Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Ganacsato ka samri la’ lacagta Shilin Soomaaliga oo sanado ka hor laga diiday deegaannadooda

Radio Ergo by Radio Ergo
September 26, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsato ka samri la’ lacagta Shilin Soomaaliga oo sanado ka hor laga diiday deegaannadooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)  – Cabdirisaaq Macallin Axmed oo ka mid ah ganacsatada magaalada Cadaado wuxuu ku seexdaa, kuna soo kacaa inay maalin uun dib u shaqayn doonto lacagta Shilin Soomaaliga oo laga diiday degmadiisa.

Ninkan oo ka mid ah boqollaal ganacsato ah oo iyagoo haysta lacag caddaan ah la joojiyay isticmaalkeeda ayaa shan sano kaydinaya 94 milyan oo Shilin Soomaali ah. Wuxuu la nool yahay rajo ah inay suuqyada ku soo laaban doonto.

“Waa hantidaanadii wax kuma qabsan karno. Wax kuma gadan karno. Hantidaanadiina meel aan uga tagno waan garan waynay. Waxaan ku qasbanaanay inay kayd noo noqoto. Rajaan qabnaa in lacagta na loo fasixi doono ama inta na laka qaado mid kale nala kugu badali doono saas ayaan aaminsanahay,” ayuu yiri.

Taniyo 2017 deegaanada gobolada dhexe waxaa laga adeegsanayay keliya lacagta teleefannada gacanta la isugu diro iyo Doollarka caddaanka ah. Dadka deegaanka ayaa ka quustay wax ku kala gadashada lacagta Shillin Soomaaliga.

Hase yeeshee, Cabdirisaaq iyo shaqsiyaad kale oo la aragti ah waxay filayaan inay qiimo ku yeelan doonto dhammaan deegaannada laga diiday. Sidoo kale waxay ku dhiiran waayeen inay ku daraan gudaafadaha.

“Lacagteenii waan firdhin waynay. Damiirteennu waa keeni waysay. Waxaan is leenahay haddii dawlad la helo oo sistamku isbadalo wax la yiraah caymis ayaa jira oo dawladuhu ka shaqeeyaan. Dad dhibanayaal ah ayaan nahay,” ayuu yiri.

Ninkan oo lahaa baqaar lagu iibiyo raashinka noocyadiisa kala duwan oo uu ka maarayn jiray nolosha saddex qoys ayaa sheegay in tan iyo markii la joojiyay lacagta Shilin Soomaaliga ay meheradiisu dhaafi waysay biilka.

Cabdirisaaq wuxuu xusay in waxyaabaha ay uga samri waayeen lacagta Shilin Soomaaliga inay tahay baahi jirta.

“Waan u ciishoonaa xiliyada qaar. Lacagta inta soo furno oo bannaanka keeno ayaan dadka tusnaa oo lacagteennu ha shaqayso ayaan dadka ku dhahnaa anagoo ku cabanayna oo muujinayna shacuurteenna,” ayuu yiri.

Diididda Shilin Sooomaaliga ayaa timid markii la isla dhex maray warar ah in suuqa ay ku jirto lacag aan sax aheyn oo si sharci darro ah loo daabacay.

Iidle Yuusuf Axmed oo tukaan dharka lagu iibiyo ku leh magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud wuxuu ka mid yahay ganacsatada rajada ka leh lacagaha suuqa ka baxay. Ninkan ayaa isha ku doogsada 69 milyan oo uga hartay lacagtii la diiday, taas oo weli boorso ugu jirta.

Inuu helo cid ka qaadata wuxuu u galay safarro. Wuxuu sheegay inuu ula safray magaalooyin ay ka mid tahay magaalada Boosaaso balse kama soo helin cid u sarifta.

“Qarash aan yarayn ayaa iiga baxay. Puntland ayaan geeyay. Waxaa la i yiri inta furtid lacagta cad soo bixi. Boqolkiiba waxaa laga yaabaa in shan shilin laga helo. Waan diiday oo waxaan dhahay lacagtayda ayadoo dhamaystiran in la iisarrifaan rabaaye in la iga kala qaadqaado ma rabo. Waan soo celiyay. Adiga $500 ku dhawaad waa iiga baxday,” ayuu yiri.

Iidle wuxuu sheegay inuusan ka daali doonin kaydinta lacagta Shilin Soomaaliga.

“Anigu ilaa iyo inta ay cadaalad ka helayso waan haynayaa. Hadda qaarna tukaan kayga ayay ii taalaa qaarna gurigayga jawaan sonkoreed ayaan afka uga tolay oo meel ayay iigu xaraysan tahay,” ayuu yiri.

Ninkan oo ah dukaanle waxaa ka xirmay ganacsigiisa balse dad qaraabadiisa ah ayaa dib ugu furay 2020. Wuxuu sheegay in lagu yeeshay $1600 taas oo uu ku biilay qoyskiisa oo lix qof ka kooban. Wuxuu tilmaamay in hadda tukaankiisa uusan lahayn faa’iidadii xilligii Shilin Soomaaliga.

Saameynta ka dhalatay joojinta lacagta Shilin Soomaaliga ayaa gaartay guryo badan. Lacagta taleefannada la isugu xawillo waxaa ku yimaada cillad sida isgaarsiinta oo shaqeyn wayda.

Guddoomiyaha ganacsatada hoose iyo dhexe ee Galmudug Maryan Cali Cismaan oo la hadashay Raadiyow Ergo ayaa sheegtay inay dhowr jeer isku dayeen inay lacagtan ka shaqaysiiyaan balse ay ku guuldaraysteen.

Waxay intaas ku dartay in baahida loo qabo lacagta kaashka ah ay aad u taabatay dadka waayeelka ah iyo carruurta oo aan fahan fiican ka haysanin habka lacag dirida taleefannada casriga ah.

“Waxaa qorshaha noogu jira inaan helno lacag Shilin Soomaali ah oo ka shaqaysa dalkeenna oo aan ku hormarinno ganacsigeenna. ayay tiri.

Previous Post

Muqdisho: Boqollaal arday oo waxbarashada iskuullada uga haraya dhaqaale xumo ka dhalatay abaarta

Next Post

Faafan: Xoolo dhaqatada ku nool deegaannada gobolka oo carruurtooda u helaya waxbarasho la guur-guurta

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
An alternative education programme in Ethiopia’s Somali Region aimed at keeping nomadic children in school allows them to continue their classes whilst supporting their pastoralist families with their chores. Camels carry the learning materials to where the communities settle.

Faafan: Xoolo dhaqatada ku nool deegaannada gobolka oo carruurtooda u helaya waxbarasho la guur-guurta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo