(ERGO) – Ismaaciil Maxamed Abshir oo 14 sano jir ah ayaa fasalka afraad ee dugsiga dhexe bishii May ee sanadkan uga haray iskuul uu dhiganayay markii ay qoyskiisa oo xoolo dhaqato ku ah gobolka Bakool ay awoodi waayeen inay ka bixiyaan $12 saameynta abaarta ka soo gaartay darteed.
Wiilkan oo shan sano waxbarashada soo waday ayaa sidoo kale ka baaqday inuu u fadhiisto imtixaan sanadeedkii la soo dhaafay oo ardaydii ku fasalka ahaa ay galeen bishii June markii uu waayay buugaag uu ka akhristo casharrada iyo dharkii iskuulka.
“Saddex bilood iskuul ma aadin, sababtuna waa lacagtii baadiye layga soo diri jiray ayaan waayay haddana guriga ayaan iska jooggaa. Iskuulka waxaa uu ugu leeyahay saddex bilood ayeeyana ma awoodo in ay iga bixiso. Anigana ma awoodo in aan iska bixiyo. Marka waxaa aan go’aansaday in aan guriga iska joogo,” ayuu yiri.
Ismaaciil walaashiis ka yar Naciimo oo iyaduna aheyd fasalka Saddexaad ayaa ka hartay iskuulka. Labadooduba waxay taageero ka heli jireem hooyadood oo xoolo isugu jira lo’ iyo ari ku dhaqan jirtay miyiga gobolka Bakool una soo diri jirtay bishii $30.
Hadda hooyadda Ismaaciil iyo afar carruur ah oo ka yar yar waxay soo gaareen magaalada Xudur markii 70 neef oo lo’ ah iyo ari 50 ah ay ku waayeen abaaraha ka jira gobolka intii lagu guda jiray sanadkan.
Wuxuu xusay in dhammaan ardaydii ay isku fasalka ahaayeen iskuulka hoose iyo dhexe ee Naaji oo ku yaalla degmada Dayniile in ay xaadiraan fasalladii ay dhigan jireen. Wuxuu sheegay inuu dareemayo welwel ka dhashay waxbarasho la’aanta ku heysata guriga.
“Waxaan jeclaan lahaa mustaqbalka in aan noqdo dhaqtar oo aan dadka daaweeyo. Kuma fakareyn in aan iskuulka ka hari doono balse qaddar Alle ayaa dhacday. Iskuulka waad og tahay wuxuu u baahan yahay lacagtiisa. Hooyo labaatan neef ayaa u soo hartay oo abaar wali heyso. Hooyo waxay i dhahday dad wax gata ayaa la weeyay iska joog. Laakiin aniga waan jeclaan lahaa in aan waxbarashada sii wato,” ayuu yiri.
432 Arday ayaa ka haray waxbarashada dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare ee gobolka Banaadir markii ay iska bixin waayeen lacagaha lagu dhigto iskuullada oo ah $18, iyo $20.
200 arday waxay ka hareen dugsi sare. 132 waxay ka hareen dugsi dhexe. Halka 100 arday ay ka hareen dugsiyada hoose sida lagu sheegtay xarunta cilmi baarista waxbarashada ee Aqoonkaab.
Qaar ka mid ah ardayda ka haray iskuullada ayaa bilaabay in ay shaqooyin raadiyaan si ay u caawiyaan qoysaskii soo caawin jiray isugu jiray oo la dhibtoonaya saameynta abaarta.
Axmed Maxamed Warsame oo 20 sano jir ah ayaa in ka badan 12 saacadood ka shaqeeya goob lagu iibiyo cabitaanada la qaso ee dadka ay ku iibsadaan halkii koob saddex kun oo shilin Soomaali ah.
Wuxuu Axmed helaa bishii lacag dhan $120 oo $60 ka mid ah uu u diro qoyskiisa oo ka kooban lix qof oo hadda ku nool xero barakac oo ku taalla degmada Balcad.
Da’yarkan ayaa fasalka koowaad ee dugsiga sare uga haray iskuulkii uu dhigan jiray bishii Febraay ee sanadkaan markii uu waayay taageeradii uu ka heli jiray aabbihiis oo xoolo ku dhaqan jiray duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Uniform-kii (dharkii) wax ii gada ayaan waayay. Buugaagtii oo la iska rabo wax ii iibiya ayaan waayay, Iskuulkiina laygu yeeshay Afar bilood waan iska haray,” ayuu yiri.
Axmed ayaa sheegay in hadda uu yahay qofka keliya ee ay ku tiirsan yihiin qoyskiisa oo abaarta ku waayay 100 neef oo ari iyo lo’ isugu jiray. Da’yarkan ayaa la nool rajo ah in mar kale uu dib ugu laabto waxbarashaddiisa haddii isbadal uu ku yimaada nolosha uu hadda ku sugan yahay iyo mida qoyskiisa.
Iskuullada ardaydaan ay ka hareen ayaa ah 26 iskuul oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn ee ku yaalla gobolka Banaadir.
Abdinuur Maxamuud Aadan ah oo maamulaha xarunta warbixintaan sameysay ayaa sheegay in 600 oo arday kale ah ay qarka u saaran yihiin in ay ka haraan waxbarashada sabab la xiriirta abaarta oo saameysay beerihii iyo xoolihii qoysaskooda u ahaa isha wax soo saar.
Wuxuu intaas ku daray inay inay ku taliyeen in dadaallada lagu tacalaayo dadka ay abaaruhu saameeyeen in lagu daro saameynta dhanka waxbarashada si kab ay waxbarashada ku sii wataan loo siiyo ardayda.