(ERGO) –Nuur Mukhtaar Maxamed oo ah 46 jir deggan Goobwayn wuxuu markii ugu horreysay dajiyay qoyskiisa oo 10 qof ah guri uu leeyahay 3 bishan Oktoobar. Wuxuu ku iibsaday dhaqaale uu ka haley dalag uga soo go’ay beer loo maalgaliyay horraantii bishii Juun ee sanadkan.
Guriga oo ka kooban labo qol wuxuu ka sameysan yahay geedo, dhoobo iyo Jiingad. Lacag dhan $1,000 ayuu ku gatay. Waxay ka mid ahayd $3,000 oo uu ka helay dalag iskugu jira digir, yaanyo, gallay, barbarooni, basal, basbaas iyo sinsin, kuwaas oo uu suuqgeeyay bishii hore ee Sabteembar.
Muddo ka badan saddex sano oo uusan waxba tabcan dhaqaale xumo darteed Nuur wuxuu iskaga filnaaday nololosha carruurtiisa isagoo ka guuray qoys ay ehelo yihiin oo afar sano uu dulsaar ku ahaa.
“Waxaan ahaa markii hore qof aan xornimo u gudan karin howl-maalmeedkiisa iyo waxyaabaha baahiyeedka ah ee markaas uu u baahan yahay qoysku, haddana waxaan noqday qof wax walba go’aan ka gaari karo oo wax walba oo uu u baahan yahay qoyskiisu heli karo raashinkii, halkaas waxaa iska baddelay in aan saddexda waqti la wada heli karin, markii hore haddana saddexda waqtiba la wada heli karo,“ayuu yiri Nuur.
Ninkan oo beertiisu ay tahay 1-hiktar wuxuu ka mid yahay iskaashatada Jubba oo 100 qof ka kooban, kuwaas oo ay hay’adda Wasda ka taageertay matoorro, shidaal ay muddo 4 bil ah isticmaalayeen iyo abuur beeraha loo galiyay.
Qalabka la siiyay waxay u wadaagaan koox koox. Nuur wuxuu ka mid yahay toban qof oo wada isticmaalla labo matoor oo ah nuuca biyaha ka soo jiida webiga. Marka laga tago agabka ay wada leeyihiin waxaa dhexeeya beeraleydan iskaashi dhinaca wax-soo-saarka beeraha ah.
Wuxuu sheegay in dalagayadii sida wada jirka ah uga soo go’ay beerahooda in ay qiimo isla eg ku geeyeen suuqayada Kismaayo, taas oo ka caawisay in dhamaantood faa’iido badan ay ka helaan wax-soo-saarkooda.
“Loorka galleyda ah oo kale wuxuu joogaa $35. Barbarooniga kiiladiisa ilaa 15000, (shilin Soomaali), basbaaska isna waa sidaas oo kale. Marka isku celcelis ahaan faa’iido wanaagsan oo marka ugu horreysa wax ka baddeshay qoyska noloshiisa oo inta dhaaftayna ku(mid) xoolo ka gata, ku (mid) guri ka dhista. Marka waa dalag si guud ahaaneyd nolosha qoyska wax uga baddelay,“ayuu yiri Nuur.
Wuxuu sheegay in markii ay tabcayeen dalagga u soo go’ay ay la kowsadeen wabiga Jubba oo biyo keenay, taas oo u sahashay beertiisa in ay si habsami leh u baxdo.
Dhaqaalaha uu ka helay dalagga uu goostay $750 oo ka mid ahaa wuxuu siiyay ganacsato ku lahaa dayn uu kaga qaatay raashin ay qoyskiisu isticmaaleen, halka $1,250 kale oo u soo haray uu dhigaalsaday.
Nuur wuxuu sidoo kale kayd ahaan u haystaa 150 kiilo oo iskugu jira galley iyo digir, kuwaas oo beertiisa ka soo go’ay. Raashinkan ayuu xusay in uu qoyskiisa u reebay.
Iskaashatada beeraleydan ka faa’iideystay maal-galinta loo sameeyay waxaa qayb ka ah 30 haween ah. Luul Maxamuud Sabriye oo 38 jir ah ayaa ka mid ah.
Beerteeda oo labo hiktar ah ayay sheegtay in ay ka heshay lacag ka badan $200 oo faa’iido ah.
Waxay u suuq geysay Kismaayo bishii Sabteembar oo kaliya 12-kiish oo gallay ah, 11-kiish oo digir ah, 600 oo kiilo oo yaanyo ah iyo qare badan.
“Qaraha kun iyo shan boqol oo xabbo wuu dhamaa. Laakiin 18000 (shilin Soomaali) 17000, kii ugu wayn 20 baan ku gadanay, annaga bakhaarro ayaan gaynaynaa ma ogtahay? ma hal gadayno oo miis ma fadhinno, dadka hal gadanaya ayaan u gaynaa oo naga degsada,“ayuu ayay tiri Luul.
Waxay xustay in dhaqaalaha soo galay ay ku dabooshay baahidii ka haystay qoyskeeda oo sagaal qof ah dhinaca cunnada iyo waxbarashada shan ka mid ah u badkeeda.
Carruurta oo labo ay dugsiga sare ka dhigtaan Kismaayo waxaa u sahlanaatay in ay ka bixiso qarashka waxbarashadooda oo bishii ah $45, saddexda kale oo wax ka baranaya iskuulka hoose iyo dhexe ee Goobwayn ayay sidoo kale ka dhiibta $35.
Labadii sano ee u danbeeyay nin la dhashay ayaa dhiibi jiray lacagta waxbarashada carruurteeda, kaas oo sidoo kale dabbari jiray hal waqti cunno ay heli jireen qoyskeeda, balse hadda iyadaa iskaga filnaatay cunnada ay quutaan.
“Subaxdii aruurtii muufadeenii baan haysannaa iyo galleydeennii, habeenkii haddii loo baahdo digir iyo waxaa la isku darsanaa galley. Cambuulaa laga dhiganayaa, haddii la rabo Yaanyadeena wixii nooga yimaada ayaan bariis iyo iyo baasto iskaga soo gadaneynaa, wallaahi aad iyo aad dhaqaalihii aad buu isku baddelay,“ayuu ayay tiri Luul.
Luul oo toban sano beeraley ah waxay sheegtay in tan iyo sanadkii 2020 aysan waxba beeran, markii ay is biirsadeen dhaqaale xumo ay wajahday iyo abaaro soo laalaabtay.
Matoorrada beerteeda ay u adeegsato waxaa la wadaaga koox haween ah ay ka wada tirsan yihiin iskaashatada Jubba.
“Aad iyo aad baa annaga tobankeenii ruux aan uga macaashanay beerta. Shidaalkoodii baa la siiyay, abuurkoodii baa la siiyay, suntoodii baa la siiyay, kanaalladiina waa loo falay,“ayuu ayay tiri Luul.
Waxay qorshaynayaan haweenka ay ka mid tahay in mar kale ay abuur galiyaan beerahooda iyagoo ka faa’iideysanaya roobka dayrta iyo agabkii ay ka heleen maalgalintii loo sameeyay.
Hay’adda Wasda ee caawisay beeraleyda ayaa u wakiiladatay maamulka Goobwayn soo xulista dadka tabar-yarida dhaqaale ay ka reebtay tacabcashada beeraha sida uu sheegay Cumar Cabdullaahi Maxamed Guddoomiyaha deegaanka Goobweyn.
Wuxuu sharraxayaa nooca dadka ay soo xuleen ee ka faa’iideystay mashruucan.
“Waxaannu u xulnay dadka matoorrada gadan waayay, beeraha falan waayay, laakiin wabigii iyo beertii iskulahaa oo baahnaa oo ilmo badan ay ku xariiraan oo lo’, geel, ari iyo dooro midna lahayn beertii uu lahaana hanti uu ku fasho uusan qabin, taasna qodob ka mid ah bay ahayd,“ayuu ayuu yiri.
Wuxuu xusay in dhiirigalin xooggan ay siisay beeraleydan faa’iidada ay ka heleen maalgalinta loo sameeyay isla markaasna ay awood u leeyihiin sii wadidda wax-soo-saarka beerahooda iyagoo aan cidna ku tiirsanayn.










