Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Qoysas ka soo qaxay Soomaaliya oo xeryaha ku wajahaya dhibaato dhanka nolosha ah

Radio Ergo by Radio Ergo
October 16, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Qoysas ka soo qaxay Soomaaliya oo xeryaha ku wajahaya dhibaato dhanka nolosha ah

Xamse Cabaas Cabdiwahaab iyo qoyskiisa oo harsanaya guri yar oo buul ah oo ay ka samaysteen banaanka xerada Ifo/Axmad Cabdullahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qoyska Kulamo Cabdi Deer oo 11 qof ah waxay markii ugu horreysay ku biireen xerada qaxootiga ee Ifo 21 bishii September ee sanadkan. Duleedka xeradan ayay ka dhisteen aqal yar oo cooshad ka sameysan.

Waxay ka soo barakaceen abaar ay ku xoolo beeleen oo horraantii sanadkan ka dhacday miyiga dagmada Baardheere ee gobolka Gedo. Waxay ka dishay 200 oo ari ah saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Xoolo-la’aantu waxay badday in ay soo galaan safar qaatay 9 maalin oo u badnaa lug si ay u yimaadaan xeryaha qaxootiga.

Hase ahaatee, rajadii ay ka qabeen in xerada ay ku nool yihiin ay ka helaan gargaar cunno iyo mid dib-u-dajin wali ma dhicin.

Kulamo waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in cunno 24 saac hal waqti ay quutaan iyo 40-liitar oo biyo ah ay ka hesho dadka deggan Ifo oo ay u baryo tagto subax walba.

Waxay walaacsan tahay dhibaatada dhinca nolosha ee ku haysta xerada qaxootiga.

“Biyo, baad, musqul iyo guri waxaanu haysanaa ma jirto. Sidaas baan ku joognaa. Adigaba waad arkaysaa, mar mar walaalaha ayaan iska dhex aadnaa. Kiilo kiilo bariisa ah ayaan kasoo qaadanayaa. Kistaas ayaan karsanaa bes. Wax kale oo aanu hayno malahan. Boono iyo raashin iyo wax aan helay ma jirto, habaraatee koombo hay’ad nasiisay ma jirto, xiligii aan nimid shaqo (diiwaan-galin) ma socoto ayaa nala dhahay waa iska soo laabanay gurigan ayaan iska joognaa,” ayay tiri.

Qoyskeeda wuxuu ku soo aaday xilli bishii ogosto la xiray diiwaan-galin loo sameeyay 40,000 oo qoys, kuwaas oo muddo shan sano ah gargaar la’aan ku ahaa xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Kaarka aqoonsiga diiwaan-galinta wuxuu ka caawin lahaa qoyska Kulamo helidda 6-kiilo oo bariis ah, 2-kiilo oo digir ah, kiilo iyo bar misir ah, caagad saliid iyo $5, kuwaas oo bishiiba mar ay siin lahaayeen hay’adaha ka howl-gala xeryaha qaxootiga.

Waxay la timid xerada Ifo saygeeda oo xanuun dhinaca caloosha ah la dhul-yaallay muddo sanad ah, balse aan wali la gayn isbitaal lagu oggaaday xanuunka haya iyo sodohdeed oo socodku dhibayo.

“Gaari-dameer walaal uu leeyahay baannu ku soo qaadnay. Annaga xitaa malihin, waxaan dhahnay dadka nala socday walaallow duqdaan way daashay cuniggan yar iyo duqqaan ii saar kistoo saas baa lagu keenay, Libooye ilaa Xagardheer waan soo lugaynay, gaajo iyo raafaadka ilaahey baa iga soo badbaadiyay, xanuun iyo waxba ma soo arkin” ayay tiri.

Ka hor inta aysan ku biirin xeryaha qaxootiga, bilihii Febraayo ilaa Juun ee sanadkan waxay ku jireen xero barakac oo ku taalla Baardheere, halkaas oo markii danbe ay kaga sii gudbeen dagmada Bu’aale oo labo bil ay ku qaateen.

Hooyada qoyskan ayaa sheegtay in dad ay dulsaar ku ahaayen intii ay joogtay Bu’aale ay ka maqashay in nolosha ka jirta xeryaha Dhadhaab ay ka wacan tahay tan Soomaaliya, taasi oo ku riixday in ay soo gasho hayaan dheer.

Inkastoo wali ay wajahayso duruuf ay abaartu badday Kulamo uma qorshaysana in ay dib ugu laabato Soomaaliya oo qaxday.

“Soomaaliya rajo igama hayso hadda. Abaarteeda iyo rafaadkeeda maba ka bixi karo xoolihiina waa dhamaadeene maxaan u laabanaa, meeshaan baan iska joogaa haddii bur la isiiyo, biyo la isiiyo, nolol la isiiyo oo walaallehay igacan qabtaan meeshaan baan iska joogayaa,” ayay tiri.

Labadii bil ee u danbeeyay 50,000 oo qof ayaa tagay xeryaha qaxootiga Dhadhaab. 22,000 ka mid ah waxay ku biireen xerada Ifo sida uu sheegay guddoomiyaheeda Maxamed Cabdi Collow.

Waxay badankooda ka soo qaxeen gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo qaybo ka tirsan ay abaar daran ka jirto. Beeraley iyo xoolo-dhaqato hore ayay iskugu jiraan.

Dadkaas waxaa ka mid ah Xamse Cabaas Cabdiwahaab iyo qoyskiisa oo toban qof ah. Xerada Ifo oo ay tageen 27 bishii hore ayay duleedkeeda ku nool yihiin.

Xamse ayaan la kulmay isagoo dhinac fadhiya gabar uu ii sheegay in ay hal sano jirto oo u yar carruurtiisa. Wuxuu ku hayay aqal cooshad ah oo qorraxda ay ka galeen, bale gudihiisu uu kululaa.

Hooyadeed oo dhabta ku haysay ayaa afka ugu dhibcineysay xoogaa shaax ah oo koob uu ku jiray ay gacanta ku haysay. Waxay u muuqtay mid aad u caato ah oo xanuun la taahaysa.

Xamse wuxuu ii sheegay in 24-saac ee la soo dhaafay aysan helin waxaan biyo iyo shaax ahayn.

Xanuunka haya ayuu u sababeeyay mid ka dhashay cunno-xumada haysa oo laf iyo maqaar ka dhigtay.

“Wallaahay xaaladdeedu aad iyo aad ayay u xun tahay cunugta. Tan yar weeye ee dhabta lagu haayo. Caano uma hayo waxaan u hayo maleh. Shaax-ranji ah ayaan ku sasabnaa oo dad muslim ahi nasoo siiyeen haddana way tabaaleysan tahay daawo ayay u baahanahay, annaga hadda ayaan nimaannay, isbitaal dadka in aan warwarsano baan rabnaa oo aan gayno oo cunigta wax laygu qabto,” ayuu yiri Xamse.

Wuxuu sheegay in qoysaska xerada Ifo deggan oo uu u dan-sheegto ay ku caawiyaan kiilooyin bariis ah iyo biyo uu dabka ku saarto, balse inta badan uma helo caano uu siiyo gabadha ka xanuunsan oo aan awoodin raashink qoyska intiisa kale ay cunaan.

Xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayuu lug ku keenay qoyskiisa oo carruur u badan.

Wuxuu sharraxayaa sida uu ka helay gaariga keenay xerada uu ku nool yahay ee Ifo.

“Meel ma masaajid ah baan tagay. Dadkii joogay baan tuugsaday, ilmaha ayaan tusay. Waxaan dhahay ilmahaan baa wataa waxna mahaysti, dadkii masjidka ayaa ii istaagay xoogaa lacag ah oo fiican oo baabuur aan ku soo raaco baa la isiiyay,” ayuu

Wuxuu ka soo barakacay Tuulada Fagaan oo ka tirsan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo uu ku leeyahay beer 3-hiktar ah. Muddo ka badan labo sano wax dalag ah kuma beerin roob la’aanta darteed.

Guddoomiyaha xerada Ifo Maxamed Cabdi Collow ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka soo qaxay ay u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah, kuwaas oo wajahaya xaalad daran oo dhinaca nolosha ah.

Qoysaska xerada uga soo horreeyay ee qaxootiga ah oo aan waxbadan dhaamin ayuu xusay in ay culayska ku sii kordhiyeen, markii qaarkood ay dulsaar ku noqdeen.

Wuxuu ka digay in dhibaato ka wayn midda haysta ay wajihi karaan dadka soo qaxay haddii aan deg-deg hay’aduhu u diiwaan-galin ama loogu gurman.

“Asbuucan asbuuca ku xiga haddii la qaabili waayo waxaa dareemayaa in badan oo hadda nool in ay nafta waayi doonaan oo macaluul tii ugu xumayd ay dilaaci doonto, waayo dadkii joogay ee qaxootiga sii joogey tabar kuma dhamaan culayskiina waa ka batay, noloshu marka waa ay adkaaneysaa haddii ilaahey sidaan ka baddelin,” ayuu yiri.

Maamulka xeryaha Dhadhaab ayaa ka walaacsan in ilaha biyaha iyo raashinka lagu caawiyo qaxootiga diiwaan-gashan in ay ciriiri gali karaan haddii aan loo gurman qoysaska ka soo qaxaya Soomaaliya ee duldagay xeryaha.

Previous Post

Afgooye: Beeraley nolol maalmeedka qoysaskooda ku maareeya dallaalnimo, deyn iyo xoogsi markii ay biyo u waayeen tacbashada khudaarta

Next Post

Cadaado: Raashiin loo qaybiyay qoysas colaad ku barakacay oo xoolihii ay dhaqanayeen laga dhacay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Galgaduud: Haween iyo carruur la dhibtoonaya saameynta colaad iyo abaar ka jirta degaanadooda

Cadaado: Raashiin loo qaybiyay qoysas colaad ku barakacay oo xoolihii ay dhaqanayeen laga dhacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo