Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nugaal: Qoysas malabka shinida gadan jiray oo abaartu ay saameysay

Radio Ergo by Radio Ergo
October 26, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dhaqashada shinida oo Galgaduud ku sii badanaysa

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Muuse oo ku nool deegaanka Cambarre oo ka tirsan degmada Eyl oo ka shaqaysta malabka shinnida oo uu jabsan jiray ayay roob yaridu saamaysay.

Ninkan oo xoolo dhaqato ah ayaa malabka ku biili jiray qoyskiisa balse hadda xoolihi iyo malabkiiba waa uu waayay, taas oo sababtay in kaydki lacageed oo ka sameeyey shinnida uu ka dhammaado oo uu ku noolaado, in uu qaato deyn si uu cunto ugu helo qoyskiisa oo ka kooban 7 qof oo shan carruur tahay. Malabka shinnida ayuu heli jiray xilliga barwaaqada laakiin roobki guga oo yaraa ayaa sababay in uu yaraado malabaki.

“Xoolihi waa caatoobeen wax la iibiyo maleh. Booski lagu kafayn jiray waa bannaanyahay. Baahidi waa taagantahay. Xaal mastuur, deyn iyo duruuf lama dheregaan ah ayaa lagu jiraa. Raashinka hadda ciriiri buu nagaga jiraa. Waana qaali oo cuntadu waa kacday,” ayuu yiri Maxamed Muuse.

Maxamuud oo shan iyo toban sano ka shaqaysanaya malabka ayaa sheegay in bishi July ee sanadkan ay ugu dambasay malab uu jabsado. Xilligaas oo uu helay 8 kiilo oo ku iibsaday laba boqol oo dollar oo uu ku kabay nolosha qoyskiisa.

“Muddo shan bil ah oo wakhtigi aad u kululaa, raashin sedex haaf ah iyo caag salid ah ah ayaan qaadannay oo aan ku tiirsanayn. Kaar ayaan la ahayn oo suulka la saari jiray, annaga wuu noo shaqeeyey laakiin dadka qaar ayuu u shaqayn waayay,” ayuu yiri Maxamed Muuse.

Sanadki 2021 wuxuu haystay 150 neef oo ari ahaa iyo 15 neef oo geela. Ariga waxaa uga harya 50 neef halka geela ay ka joogaan 10 oo aan waxba u goyn balse uga baahan kharash iyo biil si u badbaadiyo.

“Arigaasi gaajo ayuu u le’day. Intiisa badan wuxuu dhammaaday bishii sidaad ee sanadkaan. Hadda xaaladda qoyskaygu way adagtahay. Carruurtayda waxaa soo wahay tabar darri maadama xoolaha ay ku tiirsanayeen meesha ay ka baxeen,” ayuu yiri Maxamed Maxamud Muuse.

Shinnida ayaa xilliga roobka samaysa malabka balse wuxuu diyaar noqdaa marka laga baxo xilli roobaadka. Dadka malabka jabsada ayay muddo ku qaadataa inay helaan. Waxaa laga helaa meelaha qararka iyo dhagaxaanta. Si ay malabka u helaan ayadaoo wax dhibaato ah kala kulmin shinniada ayay ku shidaan dab.

Maxamed Daahir Muuse waxa uu ka mid yahay xoolo dhaqatada gobolka Nugaal. Qoyskiisa ayaa ku tiiranaa dhaqashada xoolaha iyo malabka. Qoyskiisa ayaa ka kooban 8 qof oo lix carruur tahay. Waxaa lagu leeyahay lacag dayn ah oo dhan 1500 oo doollar oo ku baday masruufka carruurta iyo xoolaha oo biyo loogu dhaamiyo.

“Waxaan xoolo ka lahaa 60 neef oo Ari ah oo kali ah. 20 ayaa iiga haray waa Alxamduliha Rabil Caalamiin. Mahan kuwo wax ka gadmayaan waa caato. reerkaygu hadda waxa uu ku tiirsanyahay dayn,” ayuu yiri Maxamed Daahir.

Waxaa jira in qaar ka tirsan qoysaska abaaruhu saameeyeen ay helaan gargaar u badan lacag loogu shubo teleefannada gacanta balse qoyska Maxamed Daahir ma helin fursadan.

Axmed Cabdisalaan oo 10 sano ka shaqaysanayay la soo bixidda malabka ayaa sheegay intii biyo yarudi jirtay ay adkaatay in la helo malabaka. Qoyskan ayaa labadi il dhaqaale ee xoolaha iyo malabka waxaa ka saameeyey abaarta oo ka dhalatay roobka oo xilligisi la waayay. Laba tiro oo ari ahaa waxaa uga so haray 30 neef. Halka 80 oo geel ahaa ay ka joogaan 30 neef oo uga baahan biyo iyo baad in uu u gado.

“ Waxaan caawimaad 80 doollar ah ka helaa mid ka mid ah hay’adaha gargaarka. Waxay ii goysaa raashinka qaar. Naguma filna laakiin meel cidlo ah ayay dhaantaa. Sedex bil ayaan qaadanay labana way noo hartay. In uu istaago ayaa laga yabaa oo waa shan bil,” Ayuu yiri Axmed.

Qoyska Axmed oo ka booban 7 qof oo shan carruur tahay ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid sii xumaanaysa.

Previous Post

Luuq: Dhallinyaro qoysaskoodu ay cunno yari ka soo kabanayaan markii ay shaqo heleen

Next Post

Kismaayo: Dumarka ka shaqeeya Marwo Caafimaad oo reer miyiga gaarsiinaya daryeel caafimaad iyo wacyigelin

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Kismaayo: Dumarka ka shaqeeya Marwo Caafimaad oo reer miyiga gaarsiinaya daryeel caafimaad iyo wacyigelin

Kismaayo: Dumarka ka shaqeeya Marwo Caafimaad oo reer miyiga gaarsiinaya daryeel caafimaad iyo wacyigelin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo