(ERGO) – Saciid Aadan Faarax iyo qoyskiisa oo ka kooban 11 qof waxay billowgii bishii July ka soo hayaameen deegaanka Qaar-ciid oo u dhow deegaanka Qalwo, markii ay abaarta ku waayeen 130 neef oo ari ah. Waxay soo gaareen degmada Qardho oo qiyaas ahaan 56 km u jirta, si ay biyo ugu helaan 70 neef oo xoolaha uga soo haray.
Saciid iyo qoyskiisa, waxay booyadda biyaha ah deegaankiisa ku tagi-jirtay lacag dhan 150 dollar halkii mar, taasi oo aan awoodoodi ahayn. Waxay dantu bidday in ay ceelasha biyaha ee ku yaala degmada Qardho u dhowadaaan.
Billowgii bishaan ayay isaga iyo qoysaska kale ee ka soo barakacay deegaanka Qalwo iyo tuulooyinka u dhow, mar kale dib ugu laabteen deegaanadoodii, markii bishii Ogosto ee sanadkan laga hirgeliyay ceel biyood ay biyihiisu macaan-yihiin deegaanka Qalwo. Biyaha ceelka ayaa fuustadii laga iibiyaa $0.25 cent.
“Haraad ba’an ayaa ka jiray waddanka, matoorkaan markaan ka warbixiyo baabuurta galaysa, booyadaa gallaysa, waxaa gallaya kuwa yaryar ee baraamiisha wata. Magaalada dhexdeeda biyo galintii baa taala, reerkasta saasuu u shubanayaa. Ceelkaan sida u noo anfacay, lama malayn karo. Qiimaha biyaha hadda wax saa usii buuran maaha,” ayuu yiri.
Saciid wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in waraabinta xoolaha ay dhib ku qabi jireen ceelkan ka hor. Wuxuu xusay in xoolaha ay marba qeyb soo sii dayn jireen. Biyaha ayuu sheegay in baraagaha ay roobka biyaha dhigeen ay ka soo dhaamin jireen afar ilaa lix rag ah, kaddib xoolaha ay baaldi ku waaraabin jireen.
Ceelkan ayuu sheegay in taa uu meesha ka saaray, maaddaama uu leyahay goob ay xoolaha biyaha ka cabi karaan.
“Labatan ilaa iyo 30 baa la soo dayn jiray markii. Qofkii waraabinaya 100 halaad, isaga oo aan noolayn buu doc u dhici jiray. Hadda berkadaasaa loogu shubayaa, saasaa loo soo daynayaa. Ninkuna waa is-daba taagayaa waa iska heesayaaa. Wax howl ah, wax biyo u soo saar ah iyo wax waqti ah oo kaa lumaya midna ma jirto,” ayuu yiri.
Ayaan Sayte oo ah hooyada shan carruur ah oo ku nool deegaanka Qalwo ayaa ka mid ah dadka ka raystay biyihii magaalooyinka kale looga keeni jiray xiligga abaarta. Waxay xustay in deegaanka uu ku tiirsanaa barkado u keediya biyaha roobka. Balse, abaarta jirta awgeed, baraagihii ayay sheegtay inay qallaleen, taasi na ay sababtay in dadka deegaanka ay iibsadaan biyo qaal ah oo looga keeno deegaano ka fog.
“Biyahaasu wayna anfaceen Ilaah baa mahad leh. Magaalada dhexdeeda rubeeto (tubbo) yar baa nalooga sameeyay oo aan biyaha ka dhaansanno. Jirigaamadan ka dhaansannaa, dharkan isaga dhaqnaa, guryaha ku tir-tirannaa, cunta ku karsannaa, weelka isaga dhaqnaa. Waxaa weeye, biyo aad waqti kasta heleyso oo aadan welwel iyo walaac ka qabin,” ayay tiri.
Xaruunta caafimaadka iyo iskuulka deegaanka ayay sheegtay in biyaha sidoo kale loo geliyay. Ceelkan inta aan deegaanka laga hirgelin, carruurta ayaa masaafo dheer u soo gali jiray, si ay biyo u helaan xilliyada bareega.
“Caruuraha yaryarka waxa weeye waalaga yaabi jiray inay haraad guryahooda uggu noqdaan, laakiin hadda qasabadii baa ugu jirta iskoolka, waa ka faa’idaysanayaan. Waxaa horay u dhacday in carruur iskuulka loo diray ay baraagadihii biyo ka dooneen oo ku dhacay, iyagoo mayd ah guriyahooda la keenay,
aad baan welwel uga qabi-jirnay. Rubeetada (tubbada) ilmaahan u diro, haddaan 10 jeer ku celinno wax welwel ah kama qabno, oo qasabaddu waxaa weeye meel aan wax laqayn,” ayay tiri.
Ceel-biyoodkaan cusub ee Qalwo laga hirgeliyay waxaa loo sameeyay dhismayaal u gaar ah in ay ka cabaan noocyada kala duwan ee xoolaha, qeybo dadka ka dhaansadaan iyo qeybo gaadiidka u gaar ah.
Faarax Maxamuud Ibraahim oo ka mid ah odhiyaasha deegaanka ee ceelkan gacanta ku haaya ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 300 ilaa iyo 500 oo qoys ay maalinkii u soo arooraan ceelka. Wuxuu sidoo kale sheegay in xoolo ka badan labo kun laga waraabiyo maalinkii.
Faarax ayaa tilmaamay in ceelka uu ka dhaxeeyo soddon kun oo qof oo ku nool deegaanka Qalwo iyo tullooyinka ku hareeraysan.
Ceelkan laga hirgaliyay deegaanka Qalwo waxaa hirgelisay wakaaladda horumarinta biyaha Puntland. Waxaa uu dhererkiisu gaarayaa 400m, halkii saacna 60 fuusto oo biyo ah ayuu soo saarayaa. Wuxuu qeyb ka yahay ceelal ay Puntland ka taageertay hirgelintooda hay’adda badbaada caruurta (Save The Children), kuwaasi oo looga hortagayo barakaca dadka reer guuraaga ah. Dhaqaalaha lagu dhisay ceelka waxaa bixisay USAID.










