Ardeyda, bukaannada iyo guud ahaan dadka ayay aad ugu adkayd inay isticmaalaan waddo marta togga kala qaybiya magaalada oo marka uu biyo keeno buuxsami jiray.
Sharmaake Warsame oo dhigta fasalka afaraad ee dugsiga sare ee Xaaji Salaad ayaa sheegay in hadda uu aad ugu faraxsan yahay in la dhisay waddada togga marta oo ah jidka uu maro marka uu u socdo iskuulka. Togga oo hadda biyo keenay ayuu sheegay in uusan saamayn ku yeelan waxbarashadiisa.
“Waxaa dhici jirtay in maalmo aanan tegin iskuulka amaba aan tagi jiray aniga oo dhiiqo dharkii iskuulka naga halaysay. Marka uu roob da’ayo lama mari karin togga oo waxaa halis ah in aad ku dhacdo,” ayuu yiri Sharmaake.
Togga ayaa la saaray hal buunddo laami ah oo sahashay in si fudud ay ku maraan gawaarida iyo dadka.
“Waxay igu qaadan jirtay hal saac haddii aan gaari raacana ilaa labaatan daqiiqo haddase haddii aan gaari raaco waxay igu qaadataa toban daqiiqo,”.
Roobki deyrta ee 2021 ayuu sheegay in afar maalmood uu aadi waayay iskuulka kadib marki roob badan oo da’ay iyo togga oo biyo keenay uu waayay meel u maro. Maalmahaas waxaa jiray imitixaan, kaa soo dib loo dhigay marki dambe.
Mashruuca dhimaha wadooyinka Carmo oo ay ku baxayso lacag dhan hal milyan oo dollar ayaa inta badan waxaa iska aruuriyay dadka deegaanka halka inta kalana uu ka caawiyay maamulka Puntland.
Cabdullaahi Abshir Warsame oo ah xoghayaha gudiga dhismaha wadooyinka ayaa sheegay in marki dadku arkeen dhibaatooyinka waddo la’aanta ee deegaanka ay go’aansadeen in dhaqaale ay iska aruuriyaan oo si isku tashi ah ku dhisaan. Qaar ka tirsan dadka ayaa bixiyay dhaqaale. Dadka shaqeeya ee Carmo ku nool ayaa laga qaadaa khidmad. Dadka aan awoodin inay dhaqaale ugu deeqaan ayaa xooggooda uga qaybqaata dhismayaasha.
“Waxaa la dhammeeyay sedex marin oo dadku ka faa’ideysanayaan. Waxay dadku dhib ku qabeen togga iyo meelaha biyuhu fariistaan. Qorshuhu wuxuu yahay in la dhiso ilaa 50 kiilo mirtir oo wadooyin ah, ayuu yiri Cabdullaahi.
Cismaan Cali ayaa sheegay in roobki gugi ee sanadki 2021 in haweenay qaraabo ay yihiin foolatay xilli roob badan uu da’ay toggana aan la mari Karin, taasi oo muddo laba maalin kadib ah loo qaaday magaalada Qardho oo uu kaga baxay qarash iyo wakhti.
“Xaaladdeeda caafimaad way ka sii daraysay isbitaalki meel maro ma lahayn, marki welwelka nagu batay ayaan qaadnay si aan u badbaadinno nafteeda iyo ilmaha. Dhikaas hadda meesha waa ka baxay cabsi kama qabno,” ayuu yiri Cismaan










