Beer ku taala tuulada Gabgabo oo il-dhaqaale u noqotay dadka danta yar iyo kuwa abaarta iyo collaadaha ka soo barakacay
Caasha Cabdi Askar oo ah hooyada sagaal carruur oo agoon ah, waxay nolol maalmeedka qoyskeeda ka soo saartaa shaqo ay ka qabato beer ku taala tuulada Gabgabo ee gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida. Haweeneydan ayaa ka mid ah 50 qof oo shaqo ka helay iskaashatad beeraleeyda Sheekh Muxyadiin.
Shaqadeeda ayaa ah beeridda, waraabinta iyo guridda yaanyada. Waxay bishii ku shaqeysaa $40. Lacagta ay shaqadeeda ka hesho ayaa u fududeeysay helista raashin ay carruurteeda u kariso labo waqti maalintii.
“Subixii lixda subaxnimo ayaan shaqada aadnaa, shan saac subaxnimo ayaanu ka soo rawaxnaa. Haddana waan ku noqonnaa marka aan qado cunno, waxaan ka soo baxnaa lixda galabnimmo. Sidaas ayaan uga shaqaynaa shaqadaas oo aanan kolba ka fadhiisan,” ayay tiri.
Caasha waxay ka soo barakacday dagaallo degmada Tuliguuleed ku dhexmaray, Soomaalida iyo Oromada billowgii sanadkii 2018-kii. Waxay xustay in beer hal hektar iyo bar ah oo ay ku lahayd degmadasi ay dagaalka ku wayday. Sidoo kale, aabbaha carruurteeda ayay sheegtay in lagu dilay dagaalka.
Haweeneydan ayaa xustay in shaqadan ka hor ay ku adkayd helista cunno ay hal waqti u kariso carruurteeda, maaddaama ay ku tiirsanayd shaqo nadaafad oo aan joogto ahayn oo ay ka soo qaban jirtay xaafadaha magaalada.
Caasha ayaa sheegtay in lacag ay meel ka dhigatay mushahaarkeeda ay ku soo iibsatay xoolo.
“Wax fiican ayaa i kordhay oo shaqadii lacago fiican ayaan ka helay. Lacagtii fiicnayd ee aan ka helay adduun ayaan ka iibasaday. Ari iyo lo’ ba waan ka dhaqday, xoolo yar oo fiican ayaan ka helay ilaa 15 neef oo lo’ ah iyo 30 neef oo ari ah ayaan ka iibsaday,” ayay tiri.
Caasha ayaa tilmaantay in lacag gooni ah oo ka baxsan mushahaarkeeda la siiyo marka ay beerta soo go’do. Waxay tilmaantay in saddex doolaar lagu siiyo maalinkii gurista iyo rarista yaanyada soo go’day.
Asad Maxamed Saleebaan oo ah aabbaha lix carruur ah, wuxuu ka mid yahay dadka shaqo abuurka ka helay iskaashatada Sheekh Muxyadiin. Wuxuu maalinkii labo waqti waraabiya beerta. Bishii wuxuu mushahaar ahaan u qaataa $40, taasi oo uu sheegay inay wax weyn ka beddeshay nolosha qoyskiisa.
“Markii hore waxaan ahaa bilaa camal, sidaa ayaan beertii ku tagay. Qiimihii ay mushaarka siinayeen ayaan ku heshinnay oo shaqadii ayaan sidaa ku billaabay. Farxad ayaan dareemayaa, sababtoo ah, marka aad bilaa camal tahay waxyaabo badan ayaad ka fikiraysaa, marka aad iyo aad ayaanu isaga dhibaataysnayn oo xitaa raashinka helisteeda ay dhib nagu ahayd, laakiin hadda dhibaatadii waanu ka baxnay,” ayuu yiri.
Ninkan ayaa sanadkii 2020-kii abaarta ku waayay 10 neef oo lo’ ah iyo 30 ari ah oo uu ku
dhaqanayay baadiyaha Gabgabo. Wuxuu xusay in nolosha qoyskiisa oo ku tiirsanayd xoolaha uu culeys soo food saaray, markii ay ka dhamaadeen. Qoyska xaaskiisa oo xoolaha u badbaaday ayuu sheegay inay ka caawin jireen raashin ay hal waqti dabka saartaan.
Asad ayaa sheegay in shaqadan uu mushahaarka ka sogow ka faa’iday xirfad hor leh. Wuxuu tilmaamay in hadda u qorsheeynayo in marka ay lacag u aruurto uu billaabo beer isaga u gooni ah.
“Meeshii waxaa ka soo baxay waxyaabo tusaale i noqday. Isma aan lahayn dhulkaan waa mid wax soo saar leh. Inkastoo aan iska danyar ahay oo ay beerista qarash u baahantahay, haddana waxaan ku hami weynahay oo aan qorsheynayaa inaan beer aniga i gaar ah aan sameeysto,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha iskaashatada Sheekh Muxyadiin, Mustafe Cabdalle Ibraahim ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xabuubta ka soo go’da beerta ay u iib geyaan magaalooyinka Jigjiga iyo Faafan. Iskaashatada ayuu sheegay inay ku billaabeen 10 qof. Lacagta ay ku billaabeen oo ah 70 kun oo bir ($700) ayuu tilmaamay inay dhexdooda iska soo uruuriyeen.
Mustafe ayaa xusay in dadka shaqada ka soo doonta ay u badanyihiin dadka danta yar. Dadka abaarta iyo collaadaha ka soo barakacay ayuu sheegay inay si gooni ah u tix-geliyaan codsigooda shaqo. Beerta ayuu sheegay in cabbirkeeda uu yahay shan hektar. Wuxuu tilmaamay in maalinkii ay beerta ka shaqeyaan 50 qof.
Iskaashatada uu madaxda u yahay ayuu sheegay inay qorshaynayan horumarinta iyo ballaarinta beeraha xabuubka. Wuxuu tilmaamay in sanadka cusub ay rajeynayaan inay ku soo kordhiyaan abuurkooda dalaagyo cusub oo ay ka mid yihiin basal iyo baradho.










