Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Galmudug: Beeraley dhaqaale la’aan awgeed uga rajo dhigay tacbashada beeraha

Radio Ergo by Radio Ergo
October 20, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news, Humanitarian news, Somalia latest news

Keydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka tirsan beeralayda gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaan abuur la’aan darteed wax u beeran xilli roobaadkan Dayrta. Roob yarida awgeed afartii xilli roobaad ee la soo dhaafay wax dalag ah ugama soo go’in beerahooda.

Maxamed Xasan Cali oo beer saddex hektar ah ku leh deegaanka Gidhays oo 10 km u jira degmada Cadaado, wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in beertiisa uu tacbi jiray xiligaan oo kale. Dalagyada ugu badan ee uu beeran jiray ayaa ahaa qare, digir, masaggo iyi galley. Wuxuu tilmaamay in sababta uusan dowrka wax u beeray in ay tahay faro-marnaan dhaqaale.

Ninkan oo wax-soo-saarka beerta beertiisa ka maarayn jiray qoys 12 qof ka kooban ayaa horay ugu qasaaray labadii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu sheegay in uu awoodi waayay in uu mar shanaad abuur helo maaddaama uusan haysan kayd miro ama lacag lagu soo iibiyo.

“Sanadkan haddii aanan caawinaad helin wax aan ka qaban karo lama arko. Ood la’aan, abuur la’aan, qarash la’aan wax aan ka qaban karo lama arko. Deyn kuma soo qaadan karo oo tii horaan u xiranahay. Marka wax rajo ah kama lihi. Walwalka ay igu hayso wax la soo koobi karo maahan, dhaqan kalana maaqaan. Xoolo kasta haddii la I siiyo kuma noolaan karo. Allaah xarig ha noo xiro,” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed oo beer falashada soo waday 40 sano ah ayaa sheegay in weli aysan beertiisu nacfi la’aan noqon muddo intaas la’eg. Wuxuu xusay in abuurka ka qasaaray uu u iibinayay nin ay qaarabo yihiin oo ganacsi ku leh magaalada Cadaado.

Ninkan oo haystay 50 neef oo ari ayaa sheegay in si uu isaga kale yareeyo deynta uu iibiyay siddeed orgi oo xooloaha u roonaa. Wuxuu timaamay in lagu leeyahay lacag kale dad kala duwan uu raashin uga soo qaatay, isla markaana uusan haynin qorshe uu ku bixin doono.

“Deynta $500 hal nin ayaa igu leh. Midda kale haddii la isku daro waa $750. Dadku waxay i yiraahdaan war Muslim haddii aad tahay waxannaga na sii. War beertii ma bixin ayaan dhahaa, wixii aan idinka soo qaadayna waa qasaareen. Xoolaan ku bixiyo ma hayo.”

Maxamed ayaa dhanka kale ka walaacsan bacaad badan oo ka dhex bidaya beertiisa ay abaartu saameysay. Wuxuu aasay ooddii xoolaha ka dabooli jirtay. Wuxuu sheegay in xilligaan beertiisu tahay meel banaan oo bacaadku qariyay. Waxay horseedday inay hoos u sii dhigto rajadiisa uu ka qabay dib u tacbashada, maaddaama aysan lahayn xayndaan xoolaha ka celiya.

Beeralayda ayaa marka laga tago inaysan tacab haysan ka siman inay ku qasaaraha soo gaaray dalagyadii ay beeraha ka filayanayeen.

Caasho Maxamed Warsame oo 58 sano jir ah waxaa iyada iyo qoyskeeda labo iyo toban qof ah ay beer shan hiktar ah ku leeyihiin deegaanka Camaara oo 200 oo Km koofur bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Waxay Caasho wajahaysaa khasaaraha dallagyadii sisinta, qaraha, yaanyada, babayga, digirta, gallayda iyo masaggada ahaa ee ay abuurkooda dhulka gelisay afartii xilli roobaad oo la soo dhaafay. Waxay filaysay in wax-soo-saar fiican ay ka heli doonto, laakiin biyo yari ayaa ka qallajisay dalagyada.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in beerteeda ay markii u dambeysay ay gelays $570 oo isugu jiray carro geddinta iyo dalagyada ay abuurtay. Caasho ayaa tilmaamtay in reerkeedu uu saaran yihiin

dukaan uu leeyahay walaalkeed oo deyn loogu qoro. Waxay xustay in lacagta lagu leeyahay ay sii mareysto $620 oo ilaa bishii – ay raashin ku qaateen.

“Deyn ayaan ku nool nahay oo xitaa sanadkaan na la yiri ama xoolo soo gada ama carro kale u qayliya ee dayntii keena. Weli waxba ma bixin, maba haynee. Keyd hore ma haysan oo hadda dadkaan faro ku dhuxulaa la yiraahdaa oo wax keyd ah oo ka dhigma ma lahan.” ayay tiri Caasho.

Beertu waxay u ahayd qoyska Caasho il-dhaqaale oo ay si weyn ugu tiirsan yihiin. Waxaa waxbarashada loo bixin jiray lix carruurta ah oo midkiiba laga qaadi jiray $6. Waxay xustay inay dhiganayeen dugsiga hoose/dhexe ee Camaar oo macalimiintu ay u oggolaadeen inay weli sii dhigtaan.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in dallagyada marka ay u soo baxaan ay ka heli jirtay lacag gaareysa $2,300.

Caasho ayaa hadda ah qofka keliya ee u dhaq-dhaqaaqa qoyskeeda. Waxay subax kasta dadka u qashaa neef ari ah oo ay ka hesho $4-5. Waxay xustay inay ku maareyso adeegga yaryar ee ay u baahan yihiin iyo caano hal koombo ah oo ay subaxdii u soo gaddo hooyadeed oo waayeel ah.

Waxay intaas ku dartay in saygeedu uusan shaqayn markii sanadkii hore laga helay xannuunka qaaxada. Haweenaydan ayaa sheegtay in aysan garanayn shaqo kale oo ay rajo ka qabaan in mar uun ay beertoodu ku soo laaban doonto xiligii barwaaqada.

Saciid Cabdi Axmed oo ah guddoomiyaha iskaashao beeraleyda Asal oo ay midaysan yihiin kun qoys oo beeraley ah oo deggan gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dhaqaale yarida beeraleyda haysata ka sokow uu abuurku qaali noqday.

Wuxuu intaas ku daray in digirta oo gobolka Galgaduud aad uga baxda 50 kiilo ay marayso $95 taas oo ku adag in beeralaydu ay gartaan.

Siciid ayaa sidoo kale sheegay in sababaha uu dalaggu uga qasaarayo beeralayda ay iyagu qayb ka yihiin, maaddaama aysan helin tababar ku saabsan beerashada iyo xeeladaha dalaga lagu bedbaadsan karo.

“Sanad walba abuur ayaa la soo iibiyaa iyada oo aan roobkii la gaarin. Roobkii marka uu soo dhow yahay abuurkii dhulka la galiyo iyada oo lacag qaali ah laga soo bixiyay waxaa macquul ah in roob yar oo qabow ah uu ku da’o meeshii, ka dib roob kale la waayo, abuurkiina uu saas ku qasaaro. Arrirtaas marka waxay dhacday xilli roobaadyadii la soo dhaafay”.

Siciid ayaa tilmaamay in markii ay arkeen xaaladda ay dadkaan ku sugan yihiin ay la wadaageen Hay’adaha ka shaqeeya beeraha iyo wasaaradaha beeraha Galmudug iyo Fedraalka balse aan arrinkooda weli laga soo jawaabin.

Previous Post

Dadka ku nool magalaada Carmo oo isku tashi ah ku dhistay wadooyin muhiim ah oo xilli roobaadka dhibaato ay ku qabeen.

Next Post

Beledwayne: Ganacsatadi ku hanti beelay qaraxyadi ka dhacay magaalada oo ku nool deyn iyo caawimaad

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Beledwayne: Ganacsatadi ku hanti beelay qaraxyadi ka dhacay magaalada oo ku nool deyn iyo caawimaad

Beledwayne: Ganacsatadi ku hanti beelay qaraxyadi ka dhacay magaalada oo ku nool deyn iyo caawimaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo