Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Luuq: Dhallinyaro qoysaskoodu ay cunno yari ka soo kabanayaan markii ay shaqo heleen

Radio Ergo by Radio Ergo
October 25, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
100 ka mid ah maxaabiista Boosaaso ku xiran oo helay tababar xirfado

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Macalin Cali oo 29 jir ah wuxuu raashin labo waqti u helaa qoyskiisa oo saddex qof ah. Waxaa u sahlay markii magaalada Luuq uu ka billaabay shaqada dhismaha guryaha, taas oo uu markii hore ka qaban jiray deegaanka Ceelboon ee gobolka Bakool.

Shaqadan oo Luuq ka wado tan iyo bishii Abriil ee sanadkan waxaa maalintii ka soo gala lacag u dhaxaysa 150,000-200,000 oo shillin Soomaali, taasi oo meesha ka saartay culeyskia raashin yarida ee qoyskiisa haystay.

“Ciddayda markii aan ka soo tagayay wax dariska laga soo qaaday iyo wax qof Islaam i daymiyay iyo marmar qadada iyo cashada helaayaan ayay ahaayeen. Markii aan aniga shaqada aan billaabay maasha Allaah.”

Qoyska Maxamed waxay weli deggan yihiin tuulada Ceeldameer oo hoos tagta deegaanka Ceelboon ee gobolka Bakool.

Shaqadan ayaa halkaas uga istaagtay markii dadka deegaanka ay dareemeen dhaqaale yari ka dhalatay saameynta abaarta, taas oo ku dhalisay inuu shaqo u soo raadsado degmada Luuq.

Maxamed ayaa xusay in celcelis ahaan todobaadkii uu shan cisho dhismaha ka shaqeeyo. Wuxuu dhisaa guryaha bulukeetiga iyo dhista ah. Ninkan ayaa tilmaamay in ay shaqadan ay u tahay isha kaliya ee dhaqaale ee uu reerkiisa ku tiirsan yihiin.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inuu ku han weyn yahay sidii uu qoyskiisa u soo dajin lahaa magaalada Luuq, sabab la xiriirta in dhaqaalaha uu helo uusan u qeybsamin.

“Afar bilood camal ayaan halkan ka shaqeynayay. Dhibaatadii aan deegaankeyga ugu soo cararay weli way taagan tahay. Abaarta marba marka ka sii dambeysa horay ayay u sii kordheysaa. Marka saddex bilood oo hadda ka dambeyso haddii aan shaqeysto waxaan go’aansaday inaan reerkii soo rarto, maaddaama aanan labo meelood ku wada noolaan karin, gobolkiina abaarta ku kordhinsan tahay.”

Maxamed ayaa sheegay in lacagta uu helo uu u beeqaamiyo biilka qoyska oo todobaadkii ah 600,000 shillin soomaali ah iyo kirada

qol baraako ah oo ay ku deggan yihiin labo qof, taas oo bishii ay uga baxdo $8.

Muddo sagaal bil ah oo uu baagamuundda ahaa ayuu tilmaamay in qoyskiisu uu ku tiirsanaa cunno ay ka helayeen dariska iyo lacag uu soo daynsaday taasi oo $64 weli looga leeyahay. $231 ayay gaartay daynta oo inta kale uu bixiyay intii uu shaqadan waday.

Maxamed wuxuu ku jiraa 45 dhallinyaro ah oo si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda fursado shaqo uga soo raadsaday magaalada Luuq. Waxay da’doodu u dhaxeysaa 25 jir ilaa 35 jir.

Qaar dhallinyarada ah ayaa qoysaskooda Luuq barakac ku yimaadeen. Waxay bilaabeen in ay raadiyaan shaqooyin si ay xal ugu helaan maareynta culeysyada qoysaskooda ku haysta xeryaha barakaca.

Waxaa ka mid ah Cabdullahi Daahir oo 25 jir ah. Wuxuu sheegay inuu xal u helay cunnada sagaal carruur oo ay wada dhasheen.

Cabdullahi ayaa xusay in bishii Abriil oo ay xerada yimaadeen uu helay shaqada dalab qaadaha ee maqaayadaha. Wuxuu tilmaamay in lacagta uu maalintii heli jiray ay qoyskooda ugu filnayd in hal waqti ay dabka wax saartaan.

Wax ka yar bil oo uu ka shaqeynayay maqaayadda ayuu sheegay inay u soo baxday fursad shaqo oo dhismaha guryaha ah taas oo u horseedday in ay quraac iyo casho xiriir helaan qoyskiisa.

“Markii aan faryaamada ku biiray maasha Allah. Maqaaydda waxaan ka qaadanayay sideetan kun oo quraac iyo qado iyo casho aan gaarayn. Inay quraac keliya helaan oo qadada xitaa shaax karsan ayaa dhici jirtay oo habeenkio shaax cabaan. Markii aan shaqadaan helay qado iyo quraac inay helaan ayaa macquul ah.”

Bishii May ee sanadkan ayuu billaabay shaqada dhismaha guryaha oo uu aqoonteedu horay u lahaa.

Qoyska Cabdulaahi oo yimid degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay ayaa ka baxay hoy la’aan ku haysatay xerada Wadajir ee magaalada Luuq. Wuxuu u dhisay aqal cowshad ka sameysan oo ay uga baxday lacag dhan $90, taas oo uu ka shaqeeyay dhismaha.

Wuxuu sheegay in markii hore ay ku jireen aqal ay lahaayeen qoys ay qaraabo yihiin oo ay soo dul-dageen.

“Dadkamarkii aan la degganeyn muddo afar bil ah aniga waan xisaabtamay. Lacag aan shaqeeyay ayaan meel dhigay. Faryaamada dhibkeeda ayaa badan. Maalin waa la shaqeynayaa, maalin lama shaqeynaayo. Isbuuci waxaa laga yaabaa in labo maalin laga shaqeeyo, marka lacagtii aan aruuriyay ayaan wax ku soo gaday oo geedo.”

Shaqada ayuu Cabdullaahi Sidoo kale lacagta uu helo ayuu qeyb iskaga bixiyaa waxbarashada iskuul lagu barto luuqadaha iyo xisaabta. Waxaa iskuulka oo ku yaalla xerada ay deggan yihiin agteeda bishii laga qaadaa $10.

“Maaddaama waddankii (deegaankii) aan ku noolaa aan an wax ka baran waxay igu qasabtay inaan habeenkii waxbarto. Kolkii hore markii Af-Soomaali la igu la hadlo xitaa qoristiisa caadi kuma ahayn. Hadda Af-Soomaali waan qori karaa, xisaab waan qori karaa. Waxaa la dhahay aqoon la’aan waa iftiin la’aan. Waxaa fiican in abaarta keliya aan la fiirin oo qofka dhalinyarada ah uu xisaabtamo. Mustaqbal ayaa la rabaa. Aniga hadidi aan abaar fiiriyo oo aan waxbaran waxaan dareemayaa inaan ahay jaahil. Waxaan ku xisaabtamay wixii aan ku shaqeeyo inaan habeenkii wax ku barto”.

Cabdullahi waxaa u sahlay in uu magaalada Luuq uga shaqeysto xirfadda nin ay ehel yihiin oo ah injineer ay u shaqeeyaan saddex iyo toban dhallinyaro ah oo uu ka mid yahay. Xirfadda dhismaha guryaha ayuu markii hore ka qaban jiray degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay.

Dhallinyarada dhismaha uga shaqeysta magaaladii Luuq oo ay soo barakaceen ayaa muuqaal fiican ka bixinaya sidii loo yarayn lahaa cunno yarida haystata qoysaska barakacay iyo ka maarmidda ku tiirsanaanta gargaarka ay hay’aduhu bixiyaan oo aan joogto ahayn.

Previous Post

Beledwayne: Ganacsatadi ku hanti beelay qaraxyadi ka dhacay magaalada oo ku nool deyn iyo caawimaad

Next Post

Nugaal: Qoysas malabka shinida gadan jiray oo abaartu ay saameysay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhaqashada shinida oo Galgaduud ku sii badanaysa

Nugaal: Qoysas malabka shinida gadan jiray oo abaartu ay saameysay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo