaan ay ka sii qabtaan.

Wuxuu intaas ku daray in qoysaskan aysan baahidoodu ahayn raashiin oo kaliya, balse ay u baahan yihiin in dib u dajin loo sameeyo oo laga caawiyo hu’ iyo hoy inta aysan ka sii darin xaaladoodu.

“Xaalad adag ayaa ka jirta meeshaas. Xaaladahaas haday sii dheeraato ama aan deg deg looga jawaabin waxaa ka dhalan karo xaalado bani’aamnimo oo daran,“ayuu sheegay Maxamed.”

Maxamed ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka, dawladda Galmudug iyo dawladda federaalkaba in qoysaskan ay la soo gaaraan gurmad baahidooda ka jawaaba.

Previous Post

Dhadhaab: Qoysas ka soo qaxay Soomaaliya oo xeryaha ku wajahaya dhibaato dhanka nolosha ah

Next Post

Faafan: Beer ku taalla deegaanka Gabgabo oo il-dhaqaale u noqotay dadka danta yar iyo kuwa abaarta iyo colaadaha ka soo barakacay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Beledweyne: Boqollaal beeraley ah oo ku laabtay tacbashada markii qalabka cadceedda ku shaqeeya loogu xiray tuuladooda

Faafan: Beer ku taalla deegaanka Gabgabo oo il-dhaqaale u noqotay dadka danta yar iyo kuwa abaarta iyo colaadaha ka soo barakacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo