Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Baardheere: Qoysas carruurtooda geedaha hoos seexin jiray oo helaya guryo ay deggaan

Ahmed Mohamed by Ahmed Mohamed
October 2, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Baardheere: Qoysas carruurtooda geedaha hoos seexin jiray oo helaya guryo ay deggaan

Qoysas barakac ah oo la siiyay guryo loogu dhisay inay ka galaan roobka Dayrta ee la filayo/Cumar Caydaruus/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun saddex boqol toban iyo saddex qoys oo barakac ku ah xeryo ku yaalla magaalada Baardheere oo hoy la’aan darteed geedaha dugsan jiray ayaa 17 bishii Agoosto helay aqallo ka samaysan teendhooyin oo ay ku caawisay  hay’adda maxalli ah  ee HAPPEN.

Maxamed Axmed Xasan oo ah 73 jir naafo ah iyo qoyskiisa oo ka kooban siddeed qof waxay ku faraxsan yihiin inay ka mid yihiin qoysaska nasiibka u yeeshay helidda gabbaad ay ka galaan cadceeda, dabaylaha iyo roobka dayrta ee la filayo.

Qoyskan oo ku noolaa miyiga degmada ayaa abaarta ku waayay 68 neef oo ari ahaa. Maxamed ayaa sheegay inay danta ku qasabtay inay barakacnimada nolol ka soo raadiyaan.

“Naf baan la soo cararay magaalada iyo meesha uun la joogo dad leh iyo meesha biyo leh. Hoyga aad baan ugu faraxsanahay. Waa na loo dhisay, alaabna waa nala siiyay oo maacuun ah,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inuu dadka ka codsado inay caawiyaan maadaama uu yahay naafo aan qaban karin shaqooyinka xamaaliga ah sida dhismaha guryaha iyo dajinta rarka gaadiidka xamuulka.

“Magaaladaan iska aadnaa. Dadka iska soo shaxaadnaa. Mid hal doollar na siiyo. Nin tumin sonkor ah na siiyo. Wax na siiya yaan dhahnaa. Saddexda waqti hal maraan wax cunnaa,” ayuu yiri.

Wuxuu ku lab qabowsanayaa inuu carruurtiisa u helay hoy balse weli wuxuu la daalaa dhacayaa sidii uu ugu heli lahaa quud maalmeedka nolosha.

Qoysaska guryaha la siiyay ayaa laga soo xulay lix xero oo ku yaalla magaalada Baardheere. Waxay isugu jireen kuwo degganaa guryo ciriiri ah iyo kuwo geedaha ay u ahaayeen hoy.

Cabdi Bare Faarax oo ah 60 jir iyo qoyskiisa 15 qof ah 11 bilood ayay ku noolaayeen aqal cariiri ah balse hadda waxay heleen guri waasac ah iyo maacuun ku filan.

“Hoyga hadda waan haysanaa. Hoy fiican baan ku noolnahay. Qalabkii waan haysanaa. Marka anfacadii iyo noloshii ayaan u baahan nahay,” ayuu yiri.

Qoyska Cabdi oo bishii Novenber 2021 abaarta ku waayay 300 ari iyo 20 lo’ ayaa ka soo barakacay baadiyaha deegaanka Fafaxdhuun ee gobolka Gedo.

Waxay hadda ku nool yihiin xerada Iftiin ee magaalada Baardheere. ma jirto il dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin. Wuxuu hay’adaha samafalka ka codsaday inay gargaar degdeg ah la soo gaaraan.

“Daruufo iyo baahiyaha jiro ayaa halkan i keentay. Adigu maalinkii hal mar ayaa wax la helaa inta badan. Nolosheyda aad ayay u adag tahay. Gargaar ayaan u baahan nahay,” ayuu yiri.

Yusuf Aadan Cumar oo ah injineerka hay’adda HAPPEN u qaabilsanaa dhismaha guryaha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay qoysaska ku soo xusheen hadbo sida ay baahiyahoodu u kala ballaarneyd.

“Dadku inta badan qaab lagu soo xusho ayaa jirta sida dadka cusub oo barakac cusub ah oo markaa soo dagay. Waxaa ku jiro dadka curiyaamiinta ah, dadka da’da ah. Waxaa ku jiro dadka laga tiro badanyahay, qoysaska caruurtooda aadka u badan yihiin intaas iyo in kale oo badan,” ayuu yiri.

Previous Post

Nugaal: Beeraley laga siiyay matoorro ay biyaha uga soo saartaan ceelal qodaal ah

Next Post

Muqdisho: Gabar shaqada kabo caseynta ka masruufta qoyskeeda oo barakac ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Maryan, 14, goes to work every day shining shoes to support her sick mother in hospital, as well as her siblings and grandmother. Her father died some years ago and they returned to Mogadishu from Yemen where they we reliving as refugees. She earns two or three dollars a day when lucky to get shoes to shine.

Muqdisho: Gabar shaqada kabo caseynta ka masruufta qoyskeeda oo barakac ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo