Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kismaayo: Dumarka ka shaqeeya Marwo Caafimaad oo reer miyiga gaarsiinaya daryeel caafimaad iyo wacyigelin

Radio Ergo by Radio Ergo
October 27, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: Dumarka ka shaqeeya Marwo Caafimaad oo reer miyiga gaarsiinaya daryeel caafimaad iyo wacyigelin

Qoraalka sawirka: Xaawo Cali oo ka mid ah dumarka ka shaqeeya Marwo Caafimaad waxay maalin walbo booqataa 15 ilaa 20 qoys/Axmed Cabdi Maxamed/Ergo

3
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaawo Cali Maxamed waxay nolosheeda iyo tan qoyskeeda ka maareysa mushahaar ay ka qaadato shaqo caafimaad oo ay si maalinle ah uga qabato xaafadda Kuuba ee magaalada Kismaayo. Waxay bishii ku shaqeysaa $114.

Shaqadan ka hor, waxay nolosha qoyskeeda oo ka kooban 11 qof ku tiirsanayd caawinaad ay ka heli jireen wiil adeerkeeda dhalay oo ku maqan dibadda. Maalinkii ayay sheegtay inay ku adkayd helista raashin ay saddexda waqti karsadaan.

“Dhaqaalaha naga soo galo waxay naga caawiyaan carruurta waxbarashadooda iyo waxyaabaha markaas reerka ka dhiman. Wixii la sii haystay ayaa lagu kabtaa. Hadda oo kale, markan shaqada billaabay carruurta waxaan ku sii daray waxbarashada oo aan ardaygii $15 ka bixiyo,” ayay tiri.

Xaawo oo ay kala tageeen aabbaha carruurteeda waxay ka mid tahay 107 haween oo loo qaatay barnaamij lagu magacaabo Marwo Caafimaad, kaasi oo loogu talagalay in adeegyada caafimaadka lagu gaarsiiyo dadka aan ku xirnayn isbitaalada. Waxaa la tababarayay muddo 11 bilood ah, laga soo billaabo bishii Oktoober ee 2021-kii, ilaa bishii Septmeber ee sanadkan.

Waxaa ay ku qoran tahay laba boqol oo qoys oo degan xaafada Kuuba ee magaalada Kismayo, kuwaasi oo ku diiwaaan gashan telephone si gaar ah loogu tababaray.

“Qoyska markaad soo boqoto wacyi gelin ayaad samaynaysaa, si guud ahaaneed. Wacyi gelin gaar ah oo waxaa jirta xanuunada la kala qaado, kuwa aan la kala qaadin iyo xanuunada faafo ku saabsan. Hadda Kismayo oo kale waxaa ku badan xannuunka Malaria. Waxaan dadka ku wacyi gelinnaa inay guryaha iska buufiyaan oo ay isticmaalaan mara kanneeco joogta ah,” ayay tiri.

Xaawo waxay subax walbo boqataa 15 ilaa 20 qoys oo ka mid ah qoysaska. Dadka aysan xaaladooda caafimaad wax ka qaban karin ayay u qortaa warqad si ay ula tagaan xaruunta caafimaad ee ugu dhow.

Gabdhaha ka shaqeeya Marwo Cafimaad ayaa la siiya daawada looga hortago fuuq baxa shuban biyoodka. Kiniini loogu tallagalay in dhiiga haweenka uurka leh kor loogu qaado iyo shaybaar yar oo lagu baaro xanuunka Malari-yada.

Xaawo ayaa sheegtay in goobaha cafimaadka ee Kismaayo ay u gudbisay 45 haween oo xaamilo ah oo ay dhiig yari haysay iyo 60 carruur ah, tan iyo billowgii bishan. Waxay tilmaantay inay caqabado kala kullanto, bulshada ay adeega u fidinayso.

“Soomaaliya cafimaadka waxba laga ma fahansano. Gabadha markaad u tagto waxaa laga yaabaa inay ku dhahdo, xagee ka socotay. War aniga barnaamij cafimaad baan wadaa markaad dhahdo, waxay ku dhahaysaa cafimaad maxaa looga baahan yahay, annaga farmasiyada ayaan ka adeegannaa. Bulshada qaar waxay ku leedahay aniga ayaad rabtaa in aad madaxayga lacag ku cunto,” ayay tiri.

Laba boqol oo dumar ah oo ay Xaawo ka mid tahay ayaa u tartamay barnaamijka Marwo cafimaad.

Fardowsa Maxamuud waxay ka mid tahay haweenka aan ku xidhnayn xaruumaha cafimaadka ee magaalada Kismayo. Waxay sheegtay in faa’iido badan ay ka heshay barnaamijka Marwo Cafimaad. Waxay xustay inay ku xidhantay goob cafimaad oo ku taalla xaafadda Kuuba oo ay deggan tahay, markii ay wacyi gelin ka heshay gabdhaha ka shaqeeya barnaamijkan.

Fardowsa oo hal isbuuc ka hor ummushay curudkeeda ayaa sheegtay in waalidkeed kula taliyeen inay ku ummusho guriga ummuliso dhaqameed oo ku yaalla xaafadda ay deggan tahay. Wiilkeeda oo markii uu dhashay aan qaadan wax tallaal ah ayaa kooxdda ka shaqaysa Marwo Cafimaad ku wacyi galiyeen inay siiso tallaalka, si cafimaadkiisa u noqdo mid sugan.

“Waxay igu la talisay inaan cunugga naaska si fiican u siiyo oo aanan siin caanno booro. Waxaa kale oo ay igu tidhi inta aad naaska nuujinaysid, waa in aad isticmaasha qudaar fiican,” ayay tiri.

Fardowsa oo ka mid ah dadka danta yar ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa sheegtay inay san faham fiican ka haysanin ahmiyada cafimaad ee ay leedahay in iyada iyo ilmaheedda yarba ay ku xidhnaadan xaruun cafimaad, balse hadda ay ku baraarugtay.

Abshir Yuusuf oo ah madaxa barnaamijkan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in adeegaan cafimaad ee cusub loogu talla-galay dad badan oo aan ku xidhnayn xaruumaha cafimaadka oo ku sugan xaafadaha.

“Xarumaha cafimaadka waa sax adeeg aasaasiya ayay bixinayaan, lakiin haddana dadka tagaya iyo dadka aan tagaynin, dadka aan tagaynin ayaa badan. Dadka inta badan guryaha ayay iska joogan. Haweenka uurka leh guryaha ayay ku dhalaan,” ayuu yiri.

Barnaamijka Marwo Caafimaad oo ay ka faa’idaysanayaan 20,000 oo qoys oo ku kala nool degmooyinka Dhoobley, Kismaayo, Baardheere iyo Degmada Dollow ayaa waxaa wasaaradda cafimaadka ka caawinaya Bankiga adduunka. Wuxuuna soconaya ilaa sanadka 2025-ka.

Previous Post

Nugaal: Qoysas malabka shinida gadan jiray oo abaartu ay saameysay

Next Post

Goobweyn: Iskaashato loo maalgeliyay beeraha oo saddex sano kaddib suuq geeyay dalag ay dhaqaale fiican ka heleen

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Beeraleyda Shabeellaha hoose oo ka faa’ideysanaya abuur lagu horumariyay dalka

Goobweyn: Iskaashato loo maalgeliyay beeraha oo saddex sano kaddib suuq geeyay dalag ay dhaqaale fiican ka heleen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo