Xamaalo Cali Cismaan oo ah hoyada sagaal carruur ah waxay hoy la’aan iyo cunno yari ku haysataa xerada barakaca Hiiraan Bile ee duleedka magaalada Beledweyne, halkaasi oo ay soo maciin bidday bishii Agoosto ee sanadkan. Haweeneydan ayaa ka soo barakacday miyiga deegaanka Garbo ee gobolka Hiiraan, markii ay isu biirsadeen saameeynta abaarta iyo colaado u dhaxeeya kooxda Alshabaab.
Waxay qoyskeeda ku tiirsanyihiin raashin hal waqti ah oo ay habeenkii karsadaan, kaasi oo ay ka hesho qoryo ay ka soo gurto magaalada banaankeeda, isla markaana ka iibiso dadka xerada la deggan. Maalmaha qaar ayay sheegtay in qoryaha ay soo weydo oo ay baahi ku seexdan iyada iyo carruurteeda.
“Nolosha halkan nagu haysto aad ayay u darantahay. Habeen iyo maalin hal waqti ayaa dabka shitaa. Ilmo masaakiin ah ayaan haaya, wax la siiyo malaha. Aad ayaan urafaadsannahay, wax aan haysanno malaha, baco iyo sansayeere ayaa geedo inoo saran,” ayay tiri.
Qoyska Xamaalo ayaa ka mid ah ku dhowaad shan boqol oo qoys oo ku nool xerada Hiran Bile, kuwaasi oo ka kala yimid tuulooyin hoos tago magaalooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan oo tan iyo bishii July ee sanadkan laga fulinayo howl gallo lala beegsanayo kooxda Al-shabaab. Qoysaskan ayaan haysan baco ay ka galaan dhibicda roobka oo labadii toddobaad ee la soo dhaafey ka da’ayay magaalada Beledweyne.
“Wal walkii adduunka ayuu nagu haaya roobka markii uu imaado meel la hoos galo malaha. Qaboowga, dabeesha iyo roobka socda ilmaha i hoos joogo uma adkeysan karaan. Baati iyo baco roob ma celin karaan. Xalay ayaa ugu dambeeysay roobka waana qoynay, walaalayaasheena waxaan ka codsaneynaa in nalaga soo gaaro,” ayay tiri.
Xamaalo iyo carruurteeda waxay soo lugeyeen muddo shan maalmood ah, si ay xerada u soo gaaraan, maaddaama ay weyday lacag ay isaga bixiso gaari ay ku soo safarto.
Waxay xustay in qoyskeeda ay tan iyo 2021-kii ay abaarta ku waayeen 150 neef oo ari ah. Labaatan neef oo xoolaha uga haray oo aan cad iyo caano toona lahayn ayay hadda xerada ku haystaa.
Xamaalo ayaa tilmaantay in carruurteeda oo dhammaan gaarey da’da waxbarashada aysan dugsi iyo iskuul toona dhigan.
Waxay tilmaantay inay jeclaan lahayd in carruurta ay wax u bartaan, balse aysan u hayn dhaqaalihii ay uga bixin lahayd waxbarashada. Xerada ayay sidoo kale sheegtay inaysan ku haysan biyo.
Xalwo Cabdi Faarax oo haysata toddobbo carruur ah ayaa sheegtay in ay ku nool yihiin raashin hal waqti ah, kaasi oo ay ku caawiyeen dad ehelkooda ah oo magaalada horey udagganaa.
Halka laga galo xerada Hiiraan Bile ayaa waxaa ugu dhisan aqal yar oo cooshada ka sameeysan, kaasi oo aanan celin karin dhibicda roobka iyo dabeysha.
“Cunada aan halkan ku cunno wiilal iyo gabdho walaalahey ah oo horey magaalka udaganaa ayaa markii xaaladda igu adkaato isoo dhiibo 12 kg oo bariis iyo sokkor ah iyo wax yar oo saliid ah. Hal qof oo inoo shaqeeyso malaha, xoolo inooma joogo,” ayay tiri.
Qoyska Xalwo oo xoolo-dhaqato ku ahaa miyiga magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, ka hor inta aysan colaadda ka soo barakicin dabayaaqadii bishii September, ayaa 200 neef oo ari ah oo ay dhaqanayeen ku wayay abaarta, saddexdii sano ee ugu dambeeyey.
“Aniga waxaa i joogay ari badan oo labo tiro ah, abaartii ayuu iiga ba’ay hal tiro ayuu is kugu yimid kadib tiradii abaarta ayaa iga leeysay, hal neef ah iga ma soo harin manta. Meel cidlo ah ayaan kasoo istaagay,” ayay tiri.
Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in welwelkeeda ugu wayn uu yahay raashin ay carruurteeda u kariso iyo hoy ay roobka ka galaan.
Xalwa waxay hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsatay inay u soo gurmadaan, maadaama aanu helin wax gargaar samafal ah tan iyo markii ay xeradan ku soo biirtay.
Guddoomiyaha xerada lagu barakacay ee Hiiraan Bile Falxado Muxumed Warsame ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dadkii ku soo barakacay ay isugu jiraan dad abaarta ka soo barakacay iyo kuwo collaadda gobolka ka jirta ka soo barakacay. Waxay sheegtay in qoysaska xerada ku soo biiray ay yihiin kuwo ay dhibaato ka muuqata oo aanan waxbo haysan. Dadkii xerada ugu soo horreyay ayay sheegtay inaysan waxbo dhaamin dadka hadda ku soo biiray oo ay naftooda wajahayaan xaalado dhinaca nolosha ah oo aad u adag. Waxay ka deeyrisay xaaladda nololeed ee qoysaskan.










