Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Cadaado: Xirfadda harqaanka oo haween danyar ah u suura gelisay maareynta nolosha qoysaskooda

Radio Ergo by Radio Ergo
October 5, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Alt text: Skills training conducted by Wadani Institute for dispossessed Somali pastoralists living in Badbado IDP camp in Adado, Galgadud, has enabled them to make a new living to support their families and their children’s education. 30 women trained in tailoring have set up a cooperative and are working for the first time.

Kaafiyo (Dhexda) oo haweenka kale si iskaashi ah dhar ula toleysa/Cismaan Madaale/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kaafiyo Aadan Xasan oo ku nool xerada Badbaaado ee duleedka magaalada Cadaado waxay ku shaqeysataa harqaan ay ku tosho dharka. Xirfaddan oo u noqotay il dhaqaale waxaa maalinle uga soo gala lacag u dhaxaysa $5-7.

Shaqadeeda cusub waxay u suura gelisay inay sannad dugsiyeedkan iskuulka Imaamu-maalik geyso shan ka mid ah carruurteeda. Waxay bille uga bixisaa tacliintooda $30. Waxay horey u awoodi wayday inay ku darto goobaha cilmiga.

Haweenaydan shaqada ka heshay himilooyin nololeed ayaa ku hanweyn inay ka caawin doonto maareynta nolosha qoyskeeda oo siddeed qof ka kooban iyo inay kaga baxdo nolosha barakacnimada.

“Maadaama kaamka aan ku suganahay hadda, waxaan haminayaa in aan magaalada soo dhexgalo. Waxaana rajeynayaa in aan kiradii iska awoodo markaas kaddib ilmahaygu iskuulada iyo dugsiyada wax iiga bartaan. Saas ayaaba qalbigayga ku jirta,” ayay tiri.

Kaafiyo ayaa ka mid ah 30 haween ah oo 10 febraayo ka qalin-jabiyay Machadka barashada xirfadaha gacanta ee Waddani. Waxaa si bilaash ah loo baray xirfadda harqaanka.

Waxay shaqaysaa siddeed saac oo xariir ah si ay nolol maalmeedka qoysaskeeda iyo waxbarashada carruurta u hesho. Waxay u aragtaa mid ay ku gaari garto guulo waaweyn oo dhanka nolosha qoyskeeda ah.

“Waxaan ahaa qof iska danyar ah ilmahayga calaladooda aan dabaran karin. Waxaan ka helay ilmahayga dharkoodii, shaanbadoodii, oomadoodii. waxaan ka helay intii hoose oo dhan ee qoysku u baahnaa, saas ayaan fursad fiican oo qaali ah ku helay. Haddana waxaan rajaynaayaa in aan lacag ka aruursado kaddibna aan tukaan furto hamigaygu saas weeye”.

Qoyska Kaafiyo ayaa ka soo guuray deegaanka Dhuumoodle oo Cadaado 25 km dhanka galbeed kaga beegan markii 250 neef oo ari ah iyo labo rati oo ay dhaqan jireen ay ku waayeen abaartii 2017. Waxay xiligaas dageen xerada barakaca Badbaado ee duleedka magaalada.

Kaafiyo keliya ma aha dadka xirfaddan ku shaqeysta, waxaa ka mid ah Nasro Maxamed Cali oo 21 jir ah. Waxay si gaar ah u toshaa dharka dumarka iyo carruurta. Shaqadan ayaa ka saartay welwelkii ka haystay raashin u helidda carruurteeda oo labo ah iyo lix walaalaheed ah.

“Maalinba wax ayaan shaqaysannaa. Maalin shan dollar, maalin $10. Markaan shaqadan bilaabay ayaan hamiyeeshay. Markaas ayaan ogaaday in aan wax soo saaran ka raba,” ayay tiri.

Haweenkan ayaa u wada shaqeeya si iskaashi ah. Waxa ay subax kasta ku wareegaan dadka dharka iibiya iyaga oo ka qaadaya hadba wixii dhar ah ee ay tolid u rabaan. Markay tolaan ayay dib ugu geeyaan goobaha macaamiisha. Faa’iidada ayay u qeybsadaan si siman.

Waxaay qaybsadaan waxii ay helaan oo guryahooda ku soo tolaan galabtiina dadkii dib ugu celiyaan. iyagoo qayb sadaan waxii ay shaqeeyeen.

Waxay maalin kasta iska aruuriyaan nus dollar (0.5). Marka la isku daro maalintii waxay aruuriyaan $15. Ujeedka ay ka leeyihiin ayaa ah inay ka caawiso furashada xarun ay ku shaqaystaan oo ay uga maarmaan in ay xaafadaha dharka ku tolaan.

Fursaddan waxbarasho ee ay heleen haweenkan oo ka soo jeeda qoysas sabool ah waxaa maal gelisay hay’adda Mercy Corps. Sidoo kale waxay ka caawisay helidda harqaanada ay ku shaqeystaan.

Xaruntan oo la furay 2018 ayaa waxaa xirfadaha gacata ka bartay arday gaaraysa 480 oo u badan dadka iyaga oo waaweyn baadiyaha ka yimid, ardayda ka hara waxbarashadda tooska ah, iyo dadka waaweyn ee aan waxbarshadda tooska ah ay ku adag tahay.

Nasteexo Axmed Cismaan oo haweenka barta harqaanka ayaa qabta in qofka xirfadda leh uu ka fursad fiican yahay kuwa waxbarashada tooska ah dhigta.

Maamulaha machadka Maxamed Xuseen Shuuriye ayaa sheegay in xaruntan furitaankeeda ay ay ku dhalisay markii uu arkay in ay jiraan dad badan oo aan lahayn xirfado ay nolosooda ku maareeyaan.

“Waxaan aragnay dadkaan abaaraha ka soo barakacay markay magaalada soo galeen iyo dadka colaadaha ka soo barakacay ayaa waxaan hindisay in machad la furo si dadkaas tabarta yar lagu soo dhiso oo maadaama dadkii aan in wax la siiyo iyo aan gacan lala kala gaarin noloshooda si ay u maareeyan loo sameeyo shaqo abuur,” ayuu yiri.

Previous Post

Kismaayo: Haween gabdhaha gudi jiray oo hadda ku shaqeysta xirfado la baray

Next Post

Doolow: Qoysaska ka soo barakacay colaad iyo sicir barar oo cunto yari iyo hoy la’aan ay ku haysato xerada Qurdubey

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Doolow: Qoysaska ka soo barakacay colaad iyo sicir barar oo cunto yari iyo hoy la’aan ay ku haysato xerada Qurdubey

Doolow: Qoysaska ka soo barakacay colaad iyo sicir barar oo cunto yari iyo hoy la’aan ay ku haysato xerada Qurdubey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo