Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Hiran: Qoysas xoolo-dhaqato ah oo ka soo barakacay abaarta iyo collaadda oo ay hoy la’aan ku haysato xeradii ay ku barakaceen

Radio Ergo by Radio Ergo
October 11, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Hiran: Qoysas xoolo-dhaqato ah oo ka soo barakacay abaarta iyo collaadda oo ay hoy la’aan ku haysato xeradii ay ku barakaceen

Xalwo Cabdi Faarax (Bidix) oo ah hoyada toddobbo carruur ah waxay xaalad adag ku haystaa xerada Hiiraan Bile ee magaalada Beledweyne/Cabdirisaaq Axmed Xuseen/Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xamaalo Cali Cismaan oo ah hoyada sagaal carruur ah waxay hoy la’aan iyo cunno yari ku haysataa xerada barakaca Hiiraan Bile ee duleedka magaalada Beledweyne, halkaasi oo ay soo maciin bidday bishii Agoosto ee sanadkan. Haweeneydan ayaa ka soo barakacday miyiga deegaanka Garbo ee gobolka Hiiraan, markii ay isu biirsadeen saameeynta abaarta iyo colaado u dhaxeeya kooxda Alshabaab.

Waxay qoyskeeda ku tiirsanyihiin raashin hal waqti ah oo ay habeenkii karsadaan, kaasi oo ay ka hesho qoryo ay ka soo gurto magaalada banaankeeda, isla markaana ka iibiso dadka xerada la deggan. Maalmaha qaar ayay sheegtay in qoryaha ay soo weydo oo ay baahi ku seexdan iyada iyo carruurteeda.

“Nolosha halkan nagu haysto aad ayay u darantahay. Habeen iyo maalin hal waqti ayaa dabka shitaa. Ilmo masaakiin ah ayaan haaya, wax la siiyo malaha. Aad ayaan urafaadsannahay, wax aan haysanno malaha, baco iyo sansayeere ayaa geedo inoo saran,” ayay tiri.

Qoyska Xamaalo ayaa ka mid ah ku dhowaad shan boqol oo qoys oo ku nool xerada Hiran Bile, kuwaasi oo ka kala yimid tuulooyin hoos tago magaalooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan oo tan iyo bishii July ee sanadkan laga fulinayo howl gallo lala beegsanayo kooxda Al-shabaab. Qoysaskan ayaan haysan baco ay ka galaan dhibicda roobka oo labadii toddobaad ee la soo dhaafey ka da’ayay magaalada Beledweyne.

“Wal walkii adduunka ayuu nagu haaya roobka markii uu imaado meel la hoos galo malaha. Qaboowga, dabeesha iyo roobka socda ilmaha i hoos joogo uma adkeysan karaan. Baati iyo baco roob ma celin karaan. Xalay ayaa ugu dambeeysay roobka waana qoynay, walaalayaasheena waxaan ka codsaneynaa in nalaga soo gaaro,” ayay tiri.

Xamaalo iyo carruurteeda waxay soo lugeyeen muddo shan maalmood ah, si ay xerada u soo gaaraan, maaddaama ay weyday lacag ay isaga bixiso gaari ay ku soo safarto.

Waxay xustay in qoyskeeda ay tan iyo 2021-kii ay abaarta ku waayeen 150 neef oo ari ah. Labaatan neef oo xoolaha uga haray oo aan cad iyo caano toona lahayn ayay hadda xerada ku haystaa.

Xamaalo ayaa tilmaantay in carruurteeda oo dhammaan gaarey da’da waxbarashada aysan dugsi iyo iskuul toona dhigan.

Waxay tilmaantay inay jeclaan lahayd in carruurta ay wax u bartaan, balse aysan u hayn dhaqaalihii ay uga bixin lahayd waxbarashada. Xerada ayay sidoo kale sheegtay inaysan ku haysan biyo.

Xalwo Cabdi Faarax oo haysata toddobbo carruur ah ayaa sheegtay in ay ku nool yihiin raashin hal waqti ah, kaasi oo ay ku caawiyeen dad ehelkooda ah oo magaalada horey udagganaa.

Halka laga galo xerada Hiiraan Bile ayaa waxaa ugu dhisan aqal yar oo cooshada ka sameeysan, kaasi oo aanan celin karin dhibicda roobka iyo dabeysha.

“Cunada aan halkan ku cunno wiilal iyo gabdho walaalahey ah oo horey magaalka udaganaa ayaa markii xaaladda igu adkaato isoo dhiibo 12 kg oo bariis iyo sokkor ah iyo wax yar oo saliid ah. Hal qof oo inoo shaqeeyso malaha, xoolo inooma joogo,” ayay tiri.

Qoyska Xalwo oo xoolo-dhaqato ku ahaa miyiga magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, ka hor inta aysan colaadda ka soo barakicin dabayaaqadii bishii September, ayaa 200 neef oo ari ah oo ay dhaqanayeen ku wayay abaarta, saddexdii sano ee ugu dambeeyey.

“Aniga waxaa i joogay ari badan oo labo tiro ah, abaartii ayuu iiga ba’ay hal tiro ayuu is kugu yimid kadib tiradii abaarta ayaa iga leeysay, hal neef ah iga ma soo harin manta. Meel cidlo ah ayaan kasoo istaagay,” ayay tiri.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in welwelkeeda ugu wayn uu yahay raashin ay carruurteeda u kariso iyo hoy ay roobka ka galaan.

Xalwa waxay hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsatay inay u soo gurmadaan, maadaama aanu helin wax gargaar samafal ah tan iyo markii ay xeradan ku soo biirtay.

Guddoomiyaha xerada lagu barakacay ee Hiiraan Bile Falxado Muxumed Warsame ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dadkii ku soo barakacay ay isugu jiraan dad abaarta ka soo barakacay iyo kuwo collaadda gobolka ka jirta ka soo barakacay. Waxay sheegtay in qoysaska xerada ku soo biiray ay yihiin kuwo ay dhibaato ka muuqata oo aanan waxbo haysan. Dadkii xerada ugu soo horreyay ayay sheegtay inaysan waxbo dhaamin dadka hadda ku soo biiray oo ay naftooda wajahayaan xaalado dhinaca nolosha ah oo aad u adag. Waxay ka deeyrisay xaaladda nololeed ee qoysaskan.

Previous Post

Deegaanka Qalwo ee gobolka Bari oo ceel-biyood baahi wayn loo qabay laga hirgeliyay

Next Post

Dhadhaab: Gabdhaha da’da yar oo qabta shaqooyin adag si ay u maareyaan nolosha carruurtooda oo ay keligood korsadaan

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
Dhadhaab: Gabdhaha da’da yar oo qabta shaqooyin adag si ay u maareyaan nolosha carruurtooda oo ay keligood korsadaan

Dhadhaab: Gabdhaha da’da yar oo qabta shaqooyin adag si ay u maareyaan nolosha carruurtooda oo ay keligood korsadaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo