Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Faafan: Xoolo dhaqatada ku nool deegaannada gobolka oo carruurtooda u helaya waxbarasho la guur-guurta

Radio Ergo by Radio Ergo
September 27, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
An alternative education programme in Ethiopia’s Somali Region aimed at keeping nomadic children in school allows them to continue their classes whilst supporting their pastoralist families with their chores. Camels carry the learning materials to where the communities settle.

Caption: Camels being loaded with school equipment ready to follow migrating pastoralist families in Fafan/Photo courtesy of education authority/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Khadra Good Sulub oo bishii toddobaad ee Luulyo u hayaantay tuulada Cadaadle oo hoostaga degmada Xarshin ee gobolka Faafan waxay carruurteedu weli dhiganayaan waxbarashada. Waxaa u suurageliyay adeeg waxbarasho oo guur-guura oo ka socda deegaanno ka tirsan dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waa mid u gaar ah xoolo dhaqatada miyiga deggan ee aan soo gaari karin iskuullada magaalooyinka.

Khadra ayaa sheegtay in saddex jeer oo geeddi ay gashay sanadkan iyo kii hore dhammaadkiisa ay waxbarashadu u socotay afar carruur ah oo ay dhashay. Fasallada labaad iyo afaraad ee dugsiga hoose ayay dhigtaan. Waxay ka mid yihiin 3,501 arday oo ka faa’ideysanaya waxbarashadan oo saddex sano socota.

“Dareen weyn bay iiga dhigantahay oo farxad bay noo tahay marka ilmahaagii oo gacanta aad ku hayso oo xoolihii raacaya haddane uu wax baranayo. Waan rumeysan kari waayay intii hore illaa xafiiska waxbarashada heer degmo noo yimaado oo yiraahdo halkaan ayaan carruurta wax ugu dhigeynaa, iyagoo xoolaha dhex jooga,”ayey tiri.

Haweeneydan waxay tilmaantay in reeraha miyigu ay ka howl badan yihiin kuwa magaalooyinka oo aysan ka maarmin xoogga carruurta, balse waxay sheegtay in iyadu aysan wax culeys ah dareemin oo carruurteedu galinka hore ay waxbartaan, galinka dambana ay la qabtaan howsha guriga iyo ilaalinta xoolaha.

Khadra ayaa xustay inay jeclayd in carruurteedu ay waxbartaan, balse uu caqabad ku ahaa miyiga ay deggantahay oo aan adeeg waxbarasho lahayn. Waxa ay sheegtay inaysan awoodin oo ay ku adkeyd bixinta dhaqaalaha ku baxaya waxbarashadooda, hoyga ay degayaan iyo cuntadooda haddii ay geyn lahayd iskuulada magaalooyinka.

“Xoolo raac un bay ahaayeen. Mustaqbal may laheyn. In badan baano ka warwareynay in carruurtu wax noo barato. Imika warwarkii Ilaaheybaa nooga faa’iideeyay. Halkay joogaanbay imika wax ku aqrinayaan, waxna ku qorayaan iyagoo xoolihii la jooga,” ayay tiri.

Khadra oo ah hooyada 9 carruur ah ayaa dhaqata ari lixdan ah. Abaarta ayay ku waysay 35 neef. waxay sheegtay in helitaanka biyaha aysan dhibaato ku qabin, balse xoolaha u haray aysan helin daaq ku filan, dhulka oo abaar ah darteed.

Xafiiska waxbarashada ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka caawiya agabka ay ardaydan wax ku bartaan. Sagaal goobood oo ka tirsan gobolka Faafan ayay waxbarashadan ka socotaa. iskuulo dhisan wax kuma bartaan, balse waa geedo iyo balbalooyin hoostood. Waxaa laysku geeyaa inta iska ag dhow ee hal meel wax ku baran karta.

Waa waxbarasho guur guurta oo loogu talo galay ineysan u istaagin geediga xoolo dhaqatada. Sidaas waxaa sheegay Saxardiid Cabdi Jaamac oo ah madax xafiiseedka waxbarashada ee degmada Xarshin.

“In qofkii waxna aqrin karo waxna xisaaban karo ayey tahay ujeedada waxbarashada reer guuraagu. Xaq waxay u leeyihiin dadkii baadiyaha ee reer guuraagu in ay marna xoolahooda dhaqdaan, marna ay waxbarasho helaan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in waxbarashadan ay tahay mid dadban oo heerkeedu uu ku egyahay dugsiga hoose. Waxaa aqoonsan xafiiska waxbarashada ee deegaanka. Ardayga dhammeeya ayaa dugsiga dhexe ka sii wadan kara iskuulada ka furan magaalooyinka deegaanka.

Howshan waxaa door muhiim ah ka qaadanaya Awr lix ah oo uu iibiyay xafiiska waxbarashada oo kaashanaya hay’adda badbaadada carruurta ee Save the children. Waxaa loo adeegsadaa daabulidda agabka wax lagu baro ardayda. Saxardiid ayaa ka warbixinaya kaalinta Arwtan iyo waxa ay ku doorbideen

“Reer guuraagu waxey sii degaan dhul aanu baabuurku noo mari kareyn, taas ayaa kaliftay in awrta u adeegsano oo ma aragtay manhajkii qaadaan. Awrtaasi had iyo goor daawadeedii, calafkiisii waqtiga jiilaalka, biyihiisii waa wax xafiisku bixiyo dhaqaalaha ku baxa,”ayuu yiri.

Awrtan waxaa ku shaqeeya rag lix ah oo mid kasta dowladdu ay ku siiso $35 bishii. Waa fursad dhaqaale oo noloshooda ay ku kabaan raggan oo dhammaan ah xoolo dhaqatada deegaanka.

Waxaa ka mid ah Axmed Yaasiin Cabdullaahi oo sheegay in barnaamijkan uu ka helay labo faa’iido oo kala ah dhaqaale iyo mid ka mid ah carruurtiisa oo uga mid ah ardayda helaya deeqda waxbarasho una dhigta fasalka koowaad.

Axmed ayaa ku shaqeeya labo rati oo uu sidoo kale qaabilsan yahay ilaalintooda iyo xannaaneyn tooda. Waa kan isagoo sharaxaya qaabka uu ugu shaqeeyo.

“Labadaas awr waxaa noo saaran 125 buug iyo Tamaashiirtii (Jeeso), sabuuradii. Marka tuuladii aan joognay dadku ay ka guuraan anaguna waan ka daba dhaqaajinaa. Waab ayaanu dabadeed sameysanaa aanu qalabka dhigano,” ayuu sheegay.

Waa aabaha saddex carruur ah oo ari konton ah ku dhaqda tuulada Taagan duur oo hoos tagta degmada Xarshin.

Boqol iyo labaatan macallin ayaa ardayda reer guuraaga ah wax u dhiga. Macallin kasta ayaa bishii mushaar u qaata $45. Ardayda ayaa wax la baraa maalmaha Sabtida iyo Axadda aan aheyn.

Bashiir Deeq Cabdi oo macallimiintaas ka mid ah ayaa tilmaamay in ardaydu ay waxbartaan subaxa hore illaa barqadii. Wuxuu intaas ku daray ineysan waxba dhigin duhurkii oo ay cadceedu kulushahay iyo habeenkii oo aan iftiin la heleynin.

“Maadooyinka aan u dhigo waxaa ka mid ah xisaab, seynis iyo maadooyin badan oo ku saleysan dhaqanka, sida sheekooyinka. Ardaydu waxay iskugu jiraan kuwo billow maraya, kuwo tageybaa jira oo iyaguna aad u fiican, kuwo dhex dhexaad ah ayaa jira iyagana,” ayuu yiri.

Bashiir ayaa tilmaamay inuu ahaa macallin dowladda u shaqeeya oo 12 sano ka howl galayay iskuul hoose oo ku yaalla degmada Xarshin inta aysan dowladdu u badalin waxbarashada reer guuraaga.

Waa aabaha shan carruur ah. Qoyskiisu waa xoolo dhaqato kula nool miyiga Xarshin oo ay ku dhaqdaan ari labaatan ah.

Xafiiska Waxbarashada ee dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in waxbarashadan ay tahay mid sii socon doonta oo waqtigeedu uusan xadidnayn. Gobolka Faafan ayaana ah halka kaliya ee ay ka socoto. Xafiisku ayaa xusay in sababta gobolkan lagu doortay ay tahay dadka ku nool oo u badan xoolo dhaqato miyiga guura oo ka fog iskuulada magaalooyinka ku yaalla.

Previous Post

Ganacsato ka samri la’ lacagta Shilin Soomaaliga oo sanado ka hor laga diiday deegaannadooda

Next Post

Nugaal: Beeraley laga siiyay matoorro ay biyaha uga soo saartaan ceelal qodaal ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Ceelal biyoodyo ku yaal Mandheera oo ay daadadku aaseen

Nugaal: Beeraley laga siiyay matoorro ay biyaha uga soo saartaan ceelal qodaal ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo