Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Afgooye: Beeraley nolol maalmeedka qoysaskooda ku maareeya dallaalnimo, deyn iyo xoogsi markii ay biyo u waayeen tacbashada khudaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
October 14, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsato cabasho ka muujiyay baaritaano ay kala kulmaan jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Roob yarida iyo webiga oo biyo yareeyay ayaa sababay in qaar ka tirsan beeraleyda degmada Afgooye ay ku adkaato inay abuuraan khudaarta u baahan biyaha badan. Waxay saamayn ku yeelatay dhaqaalihi soo gali jiray qoysaska ku tiirsaaa beeraha, inkastoo ay jiraan beeraley ceelal qotay oo beertay dalagyo khudaar ah.

Cisman Axmed Qaasim oo qoyskiisu ka kooban yahay sagaal qof oo toddobo carruur tahay ayaa sheegay in beer laba hiktar ah oo ku taalla deegaanka Jambaluul uusan abuurin toddobadii bil ee la soo dhaafay. Sababta ayuu ku sheegay in uu waayay biyo uu ku waraabiyo, isla markaana uu awoodi waayay in uu ceel qoto.

“Waligeyba beeraley ayaan ahaa, ganacsi iyo howl kale maba aqaani. Waxaan beeri jirey karootada, bagalka iyo ansalaatada. Marka laga reebo qarashaadka abuurka, lacagta shaqaalaha iyo waraabka, celcelis ahaan waxaan ka heli jiray kun iyo sideed boqol ilaa laba kun oo dollar,” ayuu yiri Cismaan.

Cismaan ayaa markii uu waayay dhaqaalihi ka soo gali jiray beerta wuxuu billaabay shaqo dallaalnimo ah si uu u maareeyo nolasha qoyskiisa. Wuxuu xoolaha u kala iibiya dadka xoolaha leh iyo kuwa doonaya inay iibsadaan.

Wuxuu ka helaa lacag dhan 20 doollar maalmaha Arbacada iyo Sabtida ah oo ah labada maalmood ee suuqa magaalada Afgooye la keeno xoolaha. Lacagtan ayuu ku bixiyaa cuntada iyo waxbarashada mid ka mid ah labo wiil oo dhigta dugsiga sare oo 12 doolar ah. Cismaan ayaa sheegay in wiilka kale uu maamulka iskuul ka codsaday inay u sii wadaan waxbarashada oo ay dib ka bixin doona lacagta.

“Dallaalkaas oo suuqa ariga wixii aan ka soo qaraabto oo dadka aan is garanayo ariga ay keensadaan ayaan dallaalaa oo aan ka qaataa xoogaa lacag,” ayuu yiri Cismaan.

Cismaan oo carruurtiisa uu ugu wayn yahay 14 jir ayaa shaqadan wada muddo afar bilood ah.

Kamaal Axmed Maxamed oo tabcan jiray beer shan hiktar ah oo ku taalla tuulada Bangaley ayaa sheegay in marki uu dhammaaday kaydkii dhaqaale ee uu haystay uu hadda qoyskiisa ku nool yahay lacag deyn ah.

“Afartii bidood ee ugu horreysay waxaan isticmaaleynay waxyaabaha ka harey beerta laakiin hadda waxaan isticmaalaa lacag deyn oo maalin walba sii badaneysa, ayaan ciyaalka iskuulkooda iyo raashiinka guriga ku bixiyaa,” ayuu yiri Kamaal.

Xilligi uu beertiisa falan jiray waxaa ka soo gali jiray dhaqaale gaarayay shan kun oo dollar sanadki. Waxaa beertiisa ka bixi jiray khudaar noocyo kala duwan ah sida yaanyada, barbarooninga, koostada, basha iyo kuwa kale oo loo iibgayn jiray suuqyada magaalooyinka Afgooye iyo Muqdisho.

“Carruurta iskuulka way u lugeeyaan. Waagi hore baabuur ayaan saari jiray oo lacag ayaan ka bixin jiray, waxaan kaloo siin jiray lacag ay wax ku gataan marka bareegga loo soo baxo. laakiin hadda ma hayo,” ayuu yiri Kamaal.

Carruuta oo sedex wiil ah oo 12 jir ugu waynyahay ayaa laba saac ay qaatadaa inay u lugeeyaan iskuulka maalin walba.

Webiga Shabeelle oo bishi sideedaad ee sanadkan biyo keenay ayaa beeralayda qaar waxaa ku adag inay dib u abuuraan dalagyo maadaama aysan haysan dhaqaale ay ku soo iibsadaan abuurka.

Ibraahim Cabdullahi Cabdi oo beer 3 Hektar ah ku leh tuulada Gaalwore oo Afgooye u jirta 3 kiilo mitir ayaa Radio Ergo u sheegay in uusan tabar u aheyn in uu wax beerto, Sababta ayuu ku sheegay in uusan haysan lacag uu ku soo iibsada abuurka dalagyada uu u baahan yahay, wuxuu isku dayay in uu deyn raadsada laakiin ma helin. Wuxuu naawilayay in uu ka faa’ideysto webiga.

“Waxaa la rabaa abuur iyo qarashaad kale mana hayo. Deyn waan soo waayay qof wax ku siinaayo ma lahan halka gasac ee abuukra karootada konton dollar ayuu joogaa, galley lee heli karaa halkoo suus iska abuuranaa,” ayuu yiri Ibaarihim.

Ibraahim ayaa sheegay in hadda u shaqo tago dhismayaasha oo uu ka xamaasho, wuxuu qabtaa in fuudiyaasha uu ka caawiyo in uu u geeyo ciidda iyo shamiitada. Shaqadan maaha mid joogta ah, marka uu helo waxaa ka soo gasha ugu badnaan shan dollar.

“Waan isku filaa. Beer wayn oo waraab ah ayaan leeyahay. Xaaskeyga ayaa khudaarta gadan jirtay oo haddii Afgooye raqiis ku noqoqto Xamar ayay u iibgeyn jirtay, laakiin nasiib darro ayaa nagu dhacdey. Waxaan iska raacaa dadka dhismaha ka shaqeeyo,” ayuu yiri.

Previous Post

Dhadhaab: Gabdhaha da’da yar oo qabta shaqooyin adag si ay u maareyaan nolosha carruurtooda oo ay keligood korsadaan

Next Post

Dhadhaab: Qoysas ka soo qaxay Soomaaliya oo xeryaha ku wajahaya dhibaato dhanka nolosha ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Dhadhaab: Qoysas ka soo qaxay Soomaaliya oo xeryaha ku wajahaya dhibaato dhanka nolosha ah

Dhadhaab: Qoysas ka soo qaxay Soomaaliya oo xeryaha ku wajahaya dhibaato dhanka nolosha ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo