Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Doolow: Qoysaska ka soo barakacay colaad iyo sicir barar oo cunto yari iyo hoy la’aan ay ku haysato xerada Qurdubey

Radio Ergo by Radio Ergo
October 6, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Doolow: Qoysaska ka soo barakacay colaad iyo sicir barar oo cunto yari iyo hoy la’aan ay ku haysato xerada Qurdubey

Nuur Cabdullahi iyo wiilkiisa oo qabo xanuunka albiinada oo geed hoostiisa fadhiya/ Maxamuud Cabdirashid/ Ergo

9
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Canab Xuseen Maxamed oo ah 54 jir ayaa carruurteeda oo lix ah u la’ cunno iyo hoy ku filan. Qoyskeeda ayaa bishii Agoosto ee sanadkan ka soo barakacay miyiga degaanka Aato ee gobolka Bakool markii ay isku biirsadeen colaad, abaar iyo sicir barar.

Raashin hal wakhti ah oo ay waydiisato qoysaska kula nool xerada Qurdubey ee duuleedka degmada Doolow ayay carruurteeda siisaa oo aan joogto ahayn.

“Xalay baa noogu danbeysay raashin. Raashinba ma karsanno wax aan islaamka ka soo qaadanno mooyee guri keenna ah laguma arkayo. Wax xigto ah oo aan wax ka qaadanno malahan,” ayay tiri.

Qoyska Canab ayaa ka mid ah ku dhawaad shan kun qoys oo ka kala yimid tuulooyin hoos tago magaalooyinka Yeed, Aato iyo Washaaqo ee gobolka Bakool oo ay ka jirto colaad ka dhalatay dagaallo ka dhacay bishu July ee sanadkan.

Xeradu malahan xarun caafimaad iyo goob lagu quudiyo carruurta la il daran nafaqo darrada, waxayna indhahaagu qabanayaan marka aad halkan timaado carruur ay ka muuqato duruufta abaarta iyo cunto yaridu keentay.

“Wax naga danbeeyo oo aduunyo iyo gargaar oo aan sugeyno ma jirto. Wax gargaar ah oo aan meel ka helnay malahan. Ilmaha yar gaajo iyo baahi baa yeeshay. Ma haysanno biyo iyo hoy midna wabigaa ayaa haween dhaqaaqi la’ dhabarka ku dhaansadaan,” ayay tiri Canab.

Canab iyo carruurteeda ayay ku qaatay shan maalmood oo lug ah kadib inay soo gaaraan xeradan. Abaarta ayay ku waayeen 255 noof oo ari ahaa iyo 42 neef oo geel ahaa. Xoolaha marka ay ka dhammaadeen waxay nolal-maalmeedka ka soo saari jireen qoryaha dabka lagu shito oo ay ku iibin jirtay suuqa magaalada Aato.

Qoysaskan ayaa intooda badan waxaa hoy u ah geedaha oo ay ku xirxirteen maryo aan ka celin Karin qorraxada maalinti iyo qabowga habeenkii.

Nuur Cabdulahi Alaale oo haysta wiil lix sano jir ah oo qabo xanuunka albiinada ayaa sheegay in xaaladda wiilkiisa ay aad u adagtahay maadama qabow iyo kulayl midna uusan u adkeysan Karin.

“Wiilkan marki hore xoolaha dheeftooda iyo subaggooda iyo dheecaankooda ayaa lagu daryeeli jiray hadda waa la waayay dadka meeshan igula nool ee xerada jooga isku mid ayaan nahay. Hoy la’aanta isaga wax ugu daran malahan,”ayuu yiri.

Qoyska Nuur oo xoolo dhaqato ku ahaa miyiga magaalada Yeed ee gobolka Bakool ka hor inta uusan colaadda ka soo barakicin dabayaaqadii bishii agoosto waxay abaarta ku waayay 80 neef oo lo’ ahaa iyo ari labo tiro ahaa.

Ma jirto il dhaqaale oo uu qoyskiisu ku tiirsan yahay. Dadka dariska kula ah xerada ayaana mararka qaar ku caawiyo raashin hal mar uu carruurta ku quudiyo. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in welwelka ugu wayn ee uu qabo ay tahay wakhtigan cunno uu carruurta siisto.

“Nolol wax hadda aan dhihi karo waxaas ayay cunnaan ma garanayo. wax guri u yaallo maleh wax jeeb loogu hayo maleh. Xalay rubac bariis oo aan karsanay ayaa noogu danbeysay ilaa xilligan waan ku joognaa,” ayuu yiri Nuur.

Nuur ayaa geesta kale hay’adaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay u soo gurmadaan maadaama aanu helin wax gargaar samafal ah tan iyo imaanshahooda halkan.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo dadka islaamka waxaan leenahay walaalihiin oo meeshan ku baaba’ayo ayaan nahay in si khaas ahaan naloo soo dhowro. Xaaladeenna hoos ha loo soo eego. kuwo uur, kuwo umul ah, kuwa xanuunsan oo aan awooodin inay helaan adeeg caafimaad ayaa nagu jira, ayuu yiri Nuur.

Cabdiraxmaan Faliir Cumar oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska ergeyga gaarka ee arimaha abaaraha dalka oo socdaal uu ugu kuurgalayay xaaladda ay ku sugan yhiin qoysaskan ayaa sheegay in dadkaas haysan cunto, hoy iyo biyo. Wuxuu intaa ku daray in webiga uu u jiro laba kilo mitiri islamarkaana aysah haysan wax ay ku soo dhansadaan oo gaadiid ah.

Previous Post

Cadaado: Xirfadda harqaanka oo haween danyar ah u suura gelisay maareynta nolosha qoysaskooda

Next Post

Cadaado: Shaqo la’aan haysa haween noloshooda ka maarayn jiray dhar-dhaqista iyo nadaafadda

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Cadaado: Shaqo la’aan haysa haween noloshooda ka maarayn jiray dhar-dhaqista iyo nadaafadda

Cadaado: Shaqo la'aan haysa haween noloshooda ka maarayn jiray dhar-dhaqista iyo nadaafadda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo