Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cadaado: Shaqo la’aan haysa haween noloshooda ka maarayn jiray dhar-dhaqista iyo nadaafadda

Radio Ergo by Radio Ergo
October 8, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Cadaado: Shaqo la’aan haysa haween noloshooda ka maarayn jiray dhar-dhaqista iyo nadaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Maxamed Xaashi waxa ay ka mid tahay 60 haween ah oo noloshooda ka maarayn jiray shaqooyinka dhar-dhaqista iyo nadiifinta xarumo shaqada ee magaalada Cadaado. Waxa ay hadda wajahayaan shaqo la’aan soo jirtay ilaa billowgii sanadkan.

Xaliimo oo muddo labo sano ah ka shaqaynaysay nadiifinta xarun ganacsi ayaa bishii ka heli jirtay $120 oo ay ku maaran jitay nolosha carruunteeda oo lix ah.

Shaqadaas ayaa ka joogsatay 18 bishii Feberaayo markii maamulka xarunta ay ku wargaliyeen in ay bixin-waayeen qarashkii ay ku shaqaynaysay. Waxa ay tilmaantay in subax walba ay magaalada aaddo iyadoo rajaynaysa in ay hesho cid ay howl u qabato si ay u hesho wax ay dabka u saarto carruurteeda oo agoon ah.

“Dadku waxa ay ku leeyihiin dabaylaa kacday shaqo lama haysto. Dharka waan kuu dhiibaynaa haddiii aad markaan helno aan ku siinayno oo dayn aad noogu dhaqayso. Waxaan waxba ahayn oo afna jirin, uuraadna jirin ayaa awalba laga soo heli jiray”

Haweenaydan daruufaha ay dadka kale la wadaagto waxaa u dheer in gacan ay naafo ka tahay oo aysan ka qaban karin shaqooyinka adag. Waxa ay sheegtay in markii ay ka tagtay shaqada ay ku wareegto baqaarrada raashinka iibiya iyadoo u dan- sheeganaysa, taas oo ay u aragto xalka keliya ee ay ku noolaan karaan iyada iyo carruurteeda.

Mid ka mid ah dadka baqaarada ku leh magaalada ayaa markii ay uga warrantay xaalkeeda u furay buug dayn ah oo ay muddo afar bil ah ku soo moodday. Bishan ayuu milkiilaha dukaanku u sheegay in lagu yeeshay $370 islamarkaana uusan intaas ka badan siin karin iyada oo aan tii hore gudin.

Xalimo ayaa sheegtay in hadda ay dawarsi nolol ka raadiso maaddaama ay shaqo waysay. Waxay ka warramaysaa sida nolosha qoyskeeda ay isku beddeshay intii ay shaqo la’aanta ahayd.

“Isbeddal waa nagu imaaday. Cuntadii waa nagu qaaliyoowday. Haddii maanta shan doollar aad heshid kuguma filna, cawada saddex doollar haddaad heshid waaba ka sii daran tahayba. Hal waqti ayaaba wax la cunaa. Caawa haddii la karsado wixii hara maantaa la cunaa. saddex waqti ayaa awal wax la karsan jiray, hadda waxaas ma jiraan.”

Xalimo oo qoyskeedu uu sanadkii 2016 dagaal uga soo barakacay Gaalkacyo ayaa deggan xerada Badbaado ee magaalada Cadaado oo nolol adag ay ku haysato.

Haweenka shaqo la’aanta ayaa isugu jira barakac iyo danyar nolol-maalmeedka ka raadsan jiray waxa ay maalintii qabtaan.

Shukri Aadan Xuseen oo qoyskeedu uu ka kooban yahay 11 qof waxa ay ka mid yihiin 200 oo qoys oo deggan xerada Daryeel ee duleedka Cadaado, kuwaas oo ku soo cayrtoobay abaaraha dalka ka dhacay ilaa 2017. Waxay noloshoodu ku tiirsanayd dhar-dhaqid ay magaalada u aadi jirtay, taas oo ay ka soo heli jirtay hadba wax ay dabka saartaan.

Waxa ay sheegtay in muddo labo bil ah aysan magaalada u shaqo tagin oo ay guri joog noqotay markii ay waysay cid shaqo ay u qabato.

Shukri aya tilmaamtay in ay ahayd isha keliya ee dhaqaale soo galin jirtay qoyska, maaddaama saygeeda uu yahay naafo aan guriga dhaafin. Waxay ka warramaysaa caqabadaha soo kordhay ee shaqo waayiddoooda qeybta ka ah.

Shaqo la’aanta magaalada ka jirta waxaa ku darsoomay sicir-bararka raashinka oo sii adkeeyay noloshooda. Haweenka ayaa sheegay in haddii ay maalintii ay shaqo helaan aysan u goyn wax hal waqti ay dabka saartaan.

Salaado Nuur kaalmoy waxa ay dhar-dhaqid ku soo shaqaysanaysay muddo afar sano ah oo ay daganayd xerada Badbaado, waxa ay ka soo hesho shaqadeeda ayay ku maarayn jirtay nolosha qoys keeda oo sideed qof ka kooban.

Waxay keligeed u shaqeyn jirtay qoska maaddaama aabbaha reerka uusan shaqayn oo uu yahay waayeel sariir saaran. Waxa ay xustay Salaado in aaminsan tahay in dhibaatada shaqo la’aanta ay ka dhalatay sicir-bararka maciishadda.

“Abaaraa saamaysay shaqo qaab leh ma leh. Labo beri saddex beri ma la shaqaynaayo. Si la yeelo ayaa la waayay. Shalay waan iska soo noqday magaalada markaan tagay.”

Cabdinuur Xasan Cismaan oo ah bare kuliyadda dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Bariga-Afrika faraceeda magaalada Cadaado ayaa sheegay in dadka danyarta ah ee ku nool gobolka Galgaduud ay saamaynta abaarta iyo sicir bararka u dheer tahay diidmada shilinkii Soomaaliga oo aan la isticmaalin muddo afar sano ka badan.

Wuxuu intaas ku daray in ay u fududayn jirtay in dadku ay wax ku sadaqaystaan dad dawarsanaya balse hadda dadka ay culeys tahay in ay taleefan lacag uga tuuraan.

Dhanka kale Cabdinuur waxa uu qabaa in dadkaan xiligaan aysan jirin fursado ay iyagu abuuran karaan oo ay si fudud ay noloshoda ugu beddeli karaa haddii aysan helin cid gacan qabata.

“In dowladi isku hawsho maahane ma jraan sifo kale oo ay ku dedaali karaan, maaddaama ay xirfaddoodu hal ahayd, halkiina ay meesha ka baxday, mid cusub oo ay isla gadinaayaana aysan jirin.”

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadaado Nuur Yaroow Xayle oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa tilmaamay in xitaa dadka ganacsatada ah ay qarka u saaran yihiin in ay meheradahooda albaabada iskugu dhuftaan. Wuxuu sheegay in dadkii wax ka gadan jiray ay deyn hadda ka qaataan, taas oo saameyn ku leh in ganacsigooda uu sii socdo.

Wuxuu xusay in ka muumul ahaa ay waxba ka qaban karin xaaladda dadka abaaraha ka soo xarooday iyo kuwii horay u degganaa magaalada oo ay dhaaftay heer maamul.

Previous Post

Doolow: Qoysaska ka soo barakacay colaad iyo sicir barar oo cunto yari iyo hoy la’aan ay ku haysato xerada Qurdubey

Next Post

Deegaanka Qalwo ee gobolka Bari oo ceel-biyood baahi wayn loo qabay laga hirgeliyay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Deegaanka Qalwo ee gobolka Bari oo ceel-biyood baahi wayn loo qabay laga hirgeliyay

Deegaanka Qalwo ee gobolka Bari oo ceel-biyood baahi wayn loo qabay laga hirgeliyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo