(ERGO) – Sahra Maxamuud Dool oo muddo 15 sano ah ku howl lanayd gudniinka fircooniga ah oo ay ku sameyn jirtay gabdhaha waalidiintoodu u keenaan ayaa go’aansatay joojinta caadadaas, markii la baray xirfadda dhar-karinta. Shaqadan ayay ka soo saarataa nolol-maalmeedka carruurteeda oo lix ah.
Waxay ka mid tahay 36 haween ah oo ku nool Kismaayo, kuwaas oo ururka Hablo-kaab uu u sameeyay wacyi-galin ka dhan ah fircooniga isla markaasna uu baray xirfadaha gacanta sida sameynta shaambada, uunsiga iyo dhar-karinta.
Sahra oo 55 jir ah waxay billowday ku shaqaynta xirfaddda la baray bil ka hor, siddeed saac oo ka mid ah maalintii ayay wareejisaa dharka ay midabeyso si looga iibsado.
Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in dharka ay beec-geyso iyo agabka ay ku kariso in ay ka caawiyaan ururka xirfadda baray, maaddama wali aysan gaarin heer ay isku filnaato.
Waxay sharraxaysa sida ay u qabto shaqadeeda iyo dhaqaalaha maalinlaha ah ee ka soo gala.
“Dhar baan gabdhaha ka qaataa siddeed dirac iyo garbasaarradooda ayaan ka qaataa, waan soo wareejiyaa. Wixii ilaahey iga siiyo hadde ciyaalkaan ku la laabtaa. Wixii lafaha ahna iyagaan(ururka gabdhaha) u keenaa, haddii aan toddobo dirac gado $7 baan ka helaa, haddii siddeed dirac aan gado $8 baan ka helaa. Diracii ba $1 ayaa iigu jira, marka ciyaalkayga sidaas baan u maareystaa. Waxbarashada uga dhiibtaa, hooyo baan ahay hooyana si ay wax u dhaqaaleyso ma wayneyso. Hooyonimo baan ku dhaqaaleysanayaa,” ayay tiri Sahra.
Horraantii bishii Janaayo ee sanadkan ayaa ugu danbeysay Sahra gabar ay guddo sida ay sheegtay, markaas oo ururka Hablo-kaab uu ku qanciyay iyada iyo haween kale in ay u weecdaan barashada xirfaddaha gacanta.
Sahra ayaa sheegtay in gudniinka ay sameyn jirtay uu dhibaato u horseedi jiray gabdhaha yar yar, kuwaas oo la kulmi jiray guurkooda ka dib in ay ku adkaato dhalmada, maaddama ay toli jirtay inta badan xubinteeda taranka.
Waxay xustay in dalabka nuuca ay u gudi jirtay gabdhaha oo u badnaa fircooni uu ka imaan jiray waalidkooda, kuwaas oo u arkayay in sharaftooda uu dhowrayo.
Lacag u dhaxeysa $10 ilaa $20 ayay ku gudi jirtay halkii gabar waxaana maalintii ay qaabili jirtay labo ilaa saddex gabar.
“Dadka aan waxba haysanin $10 ama $15 baa laga qaadayay, ninkii wax haystana $20. Mustakafi baan ahayn, shaqo fiican baan ku haysannay, wixii haddii ay xun yihiin culimada laga dhageystay idaacaddaha laga dhageystay oo wixii way xun yihiin la yirina hadde gabdhihiina ilaahey ii keenay saama alle baa lagu socdaaye waan iska daayay, markii la I wacyi galiyay, ilaahey baa fatax noo furay waan iska joojinnay oo waan dhaafnay,” ayay tiri Sahra.
Haweenaydan dhaqaalaha ay ka hesho xirfadda dhar-karinta waxay ka yar lacagtii soo gali jirtay markii ay sameyn jirtay gudniinka fircooniga ah, hayeeshee, arrintan caqabad kuma noqon in ay iskaga filnaato cunnada iyo waxbarashada ilmaheeda.
Afar ka mid ah carruurteeda ayaa u dhigta iskuulka hoose iyo dhaxe ee Waamo oo ku yaalla magaalada Kismaayo. Ardaydan oo labo ay gabdho yihiin waxbarashadooda waxay ku bixisaa bil walba $28.
Maryan Mahdi Aadan guddoomiya ururka Hablo-kaab ee fursadaha shaqo u abuuray Sahra iyo haweenka kale ayaa sheegtay in ujeeddada ay ka la haayeen barnaamijkan uu ahaa yaraynta gudniinka fircooniga, iyadoo loo marayo in dadka ku howlan arrintan loo sameeyo fursado shaqo oo ay kaga maarmi karaan.
“Wacyi-galin badan baan u sameynay. Ilaa labo bilood iyada oo aan wax la barin wacyi-galin baa lagu waday. Wadaaddo ayaa loo keenay. Waxaa loo sheegay dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircooniga waxay diintu ka qabto culimada ayaa u sheegay. Way nala qaateen, waxay qiil ka dhiganayeen in ay waxaan u tahay xirfad ay ku shaqaytaan. Haddii maanta ay daayaanna ay ilmahoodii dabku uu ka damayo iskuulkana wax ay uga bixiyaan aysan hayn,” ayay tiri Maryan.
Nuunay Yuusuf Aadan waxay ka mid tahay dumarka ku qancay fekerka joojinta gudniinka fircooniga ah ee ururka Hablo-kaab uu fursadaha shaqo loo abuuray.
Waxay baratay xirfadaha sameynta uunsiga iyo dhar-karinta oo hadda ay ku shaqeyso.
Hooyadan oo 65 jir ah waxay dhaqaalaha ugu badan ka heshaa iib-geynta dharka ay midabbeyso. Lacag u dhaxeysa $5 ilaa $10 ayaa si maalinle ah u soo gasha, taasi oo ay ku maareyso qoyskeeda oo 13 qof ka kooban.
Nuunay waxay iiga warrantay sida ay u qabto shaqada karinta ama midabbeynta dharka.
“Shaambada iyo waxyaabo kale oo daawooyin ah ayaan isku dardarnaa biyahaas baan dabka la saarnaa. Markii ay karaana aad baan u walaaqnaa garbahaas baa ku go’aya. Markay karto waan dajinaa oo way noo qabowdaa. Ka bacdi dharkii aan laalaabnay ayaan gashannaa, 7 xabbo, 8 xabbo, 9 xabbo dhar sidaan u helno oo u sameyno ayaan u soo wareejinnaa,” ayay tiri Nuunay.
Lix ka carruurteeda ah oo mid ay gabar tahay ayaa u dhigta dugsiga hoose iyo dhexe ee Rugta oo ku yaalla Kismaayo, Labo ayaa waxbarashada bilaash ku dhigta halka afarta kale laga qaado bishii $40.
Waxay sheegtay in maamulka iskuulka ay u dan-sheegatay, maaddama qarashka waxbarashadooda carruurteeda oo kaligeed ay koriso aysan wada awoodin.
“Tabar-darrada bay igu tixgaliyeen macalimiinta. Waan u dan-sheegtay dhibkaas baa ihaysta ilmahaas agoomaha ah baan korsanayaa baan iri, ilmaha qaar way ku jiraan laakiin lagama qaado lacag, laakiin intaan heli karo baa keen la i dhahay,” ayay tiri Nuunay.
Xirfadda dhar-karinta ee ay ku shaqeyso ayaa la barayay muddo lix bil ah. Tan iyo xiligaas howsha gudniinka maysan qaban, maaddama il-kale oo dhaqaale aysan haysan waxay sheegtay in ay isku sii maarayneysay lacag $700 ah oo kayd ahaan ay u haystay.
Xarunta ururka Hablo-kaab ee xirfadda baray Nuunay waxay leedahay qayb lagu iibiyo dharka la midabbeeyo iyo uunsiga, haweenka xirfadaha gacanta dhameeyay ayaana ka faa’iideysta.
Maryan Mahad guddoomiyaha ururka Hablo-kaab ayaa sheegay in qaybta suuq-geyn ay siiyeen haweenka wax la baray si faa’iidada ka soo baxda iyaga ay u yeeshaan.
Haweenka sanadaha badan ku jiray sameynta gudniinka fircooniga ah ayay tilmaantay in ay xusheen si caadadaan loo suuliyo, maaddama shaqo ay ka dhigteen.
Maryan intaas waxay ku dartay in 80 dumar ah oo kale in ay xaruntooda ka bartaan xirfadaha gacanta, kuwaas oo laga kala keenay Kismaayo iyo deegaannada u dhow.