(ERGO) – Bil iyo toban bari oo beertiisu ay biyo la’aan ahayd, Cabdiraxmaan Cali Guure wuxuu mar kale fursad u helay in uu waraabiyo dalag uu beertay. Mid ka mid ah matoorro ay siisay hay’adda Kaalo beeraleyda deegaanka Cuun ayaa ka caawiyay.
Bishii Luulyo ee sanadkan ayuu cilladdooday matoor biyaha ka soo saarayay ceel-gacmeed uu leeyahay oo ku dhinaca yaalla beertiisa, kaas oo uu isticmaalayay muddo shan sano ah.
Biyo la’aanta ay wajahday beertiisa ayaa sababtay in ay ka qasaaraan dalag iskugu jiray qare, digir, galley iyo masaggo oo uu horraantii bishii Juun ku maalgaliyay abuurkooda $250.
Cabdiraxmaan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in uu ku faraxsan yahay in aysan biyo la’aan uga qalalin geedaha liinta, babayga iyo saytuunka u beeran.
“Dhirtu waa ku wanaagsanaatay, wayna is beddeshay. Waa dhir oomanayd oo awal dayacnayd oo matoor la’ayd oo hadda matoor heshay. Sidaas baan ugu faa’iidnay, ugana helnay waxtar.”
Ninkan ayaa matoorka la siiyay 12 bishii hore ee ogosto, muddo bil ku dhow waxaa u baxaya dalagyo u badan digir, galley iyo qudaar.
Wuxuu sheegay in ay ku tiirsan yihiin wax-soo-saarka beerta carruurtiisa oo 11 qof ah, kuwaas oo saddexdii bil ee la soo dhaafay uu ku quudinayay raashin dayn ah.
Wuxuu xusay in lagu leeyahay lacag ka badan $500 oo isku jirta raashinka ay qoyskiisu isticmaalaan iyo abuurka uu galiyay beerta. Cabdiraxmaan wuxuu rajeynayaa in uu bixiyo lacagtaas marka ay soo go’aan dalagyada u baxaya.
Tacabka uu galiyay beertiisa ayuu sheegay inuu kordhiyay isagoo filaya in uu lacag badan ka helo marka uu goosto.
“Hadda xilli adag oo jiilaal ah baa lagu jiraa. Dadka baahidooda way tiro badan tahay. Waqtigaas abaarta ah baa lagu jiraa. Kan reer baadiyaha ah iyo midka beeraleyda ahna isku si bay u saameysay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Matoorka la siiyay ninkan oo qiimiisu yahay $450 ayuu xusay in uusan awood u lahayn helitaankiisa dhaqaale la’aanta haysa awgeed, hase yeeshee wuxuu walaac uu ka qabaa abaarta oo biyo la’aan ka dhigi karta ceelkiisa haddii ay sii jirto.
Beeraleyda deegaanka Cuun oo 75 km u jira magaalada Garowe ayaa haysta ceelal ay gacanta ku qoteen, kuwaas oo ay biyaha kaga soo saartaan matoorrada la siiyay.
Dadkaas waxaa ka mid ah Deeq Cali Siciid oo muddo 8 sano ah matoor la’aan ahaa, wuxuu xusay in uu ku tiirsanaa beeraleyda dariskiisa ah oo toddobaadkii mar ama labo jeer siin jiray matoor uu ceelkiisa biyaha kaga soo saarto.
Wuxuu xusay in uu kor u qaaday abuurka uu galiyay beertiisa bishii hore maaddama uu xal u helay caqabaddii biyo yarida ee haystay beertiisa.
“Waad garan kartaa farqiga u dhaxeeya matoorka 5 beri ama 6 beri kaa maqnaanaya iyo matoorka aad gacanta ku haysto ee adigu aad leedahay. Waxaannu noqonay dad xor ah.”
Beertiisa oo hiktar iyo bar ah waxaa horay ugu beernaa qare, digir iyo masago, balse wuxuu xusay in uu ku kordhiyay abuur kale oo ka mid yihiin nuucyada kala duwan ee khudaarta.
Deeq oo 56 jir ah. wuxuu leeyahay 6 geel ah iyo 8 lo’ ah. Wuxuu ku xannaaneeyaa duleedka deegaanka Cuun. Duunyadiisa oo nacfi roob aan helin tan iyo sanadkii hore ayuu siiyaa raashin uu u soo iibiyo.
“Geelaas bishii wuxuu cunaa isagoo anfac ka soo noqda uusan jirin ilaa 30 kiish oo galley ah. Halkii xabbo $30 baa laygu dhuftaa tii hore. Hadda xoogaa bay soo raqiistay oo waa $25, aniga hadda waxaan isku hayaa geel, lo’, beer iyo dad, wacyiga iyo waqtiga jirana waad garan kartaa. Hadda lacag la’aan baa jirta.”
Wuxuu qorshaynayaa marka ay u soo go’aan dalagga beertiisa in xoolihiisa iyo qoyskiisa ay heli doonaan cunno ku filan. Wuxuu sheegay in uu daynsado raashinka ay isticmaalaan qoyskiisa.
Taageerada la siiyay beeraleyda deegaanka Cuun ayaa qayb ka ah barnaamijka u adkaysiga abaaraha, maaddama dalaggoodu uusan ku tiirsanayn roobka sida ay sheegtay hay’adda Kaalo oo matoorrada u qaybisay qoysaskan.
Maxamuud Caydaruus Maxamuud oo madax ka ah mashruucan lagu taageeray beeraleyda ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ka hor inta aysan qaybin matoorrada ay xog-aruurin ku sameeyEEN dhinacyada ay ka liitaan beeraleyda.
“Ka dib la fariisigii dadka, waxaa ka soo baxay in bulshadu u baahan tahay in dhanka waraabka oo kale in beeraleyda laga taageero, meelahaasna ay ka jiraan ceellal qodaal ah in ay u baahan yihiin matoorro ay ku waraabsadaan beeraha, ka dibna annaga iyo wasaaradda beeraha oo iskaashanayna waxaan gaynay 40 matoor.”
Beeraleyda gobolka Nugaal ee dalaggoodu ku tiirsan yahay roobka ayuu xusay in ay ka istaageen wax beerashada markii roob la’aantu ay ka sii dartay sanadihii la soo dhaafay.
Bishii April ee sanadkii 2020 ayuu xusay in ay ka hirgaliyeen duleedka deegaanka Caaneyska ee gobolka Nugaal biyo xireen hal mar uu biyo galiyay roob da’ay sanadkii 2021.
Biyo xireenkan ayaa qorshuhu ahaa in ay ka wada faa’iideystaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada inkastoo roob la’aantu ay caqabad ku noqotay.










