(ERGO) – Kaafiyo Aadan Xasan oo ku nool xerada Badbaaado ee duleedka magaalada Cadaado waxay ku shaqeysataa harqaan ay ku tosho dharka. Xirfaddan oo u noqotay il dhaqaale waxaa maalinle uga soo gala lacag u dhaxaysa $5-7.
Shaqadeeda cusub waxay u suura gelisay inay sannad dugsiyeedkan iskuulka Imaamu-maalik geyso shan ka mid ah carruurteeda. Waxay bille uga bixisaa tacliintooda $30. Waxay horey u awoodi wayday inay ku darto goobaha cilmiga.
Haweenaydan shaqada ka heshay himilooyin nololeed ayaa ku hanweyn inay ka caawin doonto maareynta nolosha qoyskeeda oo siddeed qof ka kooban iyo inay kaga baxdo nolosha barakacnimada.
“Maadaama kaamka aan ku suganahay hadda, waxaan haminayaa in aan magaalada soo dhexgalo. Waxaana rajeynayaa in aan kiradii iska awoodo markaas kaddib ilmahaygu iskuulada iyo dugsiyada wax iiga bartaan. Saas ayaaba qalbigayga ku jirta,” ayay tiri.
Kaafiyo ayaa ka mid ah 30 haween ah oo 10 febraayo ka qalin-jabiyay Machadka barashada xirfadaha gacanta ee Waddani. Waxaa si bilaash ah loo baray xirfadda harqaanka.
Waxay shaqaysaa siddeed saac oo xariir ah si ay nolol maalmeedka qoysaskeeda iyo waxbarashada carruurta u hesho. Waxay u aragtaa mid ay ku gaari garto guulo waaweyn oo dhanka nolosha qoyskeeda ah.
“Waxaan ahaa qof iska danyar ah ilmahayga calaladooda aan dabaran karin. Waxaan ka helay ilmahayga dharkoodii, shaanbadoodii, oomadoodii. waxaan ka helay intii hoose oo dhan ee qoysku u baahnaa, saas ayaan fursad fiican oo qaali ah ku helay. Haddana waxaan rajaynaayaa in aan lacag ka aruursado kaddibna aan tukaan furto hamigaygu saas weeye”.
Qoyska Kaafiyo ayaa ka soo guuray deegaanka Dhuumoodle oo Cadaado 25 km dhanka galbeed kaga beegan markii 250 neef oo ari ah iyo labo rati oo ay dhaqan jireen ay ku waayeen abaartii 2017. Waxay xiligaas dageen xerada barakaca Badbaado ee duleedka magaalada.
Kaafiyo keliya ma aha dadka xirfaddan ku shaqeysta, waxaa ka mid ah Nasro Maxamed Cali oo 21 jir ah. Waxay si gaar ah u toshaa dharka dumarka iyo carruurta. Shaqadan ayaa ka saartay welwelkii ka haystay raashin u helidda carruurteeda oo labo ah iyo lix walaalaheed ah.
“Maalinba wax ayaan shaqaysannaa. Maalin shan dollar, maalin $10. Markaan shaqadan bilaabay ayaan hamiyeeshay. Markaas ayaan ogaaday in aan wax soo saaran ka raba,” ayay tiri.
Haweenkan ayaa u wada shaqeeya si iskaashi ah. Waxa ay subax kasta ku wareegaan dadka dharka iibiya iyaga oo ka qaadaya hadba wixii dhar ah ee ay tolid u rabaan. Markay tolaan ayay dib ugu geeyaan goobaha macaamiisha. Faa’iidada ayay u qeybsadaan si siman.
Waxaay qaybsadaan waxii ay helaan oo guryahooda ku soo tolaan galabtiina dadkii dib ugu celiyaan. iyagoo qayb sadaan waxii ay shaqeeyeen.
Waxay maalin kasta iska aruuriyaan nus dollar (0.5). Marka la isku daro maalintii waxay aruuriyaan $15. Ujeedka ay ka leeyihiin ayaa ah inay ka caawiso furashada xarun ay ku shaqaystaan oo ay uga maarmaan in ay xaafadaha dharka ku tolaan.
Fursaddan waxbarasho ee ay heleen haweenkan oo ka soo jeeda qoysas sabool ah waxaa maal gelisay hay’adda Mercy Corps. Sidoo kale waxay ka caawisay helidda harqaanada ay ku shaqeystaan.
Xaruntan oo la furay 2018 ayaa waxaa xirfadaha gacata ka bartay arday gaaraysa 480 oo u badan dadka iyaga oo waaweyn baadiyaha ka yimid, ardayda ka hara waxbarashadda tooska ah, iyo dadka waaweyn ee aan waxbarshadda tooska ah ay ku adag tahay.
Nasteexo Axmed Cismaan oo haweenka barta harqaanka ayaa qabta in qofka xirfadda leh uu ka fursad fiican yahay kuwa waxbarashada tooska ah dhigta.
Maamulaha machadka Maxamed Xuseen Shuuriye ayaa sheegay in xaruntan furitaankeeda ay ay ku dhalisay markii uu arkay in ay jiraan dad badan oo aan lahayn xirfado ay nolosooda ku maareeyaan.
“Waxaan aragnay dadkaan abaaraha ka soo barakacay markay magaalada soo galeen iyo dadka colaadaha ka soo barakacay ayaa waxaan hindisay in machad la furo si dadkaas tabarta yar lagu soo dhiso oo maadaama dadkii aan in wax la siiyo iyo aan gacan lala kala gaarin noloshooda si ay u maareeyan loo sameeyo shaqo abuur,” ayuu yiri.