(ERGO) – Falastiin Cali Maxamed oo ah 24 jir keligeed korisa afar carruur ah oo ay dhashay, Subax walba ayay u jarmaaddaa si ay u soo hesho meel ay maalintaas ka shaqayso. Ma jirto macaamiil gooni ah oo ay leedahay. Waxay qabataa howlo u badan dhar-dhaqis iyo guryo nadiifin.
Waxay soo heshaa lacag u dhaxeysa 200-300-shilling maalintii, taas oo ay ku kabto nolosha carruurteeda oo aanay ku filnayn raashinka deeqda ah ee laga siiyo xerada Xagarddeer ee qaxootiga Dhadhaab. Sida ay sheegtay waa shaqo ku adag, laakiin duruufta nololeed ayaa ku ka maaransiin waysay.
“Waxaa igu khasbaya aniga oo daryeel u baahan oo culus in aan shaqeeyo inaysan ilmahaygu silcin, aanay rafaadin oo ilamahaygu ay helaan waxbarasho iyo nolol”.
Falastiin waxay carruurta u dashay saddex nin oo ay kala tageen. Hadda waa xaamilo uur 7 bil ah u leh ninkeedii afraad oo ay isna kala tageen bishii Febraayo ee sanadkan. Sida ay sheegtay waxay caqabado badan kala kulantaa barbaarinta caruurteeda oo ay ku keliyaysatay.
Xiliyada qaar ma awooddo in ay shaqo tagto, maadadama aanay ka tegi karin carruurta haddii ay qaarkood xanuunsan yihiin. Maalintan aan ka wareysiga ka qaaday Falastiin ma aysan aadin shaqo. Waxay ka hadlaysaa sababta iyo sida joogisteeda gurigu ay u saamaysay nolosha caruurteeda.
“Cunug yar ayaa iga xanuunsatay. Ilmihii wax dab iigu shida waa waayay. Wax cunugtii ii wada oo isbitaalka ii geeya waa waayay. Reerkii aan u shaqaynayay waan wacay, waxaan dhahay maanta ma imaan karo. Cunugtii baan isbitaalka la aaday markii aan imaaday baan digir dabka u saaray. Duhurkii kaddib bay wax cuneen ilmihii.”
Falastiin Waxay guursatay markeedii ugu horreysay sanadkii 2012 iyada oo 14 jir ah. wuxuu burburay qoyskeedii saddex sano kaddib iyada oo haysata labo carruur ah. Falastiin ayaa sheegtay in sanad ka dib ay qoyskeedu ku dareen nin aad uga da weyn oo ay qaraabo yihiin. Hal sano kaddib ay kala tageen iyadoo cunug u dhashay.
Gabadhan ayaa tilmaamtay in wax garab ah aysan ka helin raggii ay carruurta u dhashay. Waxay ku khasbanaatay in ay tuurta u ridato korinta carruurteeda.
Waxaa xarunta raashin qaybinta bishii laga siiyaa 20 kiilo oo bariis ama qamandi ah, 7.5 liitar oo saliid ah iyo 5 xabo oo saabuun ah. Raashinka oo ku yar ayaan ku simin qaybinta bisha xigta.
Waxay waayo arag u noqotay dhibaatada ka dhalata guurka deg dega, ka fiirsi la’aanta iyo dhaqanka ku yimaada xiliga ay gabdhaha da’doodu yartahay sida xustay. Falastiin mar kale ayay si iskeed ah u guursatay labo nin oo kale. Waxay ka hadashay waxa ay u guursatay iyada oo la daalacaysa dhibaatada uu ku reebay qoys burburkii hore.
“Waxaan is dhahay nin kula koriya labadaa cunug guurso. Waxaan is iri maalin walba cid uma shaqayn kartide ilamahan yaryarka ah ayaa habaabaya, ilmihiina waa iga rafaadeen.”
Falastiin ma helin waalid ka gacan siiya daryeelka caruurteeda oo iyada lafteeda ayaa ku soo kortay duruuf la mid ah tan iyada haysata. Waxay xustay in iyada oo yar ay kala tageen labadeeda waalid.
Haweenaydan waxay sheegtay in dhibaatada ay ka mareyso shaqada uu u sii dheer yahay dareen niyad-jab iyo quus ah oo ka dhaxashay qoysaskeedii ka burburay.
Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab gabdho badan ayaa la kulma guur deg dega oo ay ka dhalato natiijin aan la mahadin.
Fardowsa Aadan Idiris oo ah 23 jir haysata afar carruur ah, waxay maqaaxi lagu iibiyo cunada fudud iyo cabitaanada ay ku leedahay suuqa xerada Xagardheer.
Waxay shaqaysaa 15 saacad maalintii si ay u daboosho nolosha carruurteeda oo ay aabahood kala tageen. Waa shaqo adag, hase yeeshee ka kaafiso. Waxay sheegtay in inkasta oo ay aad ugu daasho shaqada haddana ay ku faraxsan tahay, maaddaama aanay ka welwel qabin nolosha iyo waxbarshada carruurta.
“Mar haddii aadan cunuggaaga dharka uu xiranayo ka fekerayn, dugsigiisa aadan ka fekenayn, maxay cunaan oo aad dabka ugu shubtaa maanta aadan ka fekeraynin, noloshu waa kuu dhamaystira tahay.”
Fardowsa oo muddo lix sano u heelan ahayd korinta carruurteeda waxay saddex maqaaxiyood oo cunada lagu kariyo yeelatay suuqa xerada. Intii ay ku jirtay shaqada waxay iibsatay guri degaan ah oo ugu kacay lacag dhan 16,5000 Ksh oo u dhigta 1500 oo dollar.
Waxay ku guursatay da’da 16 jirka markii la siiyay wiil ay ilmo habreed yihiin oo ay guri ku wada noolaayeen. Waxay kala tageen 5 sano kadib. Burburkii qoyskeeda kaddib waxay tagtay xarunta barashada xirfadaha ee ay maamusho hy’adda Norwegian Refugee Council (NRC) halkaas oo ay baratay maaddada ganacsiga.
Cidna kuma dhiirigelin, laakiin duruufta iyo masuuliyadda carruurteeda ayaa ku riixday in barato ganacsi, kuna shaqayso.
Gabdhaha iyaga oo aadka u yaryar la guursada iyo duruufaha ay ka maraan daryeel caruurta bururka qoyska dib waa dhibaato aad looga dareemay xeryaha qaxootiga sida radio Ergo usheegtay Fardowsa Siraad oo ah gudoomiyaha garabka haweenka ee ururka dhalinyarada xerada xagardheer. waxay xustay in qiyaastii 60 gabdhood ay sanad walba waxbarshada ugu haraan guurka deg deg ah, iyada oo qaarkoodka na la dhibaatooda korinta carruur lagu furay.
Fardowso waxay intaa ku dartay in 6dii bil u dambaysay ay xafiiska dhalinyarada yimaadeen 10 gabdood xagardheer oo keliya ah labada xero oo kale na ay ka war hayaan tiro intaa kasii badan. Waxay xustay in gabdhahaa ay ka caawiyaan sidii ay ku baran lahaayeen xirfado ay ugu shaqaystan carruurtooda iyo in ay la xiriiriyaan hay’adaha samafalka, laakiin sida ay sheegay waa dhibaato baaxadle oo ay adagtay in loo helo xal deg deg ah.
“Qoys danyar ah baa laga yaabaa in ay kasoo baxday oo ay guurkaa u guursaday aad qoyska waxtartid, qoyskii danyarta ahaa in oo iyadu markii hore culays ahayd ay hadana culays kale u gayso oo u tagto iyada oo caruur wadata, raggiina hadda masuuliyaddii waa gabeenba oo marba haddii gabdhii lafurey ilmihii waxba isuma aha, markaa gabdha culays badan bay u keentaa, waa isla hadlaysaa, waxaaba laga yaabaa shaqooyin aan u qalmin in ay ka shaqayso caruurtaa wax u keen daraadeed ay waxyaabo badan ugu dhacdo.”
Gabadha la kulma guurka deg deg ah iyo dhibitaatada ay kala kulmaan korinta carruurtooda burburka qoyska kadib waa mid aan qarsoonayn. hay’daha ayaa ka sameeya tababato iyo wacyigelin guurka gabdhaha da’da yar laakiin weli ma muuqato wax natiijo ah oo laga gaarey.