(ERGO) – Axmed Abuukar Cabdulle oo qayskisu ka kooban yahay 12 qof oo10 carruur yihiin ayaa reerkiisa ay la degan yihiin qoys kale oo ay daris la’ ah kadib marki laba toddobaad ka hor uu ka gubtay guri laba qol ah oo lahaa. Axmed ayaa ka mid ah 50 qof oo ganacsatada ah, oo goobihi ganasiga ay kaga burbureen qaraxyadi ka dhacay magaalada Beledwayne 3- bishan.
Qoyska Axmed ayaa hadda ku tiirsan raashin iyo lacago ay iska soo aruuriyeen dad ehelkiisa ah. Subax walba wuxuu aadaa suuqa asaga oo tagaya goobaha ganacsiga si uu uga helo shaqo.
Axmed oo guud ahaan agabki yaallay guriga ay ka gubteen ayaa hadda degan qol uu ku caawiyay nin ay daris yihiin.
“Guriga koronto ayaa ka kacday, qolkii oo gubanayo ayaa la arkay waa loo soo gurmaday, waana la damin waayey. Labadii qol iyo laabtii taallay wax ka haray malaha. Habeen ayuu kacay, xilliga salaadda cishe lagu jiray ayay ahayd. Wax laga badbaadiyey maleh,” ayuu yiri Axmed.
Axmed Abuukar Cabulle oo 48 saac ku waayey guud ahaan hantidiisa ayaa biishi 250 doollar ku biixn jiray biilka iyo waxbarashada carruurtiisa balse maanta hal dollar ma heli karo.
Afar ka tirsan caruurtiisa oo laba ay dhigataan dugsiga sare iyo laba dugsi dhexe ah ayuu ka bixin jiray 65 doollar bil walba. Tukaanka ayuu sheegay inay taallay alaab qiimaheedu dhan yahay 8,000 kun oo dollar. Sedex kun oo ka mid ah lacagtaas ayaa ahayd deyn oo rajanayey in uu iska bixiyo markay u gadanto.
“Saamaynta waa dareemi kartaa. Qof saaka hanti lahaa oo soo shaqo tagay oo dukaansiisa furanayey, oo guri weyn lahaa oo labadii ka baabe’een laakiin wax walba waan ku qanacsanahay qadarta Rabbi, gurigiina wali ma dagin,” ayuu yiri.
Farxiya Muxumed Warsame, oo goob lagu qurxiyo dumarka ku lahayd suuqa uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegtay in gabi ahaanba ay burburtay xarunteeda. Nolasha qoyskeeda oo ka kooban sagaal qof ayaa laba toddobaad ku tiirsan raashin deyn ah oo ay ka soo qaadatay tukaan uu leeyahay qof ay qaraabo yihiin.
Dhaqaalaha ay ka hesho xaruntan ayay nolal-maalmeedka iyo waxbarashada uga bixin jirtay shan carruur ah oo ay dhashay iyo 3 wiil oo walaalaheed oo ay ka keentay miyiga si ay wax u bartaan.
“Waad u jeeddaa meel cidlo ah ayaan joogaa. Waxay ahayd meesha kaliya ee il dhaqaale ii ahayd. Anigoo yar ayaan bartay cillaan saarka. Wixii aan lahaa oo dhan hal maalin ayaan waayay,” ayay tiri farxiyo oo dhex fadhida dhismaha xarunta burburtayqaraxa.
Farxiyo oo ku waday qaraxa sagaal kun oo dollar ayaa sheegtay in muddo sideed bil ah ay ku shaqaysanaysay. Qoyskeeda ayaa maalintii bilan jiray 6 doollar. Waxay sided bil ka hor ka soo guurtay magaalada Garoowe ooay ku lahayd xaruntan oo kale.
“Guriga ayaan iska jooga. Markaan meesha imaado calool xumo iyo murugo ayaan ka qaadaa. Dadkii dhaqaalaha lahaa waa hagaajisanayaan laakiin aniga dhaqaalo aan dib u dhis ugu sameeyo ma hayo Alle ayaan sugaynnaa,” ayay tiri Farxiyo.
Sedex carruur ah oo dhigta iskuulka hoose dhexe iyo mid dhigta dugsiga sare ayay sheegtay in bishan aysan u ahayn lacagta waxabarashada oo ay bishi ka bixiso 50 doollar.
Goobteeda ganacsi ayaa ka koobnayd qaybta qurxinta dumarka sida cillaan saarka, hagaajinta timaha, make up-ka iyo qayb lagu galo sawirrada. Waxay si joogta ah uga heli jirtay lacag 30 doollar oo faa’ido.
Waxay tababbarro bilaash ah siisaa haweenka ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee aan awoodin inay iska bixiyaan lacago lagu barto xirfadaha.
“Aniga waan joogay qaraxii koobaad markii uu dhacay hoos ayaan u dagay. Waxaan hilmaamay moobilka kadib ayuu qaraxa labaad dhacay miraayadaha iyo al-waaxda ayaa igu soo dhacay. Laba maalin ayaa dhig matagayey,” ayay tiri.
Dadka kale ee ay arrintan saamaysay waxaa ka mid ah Eng Bashiir Xuseen Sebriye oo xarun lagu iibiyo qalabka ku shaqeeya korantada ku lahaa suuqa. Bahsiir wuxuu sheegay in alaab qiimaheedu dhanyahay shan iyo labaatan kun oo dollar ay ku baaba’day qaraxa.Qalabka uu iibin jiray ayuu ka soo qaaday ganasata oo uu u cddeyn jiray.
“Noloshayda iyo qoyskeygaba ganacsigan ayay ku tiirsanaayeen. Muddo laba toddobaad ah shaqo la’aan ayaan ahay. Meesha gabi ahaan waa burburtay, kolleey waxaa badbaaday ayaan dhihi karaa waa buugaag laakiin waxii jabayey oo dhan waxba kama badbaadin sida kombiyuutarrada, printarradi iyo sabbuuradihi,” ayuu yiri Bashiir.
Sideed carruur ah oo uu dhalay oo dhigta iskuulka hoose dhexe ayuu biilkooda iyo waxbarashadooda ayuu ka maarayn jiray dhaqaalaha ka soo gala xarunta ganacsi ee ka burburtay. Hadda waxay isticmaalaan 200 oo dollar oo uu ku caawiyay walaalkii oo ku nool dalka Mareykanka.









