Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Boqollaal arday oo waxbarashada iskuullada uga haraya dhaqaale xumo ka dhalatay abaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
September 23, 2022
in Wararkii u Danbeeyay
0
Hundreds of Somali children in Mogadishu have dropped out of school due the inability of their families, who are drought-affected pastoralists and farmers living in rural areas, to pay the school fees.

Ismail (14) at home at his grandmother’s in Mogadishu after dropping out of school. His mother, who lost her livestock in Bakool, was unable to continue paying his fees/ Rijaal Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ismaaciil Maxamed Abshir oo 14 sano jir ah ayaa fasalka afraad ee dugsiga dhexe bishii May ee sanadkan uga haray iskuul uu dhiganayay markii ay qoyskiisa oo xoolo dhaqato ku ah gobolka Bakool ay awoodi waayeen inay ka bixiyaan $12 saameynta abaarta ka soo gaartay darteed.

Wiilkan oo shan sano waxbarashada soo waday ayaa sidoo kale ka baaqday inuu u fadhiisto imtixaan sanadeedkii la soo dhaafay oo ardaydii ku fasalka ahaa ay galeen bishii June markii uu waayay buugaag uu ka akhristo casharrada iyo dharkii iskuulka.

“Saddex bilood iskuul ma aadin, sababtuna waa lacagtii baadiye layga soo diri jiray ayaan waayay haddana guriga ayaan iska jooggaa. Iskuulka waxaa uu ugu leeyahay saddex bilood ayeeyana ma awoodo in ay iga bixiso. Anigana ma awoodo in aan iska bixiyo. Marka waxaa aan go’aansaday in aan guriga iska joogo,” ayuu yiri.

Ismaaciil walaashiis ka yar Naciimo oo iyaduna aheyd fasalka Saddexaad ayaa ka hartay iskuulka. Labadooduba waxay taageero ka heli jireem hooyadood oo xoolo isugu jira lo’ iyo ari ku dhaqan jirtay miyiga gobolka Bakool una soo diri jirtay bishii $30.

Hadda hooyadda Ismaaciil iyo afar carruur ah oo ka yar yar waxay soo gaareen magaalada Xudur markii 70 neef oo lo’ ah iyo ari 50 ah ay ku waayeen abaaraha ka jira gobolka intii lagu guda jiray sanadkan.

Wuxuu xusay in dhammaan ardaydii ay isku fasalka ahaayeen iskuulka hoose iyo dhexe ee Naaji oo ku yaalla degmada Dayniile in ay xaadiraan fasalladii ay dhigan jireen. Wuxuu sheegay inuu dareemayo welwel ka dhashay waxbarasho la’aanta ku heysata guriga.

“Waxaan jeclaan lahaa mustaqbalka in aan noqdo dhaqtar oo aan dadka daaweeyo. Kuma fakareyn in aan iskuulka ka hari doono balse qaddar Alle ayaa dhacday. Iskuulka waad og tahay wuxuu u baahan yahay lacagtiisa. Hooyo labaatan neef ayaa u soo hartay oo abaar wali heyso. Hooyo waxay i dhahday dad wax gata ayaa la weeyay iska joog. Laakiin aniga waan jeclaan lahaa in aan waxbarashada sii wato,” ayuu yiri.

432 Arday ayaa ka haray waxbarashada dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare ee gobolka Banaadir markii ay iska bixin waayeen lacagaha lagu dhigto iskuullada oo ah $18, iyo $20.

200 arday waxay ka hareen dugsi sare. 132 waxay ka hareen dugsi dhexe. Halka 100 arday ay ka hareen dugsiyada hoose sida lagu sheegtay xarunta cilmi baarista waxbarashada ee Aqoonkaab.

Qaar ka mid ah ardayda ka haray iskuullada ayaa bilaabay in ay shaqooyin raadiyaan si ay u caawiyaan qoysaskii soo caawin jiray isugu jiray oo la dhibtoonaya saameynta abaarta.

Axmed Maxamed Warsame oo 20 sano jir ah ayaa in ka badan 12 saacadood ka shaqeeya goob lagu iibiyo cabitaanada la qaso ee dadka ay ku iibsadaan halkii koob saddex kun oo shilin Soomaali ah.

Wuxuu Axmed helaa bishii lacag dhan $120 oo $60 ka mid ah uu u diro qoyskiisa oo ka kooban lix qof oo hadda ku nool xero barakac oo ku taalla degmada Balcad.

Da’yarkan ayaa fasalka koowaad ee dugsiga sare uga haray iskuulkii uu dhigan jiray bishii Febraay ee sanadkaan markii uu waayay taageeradii uu ka heli jiray aabbihiis oo xoolo ku dhaqan jiray duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Uniform-kii (dharkii) wax ii gada ayaan waayay. Buugaagtii oo la iska rabo wax ii iibiya ayaan waayay, Iskuulkiina laygu yeeshay Afar bilood waan iska haray,” ayuu yiri.

Axmed ayaa sheegay in hadda uu yahay qofka keliya ee ay ku tiirsan yihiin qoyskiisa oo abaarta ku waayay 100 neef oo ari iyo lo’ isugu jiray. Da’yarkan ayaa la nool rajo ah in mar kale uu dib ugu laabto waxbarashaddiisa haddii isbadal uu ku yimaada nolosha uu hadda ku sugan yahay iyo mida qoyskiisa.

Iskuullada ardaydaan ay ka hareen ayaa ah 26 iskuul oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn ee ku yaalla gobolka Banaadir.

Abdinuur Maxamuud Aadan ah oo maamulaha xarunta warbixintaan sameysay ayaa sheegay in 600 oo arday kale ah ay qarka u saaran yihiin in ay ka haraan waxbarashada sabab la xiriirta abaarta oo saameysay beerihii iyo xoolihii qoysaskooda u ahaa isha wax soo saar.

Wuxuu intaas ku daray inay inay ku taliyeen in dadaallada lagu tacalaayo dadka ay abaaruhu saameeyeen in lagu daro saameynta dhanka waxbarashada si kab ay waxbarashada ku sii wataan loo siiyo ardayda.

Previous Post

Bari: Biyo xireenka deegaanka Unuun oo ay ka faa’ideysanayaan kumannaan qoys oo biyo yari wajahayay

Next Post

Ganacsato ka samri la’ lacagta Shilin Soomaaliga oo sanado ka hor laga diiday deegaannadooda

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Ganacsato ka samri la’ lacagta Shilin Soomaaliga oo sanado ka hor laga diiday deegaannadooda

Ganacsato ka samri la’ lacagta Shilin Soomaaliga oo sanado ka hor laga diiday deegaannadooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo