Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Gabar shaqada kabo caseynta ka masruufta qoyskeeda oo barakac ah

Radio Ergo by Radio Ergo
October 3, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Maryan, 14, goes to work every day shining shoes to support her sick mother in hospital, as well as her siblings and grandmother. Her father died some years ago and they returned to Mogadishu from Yemen where they we reliving as refugees. She earns two or three dollars a day when lucky to get shoes to shine.

Maryan Cabdisamad 14 jir shaqada kabo caseynta ugu hawlan si ay qoyskeeda ugu hesho cunno/Naciimo Saciid Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maryan Cabdisamad Muuse oo 14 jir agoon ah ayaa nolosha qoyskeeda oo ka kooban sagaal qof ka soo saarta shaqada kaba caseynta. Waxay ka soo lugeysaa maalin walba degmada Kaxda waxayna timaadda agagaarka isgoyska Dabka oo ka tirsan degmada Hodan si ay u hesho dad ay u baalashto kabaha.

“Mar mar dacaska kaa go’aya sidaad u lugeynaysid. Subaxdii hal saac baan soo baxaya ilaa afar saac baan imaanaya. Beledka waa iska xun yahay. Gabar baan ahay wax badan baa la sheegaya. Mooto raac baa mar walba niyada iga jira. Lacag ma haysto sidaasaan mar walba isaga lugeynaa,” ayay tiri.

Qoyskeeda oo ku nool xero barakac oo ku taalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa biisha laba ilaa 3 doollar oo Maryan ay ka soo shaqayso baalashnimada.

“Shaqadan shaqo ka fiican ma arkaysid. Guri shaqo ah waa lagugu gumeysanaa. Waa lagu dilaa. Nimanka kaalay na raac noo soo shaqee bay ku dhahayaan mala amini karo. Dhar dhaqow tabartay ma aha. Wax kalena ma kasayo. Gabar caseeye ahna shaqo ma la siinayo. Tuugo ayay ku maleynayaan. Wiilasha way iska dhib badan yihiin habeenkii haddaad daahdo ma ku dhaafayaan. Dhib badan baan ku qabaa magaalka,’’ ayay tiri.

Qoyska Maryan ayaa ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen 2015 xilligaas oo uu ku dhintay aabbaheed oo soo saari jiray nolosha qoyska. Dhibaatooyinka haysta waxaa ka mid ah inay haysan hoy fiican oo ay ka galaan roobka ka da’aya magaalada.

“Gurigeenna waa guri buush ah oo kor roobka ka soo deynaya oo laba qol xataa aan ahayne hal qol ah oo aan isku cariirino. Hoos ma leh barsada. Dan baa noo geysay hoy la’aan,” ayay tiri.

Nolosha qoyska waxaa horey u haysay Maryan hooyadeed balse shantii bilood ee la soo dhaafay waa bukaan jiif ku jira isbitaalka Banaadir.

Welwelka ugu badan ee haysta Maryan ayaa ah inaysan awoodin dhaqaale loo sheegay in hooyadeed ay u baahan in lagu daaweeyo oo gaaraya laba kun oo doollar.

“Cidlo iyo welwel hooyo la’aan miyaa la noolaan karaa. Hooyadey xanuunka haya wax walba waa iiga kurbo badan yahay. Laakiin waxba uma awoodo. Haddaan heli lahayn cid hooyadeen noo daaweysa oo na caawisa way fiicnaan lahayd laakiin cid wax ku siineysa malaha. Niyadda waxaa iga jirta waa la kheyrayaa. Duruufta adag waa laga baxayaa iska samir,’’ ayay tiri.

Da’yartan ayaa sheegtay inay shan ka mid ah carruurta walaalaheed ah oo ay da’doodu u dhexeyso (5-12) ay ka hareen waxbarasho maadi iyo diini isugu jirtay bishi saddexaad ee sanadkan markii ay waayeen lacagta waxbarashada oo gaaraysa 50 doollar bishii.

“Anigoo gabar ah waxbarasho weligey ma helin. Far-Soomaaliga xataa ma aqaan. Waxbarasho la’aan walaalaha yay noqon baan islahaa. Waan awoodi waayay. Biil iyo guri ma isku keeni karo. Af-Soomaali iyo qur’aan in la baro muhiim ayay ahayd laakiin waan awoodi wayney,” ayay tiri.

Faadumo Cabdiqaadir Maxamed oo ah Maryan ayeeyadeed ayaa sheegtay in guud ahaan dhaqaalaha qoyskan uu ku tiirsan yahay gabadhan yar oo aysan jirin il kale. Biyaha iyo korontada ayay ku helaan si bilaash ah. Waxaa ka caawiya dadka la deggan xerada balse waxay iska bixiyaan kirada guriga buul-ka ah oo bishi laga qaado lacag dhan 150 kun oo shilin Soomaali ah.

Previous Post

Baardheere: Qoysas carruurtooda geedaha hoos seexin jiray oo helaya guryo ay deggaan

Next Post

Kismaayo: Haween gabdhaha gudi jiray oo hadda ku shaqeysta xirfado la baray

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Veteran Somali women who earned a living carrying out female genital mutilation (FGM) have stopped the harmful practice after receiving education and skills training from a local grassroots women’s organisation in Kismayo, southern Somalia. They are earning decent incomes from selling dyed cloth and making incense in the market and managing to support their families and educate their children.

Kismaayo: Haween gabdhaha gudi jiray oo hadda ku shaqeysta xirfado la baray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo